Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Demonstrations against the UN-sponsored meeting

Recommended Posts

Somalina   

Huge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation. In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month. The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia.

Source: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90043485?%20Somalis%20demonstrate%20against%20UN-sponsored%20meeting%20on%20Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo

 

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.

 

"Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay.

 

Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi.

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dibadbax lagu taageerayo DKMG oo ka dhacay Sool, Sanaag iyo Ceyn

 

 

Buuhoodle: (Sh. M. Network) Banaanbax looga soo horjeeday ka qeyb galka Shirka Qaramada Midoobay ee Nairobi islamarkaana lagu taageerayay Xukuumada KMG ayaa maanta ka dhacay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Dibadbaxyadaani ayaa waxa uu ahaa kuwa si wayn looga soo horjeeday ka qeyb galka shir wada tashi ah oo ay soo agaasintay Qaramada Midoobay laguna wado in bartamaha Bishan uu ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana banaanbaxyadaasi ay ka kala dhaceen gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn ee Woqooyiga dalka Soomaaliya.

 

Banaanbaxyada oo ay ka qeyb qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan goboladaasi ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen (Dooni mayno Shirka Niarobi, Dooni mayno shir shirqool, Dooni mayno Mahiga) iyo ereyo oo ka dhan ah shirka Qaramada Midoobay ay ku wado in uu ka dhaco Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

 

Dibadbaxyada kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Garaad Ibraahim Baaruud (Guutaale) oo ka mid ah waxgaradkii soo qaban qaabiyay banaanbaxyada looga soo horjeeday shirka Qaramada Midoobay.

 

Garaad Guutaale ayaa waxaa uu sheegay inaysan marna aqbalayn shirka Nairobi iyo wixii kasoo baxa, isagoo ku daray in shirkaasi aysan wax dan ah ugu jirin maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si wayn u taageeray qorshaha Xukuumadda KMG ay horay u soo jeedisay ee ahaa in muddo halsano ah loo kordhiyo Hay’adaha ugu sareeya dowladda KMG.

 

Dhinaca kale banaanbax midkaani la mid ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo banaanbaxaasina looga soo jorjeeday shirka qaramada midoobay ee la filayo in uu ka dhaco dalka Kenya.

 

Banaanbaxaani ayaa waxaa ay imaanayaan xili golaha Wasiirada, Odayasha dhaqanka Beelaha Sooaaliyeed, Majmaca Culumada Islaam, Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ay kasoo horjeestay shirka ay Qaramada Midoobay shirka wada tashiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Macjmaca Culimada, Ururada Haweenka iyo qeybaha Bulshada oo shir qaran dumis ku tilmaamay shirka Nairobi

 

Warsaxaafadeedyo ay maanta siyaabo kala duwan uga soo saareen magaalada Muqdisho Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isutaga dhalinayrada, iyo golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo aragtidooda ku aadan shirka la sheegay inuu ka dhaci doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay qaban qaabisay Q/midoobay isla markaana lagu casuumay dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Ahlusunna Waljacaamaca.

 

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee KM4 ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay qaban qaabineyso gaar ahaana wakiilkooda Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga waxayna sheegeen in shirkaasi uu yahay shir Qaran dumis ah sida ay hadalka u dhigeen, wuxuuna farta ku fiiqay inay uga digayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan kulankaasi,wuxuuna sheegay in qofkii shirkaas ka qeybgala uu yahay qof dambi ka galay dalka iyo dadka, isagoo warsaxaafadeedkiisana ku taageeray go’aankii ay xukuumada Federaalka KMG ah ku kordhisay mudada halka sano ah.

 

qeybaha-bulshada_1.jpg

 

Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna shir jaraa’id saxaafada ugu qabatay xaruntooda magaalada Muqdisho ayay ku mucaaradeen shirka ka dhacaya magaalada Nairobi waxayna taasi bedelkeeda ka codsatay Q/midoobay inay dhiirigelin, taakuleyn iyo horumarin ku sameeyeen dowladda Federaalka oo ay sheegtay inay isbedelo la taaban karo ka muujiyeen maamulka iyo hanaanka Dowladnimo ee dalka.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Sabriye oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taageeray baaqii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhigaan isu soo baxaan si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin faragelinta ay ku hayaan xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS arrimaha Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.

qeybaha-bulshada_2.jpg

 

Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isaguna fikirkiisa ku biiriyay waxa ay ka aaminsan yihiin dhalinayrada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dhalinayradu ay taageersanyihiin go’aankii ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalkuba ku diideen shirkii dib u heshiisinta, iyagoo balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxyo maalinta khamiista ah lagu wado inay ka dhacaan magaalada Muqdisho kuwaasoo shacabku ku muujin doonaan fikirkooda shirka Nairobi iyo weliba marxaladda dalka.

 

Shirarakani ayaa daba socda shirkii shalay golaha odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku diideen shirka ka dhacaya Nairobi.

 

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

C/qaasim: Madaxda DKMG ha Isku-tanaasulaan

 

Madaxweynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad ayaa ka horyimid shirka Nairobi, isagoo madaxda DKMG ugu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Banaanbaxyo balaaran oo ka dhacay Koofurta iyo baratamaha Somaliya

 

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Banaanbaxyo lagu taageerayay Xukuumadda Ra’iisul wasaara Farmaajo ayaa maanta ka dhacay inta badan gobolada Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Banaanbaxyadaani oo ahaa mid balaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal dad weyna’ah laguna taageerayay go’aankii golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo ay ka qaadatay ka qeyb galka shirka Qaramada Midoobay ay qaban qaabisay oo bartamaha bishan ka dhacaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo degmada Dooloow Soomaaliya.

 

Dibadbaxa ayaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo ku faraxsanaa go’aankii Xukuumadda KMG ay ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi, waxaana banaanbaxyadaasi uu ka dhacay fagaaro ku yaala degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

 

Dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la hadlay Saraakiil ka tirsan dowladda KMG, Xildhibaano ka tirsan barlamanka iyo Mas’uuliyiin kale kuwaasi oo dadka ku boorinayay sida ay isku garab istaageen go’aankii Xukuumadda Farmaajo ay ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi.

 

Xildhibaan Max’uud Siid Aadan oo ka mid ah Mudanaayasha barlamanka oo ka hadlay banaanbax ka dhacay degmada Baladxaawo ayaa waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan gobolkaasi looga baahanyahay inay taageeraan dowladda KMG iyo go’aanada ay ka qaadanayaan shirkaasi.

 

Dhinaca kale banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka dhacay gobolka Galgaduud kaasi oo lagu taageerayay go’aankii ay qaadatay Xukuumadda KMG Soomaaliya.

 

Baananabaxaani ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu tageerayay guulaha isdaba jooga ah oo dowladda KMG Soomaaliya ay kagaartay Muqdisho iyo go’aankii golaha wasiirada ay ka gaareen shirka Qaramada Midoobay ay ku wado magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

 

Ugu AFhayeenka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Bile Bashiir Cali ayaa sheegay in aan lagu marti galin shirka ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Xaruta dalka Kenya sidaasi darteedna aan ka qeyb galayn Maamulka Ahlu Suna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Banaanbaxyo ka dhacay Galguduud

 

Bannaan baxyo looga soo horjeedo shirka ay qaramada Midoobay ay Kenya ku qabaneyso ayaa ka dhacay degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud kaa oo ay soo qabanqaabiyeen Ururada bulshada degmadaasi iyo saraakiil ka tirsan ASWJ.

 

Kumanaan dadweyne ah oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan shirka iyo sida ay u taageersan yihiin go’aankii diidmada ahaa ee ay Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi,

 

Dibad baxaan oo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen culimaa’udiin , Odayaal Dhaqameedyo, Ururada Haweenka iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Gobolka Galguduud ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedada ay isugu soo baxeen C/risaaq Cilmi Caato oo kamid ah dadkii soo ababulay, wuxuuna tilmaamay in ay isugu soo baxeen in ay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan shirka la filayo in 12-ka bishaan lagu qabto Nairobi.

 

Dadkan oo socod ku soomaray dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Caabudwaaq ayaa ku dhawaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan shirka, waxaana dadkii isu soo baxaasi dhigayey la hadlay Sheekh Xuseen Maxamed Cosoble oo ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaaca kasoo dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay qaadacaadda shirkaasi oo uu ku tilmamay mid khiyaano ah.

 

Sidoo kale mid ka mid ah aqoonyahannadi dibadbaxaan ka hadlay ayaa uga digay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga qabanqaabada shir hor leh oo dib-u-heshiisiineed maadaama xilligan ay muhiim tahay in la dhmeystiro howlaha wax ku oolka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bannaanbax Shirka Kenya looga soo horjeedo oo Gedo ka dhacay

 

 

Bannaanbax ay ka qayb galeen boqolaal dadweyne islamarkaana muhiimadiisu ahayd sidii ay u taageeri lahaayeen go’aanka Xukuumada KMG ee Soomaaliya ee ku aaddan ka qayb galka shirka Nairobi ee Qaramada Midoobay ay qaban qaabinayso ayaa maanta lagu qabtay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Bannaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoranaayeen halku dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan sida ay ugu qanacsan yihiin dowrka Xukuumadda ee dhinaca nabadaynta dalka iyo sida ay uga soo horjeedaan shirka lagu wado in lagu qabto magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo C/laahi Ibraahin Kulayloow oo soo qabanqaabiyay bannaanbaxaasi oo Radio Muqidsho uga waramay sida ay ahayd maanta shucuurta dadka isugu yimid degmada Luuq, ayaa tilmaamay in go’aanka dowladda ay dadweynuhu si weyn ugu faraxsan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Banaanbaxyo balaaran oo maanta ka dhacay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo

anaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaan-baxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda.

Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada.

Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka, doonimeyno Al-shabaab, Soomaaliya - Soomaali baa leh, dooni meyno shirka shirqoolka ah ee Qaramada Midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.

Banaanbaxa-degmada-Luuq2_2.jpg

Banaanbaxa-degmada-Luuq5_5.jpg

Banaanbaxa-degmada-Luuq_1.jpg

Banaanbaxa-degmada-Luuq4_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

DSC00438.jpg

DSC004511.jpg

DSC00442.jpg

DSC00431-11.jpg

Caabudwaaq:(R.CW)Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada

Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq

ee Gobolka Galgaduud, waxaana kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan

maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna iyo bulshada qeybahoda kala duwan.

 

Waxaa ka qeyb galay isu soo baxa maanta Gaadiidka gaashaaman ee

Maamulka Ahlusuna iyo kuwa dadweynaha iyaga oo socod ku soo maray

xaafadaha iyo wadooyinka magaalada, waxaana lagu soo xardhay sawirada

madaxda dowlada iyo calankeena Sharafta leh ee Soomaaliya, iyagoo ugu

dambayna isugu yimid Geedka Xoriyada ee Degmada Caabudwaaq.

 

C/risaaq Cilmi Caado oo kamid ahaa xubnihii soo agaasimay isu soo baxa

ay bulshada deegaanka ka dhigeen maanta degmada Caabudwaaq ayaa

sheegay in ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan DKMG ee Soomaaliya

go'aanka ay ka qaadatey Shirka lagu wado in lagu qabto Kenya iyo

Mudada sanadka ah oo ay xukuumadu ku siyaadsatey jiritaankeeda iyo

mowqifka hay'adaha QM ee mudada 90.ka cisho inay ku soo dagaan

Soomaaliya, Howlgalada wada jirka ah ee Dowlada iyo Ahlusuna ee

Gobolada dalka ay kawadaan iyo Hogaan Cusub ee Ahlusuna looga

dhawaaqay dhawaan Gobolka galgaduud.

Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye

gudoomiyaha Gudiga Fulinta Sh. Xuseen Maxamed Cosoble iyo Afhayeenka

Maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka

mid ahaa xubnihii maamulka Ahlusuna oga qeybgalay maanta isu soobaxa

ay sameeyeen bulshada deegaanka.

 

Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye gudoomiyaha guud ee Ahlusuna ayaa ugu

baaqay bulshada Soomaaliyeedibay is cafiyaan si ilaahay Raxmaadkiisa

nooga soo waraabiyo maadaama ay jirto abaar saamaysay dadka iyo

duunyada dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay taageersan yihiin

maamulka Ahlusuna DKMG Go'aankeeda isaga oo caalamka ugu baaqay inay

ixtiraamaan dawlada dalka Soomaaliya ka jirta.

 

"Ahlusuna waxay taageeraysaan rabitaanka shacabka iyo dowlada

Soomaaliyeed waxaana ugu baaqaynaa umada Soomaaliyeed inay cadawgooda

umidoobaan Waxaa ay diyaar u tahay Ahlusuna inay dhigto gogol Nabadeed

cid kasta oo Soomaalinimada ogol waana ku heshiisiinaynaa cidii xilifu

ay ka dhix jirto (xiisad)' ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay inuu

umahad celinayo ciidamada qalabka sida ee Ahlusuna iyo DKMG sida ay

heeganka ugu yihiin difaacida Diinta, Dadka, iyo Diinta.

 

Sidoo kale Afhayeenka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka

hadlay aragtida Ahlusuna ee Shirka Kenya waxaana uu sheegay in aan

lagu wargalin Ahlusuna shirkaasi isla markaana aanay diyaar u'ahayn ka

qayb galkiisa isaga oo sheegay inay maqleen dad ku qaraabanaya magaca

Ahlusuna oo sheegtay inay mataayaan kuwaasi oo uu ku sheegay inaanay

wadan magaca Ahlusuna isla markaana aanay matali karin.

 

Sh. Bile ayaa umahad Celiyaya Ciidamada Qalabka sida ee Ahlusuna iyo

kuwa DKMG howsha adag ee ku aadan sugida amaanka deegaanada ay gacanta

ku hayaan waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan howlaha ay utaagan

yihiin.

 

Dadka kale ee ka hadlay isu soo baxa maanta waxaa kamid ahaa Odayaal

dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ururada Haweenka, Ganacsatada,

Abwaano, Ardada malcaamadaha kala duwan ee deegaanka waaana uu ku soo

dhamaaday sidii loogu tala galay.

 

C/kariin Axmed Bulxan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Shirka Kenya oo Muqdisho ka dhacay

 

muqdisho2.jpg

Khamiis, April 07, 2011(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayna soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaana Majmaca Culimada, haweenka Qaranka, Golaha isutaga Dhalinayrada, Xoogaga Wadaniyiinta, iyo Golaha Abwaanada aragtida fog ayaa maanta ka dhacay Dugsigii tababarka Booliska ee Iskoola Bolisiyo.

 

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen ..Dooni meyno shirka Nairobi..Hagardaamada Mahiga waa horumarka Al shabaab…go’aank ka gaarista aayaha Soomaaliyeed waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed oo ay mataleyso Dowladda FKMG ah.

 

Sidoo kale, banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Haweenka, dhalinyarada, Culimada, kooxda Baanbeyda, Barbaarta Gaashaaman iyo hobolada Heegan waxayna halkaasi dadweynuhu ku soo bandhigeen aragtidooda ku aadan go’aanka dowladda Federaalku ay ku diiday shirka Nairobi ee ay qaban qaabineyso Q/midoobay waxayna tilmaameen in dowladdu ku saxneyd inay qaadacdo shirkaasi maadaaba bey yiraahdeen uu xagal daacinayo dedaalada dowladda ee ku aadan nabadsoo celinta.

 

muqdisho6.jpg

Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Faadumo Aadan Cosoble oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin go’aanka dowladdu ku gaartay in aysan ka qeyb galin shrika Nairobi, waxayna ugu baaqday wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay Soomaaliya u qaabilsan Mr. Mahiga inuu tixgeliyo rabitaanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

“Mahiga waa inuu baajiyo shirkaasi maadaama ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka soo horjeedaan, waana diidanahay in shirar dibadda loogu qabto iyadoo ay jirto Dowlad Federaal ah oo mataleysa Shacabka” ayay tiri Marwo Faadumo.

 

Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed C/fitaax Cali Xasan oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Q/midoobay in ay ku bixiso kharashaadka shirarka Nairobi loogu qabanayo Soomaalida biyo dhaamis iyo mucaawino raashin ah maadaama buu yiri shacabka Soomaaliyeed maanta ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah ee aysan u baahneyn shirar dibaddeed.

 

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo isna banaanbaxayaasha la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay ka Culimo ahaan ay waafaqayaan go’aanka Xukuumada ee ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay wuxuuna ka dalbaday in maanta aysan u baahneyn Soomaalida kala qeybin iyo tafaraaruq balse ay u baahan tahay in la xoojiyo hay’addaha Dowladda si ay u suurta gasho in nabadii iyo kala dambeyntii la soo celiyo.

 

muqdisho4.jpg

Sheekh Dhicisow ayaa ugu dambeyntii Baaq u jeediyay golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday inay taageeraan go’aamadii ugu dambeeyey ee xukuumada, gaar ahaana diidmada shirka Nairobi iyo muddo kordhinta isagoo tilmaamay in haddii baarlamaanka khilaafkiisu sii socdo uu hor seedi karo bur bur ku yimaada dhamaamba hay’addaha dalka.

 

Banaanbaxayadan ayaa waxay daba joogaan banaanbaxyo ballaaran oo si isdaba jooga ah uga dhacayay todobaadyadii ugu dambeeyey qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, sida Mudug, Galgaduud, Gedo, iyo Bakool kuwaasoo ay shacabku ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan marxaladaha dalka.

Muqdisho.jpg

muqdisho1.jpg

muqdisho5.jpg

muqdisho12.jpg

muqdisho11.jpg

muqdisho10.jpg

muqdisho7.jpg

 

Maxamed Xuseen Ugaas

ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waan ka helay.. people's power iga dheh. Oo Somalinay ma weriye gaara oo adiga sawirada kuu qaada baa Xamar kuu jooga?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this