Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The republic of Somaliland celebrates 30 year anniversary of SNM+PICS+VIDEOS

Recommended Posts

XUSKA APRIL 6: MAALINTA SNM IYO XUSUUS TAARIIKHEED

Xuska April 6: Maalinta SNM Ahmed Arwo

 

 

Maqaalkan hoos ku qoran waa mid xusuus ah oon qoray xuskii SNM ee 2005. Bal mar kale ila akhri oo ila qaado in wax badan oon saadinaayey yimaadeen, in xilka iyo xukunka maamulaa dalka uu hormood u yahay Guddoomiyihii ugu muddada dheer ee SNM Mujaahid Axmed Siilaanyo…weli se guushii lama wada gaadhin oo hadafii ahaa inaynu helno dal dunida ka mid ah, barwaaqo iyo degnaansho leh…waxbaa dhiman nolahuna ma leh guul dhan. Marba waxbaa dhiman..sideedaba waa geedi ee aan noqon dar geedigaas u sahay qaata if iyo aakhriba..aan idinku dhaafo maqaalka oo idin xusuusin doonaa dhacdooyinkii taagnaa 2005 iyo waxii aynu tebeynay.…

 

XUSUUS IYO XUSKII SNM 2005:

 

Waxay ahayd 6/6/1981, maalintii aasaaska SNM, goob joogbaan u ahaa. Waxaan ku jiray jaamacadda London oon ka samaynaayey MSc London School of Economics.Waxa gurigayga ku soo degay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii u horeeyey ee SNM, Muj. Axmed Jimcaale.Waxay ahayd maalin dareenka dadku isku jir yahay. Maalin farxad iyo werwer isagu jirtay. Waxa rag badan oo u badan odayaashii ku raagay dalkan oo dacaayad xoog leh laga dhaadhiciyey ay aad uga baqayeen waxa loogu yeedhay u shaqaynta cadowga iyo nabad la'aanta ka dhalan karta halganka.

 

Dadka warka dalka u dhow, iyo dhallintu waxay u ahayd maalin guul iyo xorriyad saadinaysa.

Socodku waa taalaabooyin isku biiray. Waxay arkayeen, in talaabada maanta la qaaday noqon doonto tii dalka ka badbaadin lahayd dulmiga iyo boobka gaamuray. Tii iftiimin lahayd dariiqa rajada iyo ididiilada.Waxay ahayd maalin wufuudda ka yimid qurbojooga reer Somaliland ayna midayn qabiil iyo qoys.Waxa ka soocay Soomali, waxay ahyd dulmi gaar loo calaamadsaday. Waxa isku keenay badbaado iyo naf la carar. Waxa loogu soo galay godkii ugu dambeeyey.

 

Qiimaha iyo qiirada dhismaha SNM waxa si cad u muujiyey habka wacan ee wufuudda loo soo xulay. Waxa ka yimid Jeddah, Riyaad, Abu-Dhabay,Kuwait, Qadar iyo magaalooyinka Ingiriiska, rag aan loo qaybsan beelo, rag loo eegay kaalinta ay kaga jireen halganka. Ma jirin wafdiga imisaynu ku leenahay. May jirin golaha, ayaa inoogu jiraa, ma ay jirin wax ka badan magacaabid aan cidini ku tartamin. Waxay ahayd garasho sare, oo ka dhalatay damqasho taabatay dhammaantood. Reeraha maanta Internetka isu galay waxay ahaayeen rag isku duuban, runta isu sheega oon qabiil u xagliyin. Waxa loo dhaqmaayey sida qoys keliya oo walaal,aabe iyo hooyo ka kooban.Ixtiraam ka weyne leeyahay, ka wax yaqaan laga dambeeyo, ka jilicsan loo naxo, ka yar la taakuliyo, ka jiran loo jarmaado. Wa xusuus damqaysa xididada maskaxda oo kicinaysa garaaca wadnaha.

 

Waxa aan xusuustaa maalin aanu fadhinay gurigayga oo nin galaha fulinta ee SNM loo doortay oonu qoys hoose isku nahay si xun ula hadlay guddoomihii SNM, kolkaas waxa si la yab leh u booday Xasan Ciise Jaamac oo isna ka tirsanaa golaha fulinta, isagoo hadal birta ka adag ninkii ku yidhi, kuna kalifay inuu xaal bixiyo. Waxa la ahaa walaalo, aan abtirsiin silsiladaysan lahayn. Ab keliya iyo hadaf keliya leh.

 

Waxa soo dhacaayey telefoono afarta jihaba ka imanaayay. Wa bushaare iyo bogaadin, waa farxad iyo reynreyn loo dhan yahay. Waxa toosay dareen wax badan hurday.Waxa is taagay geesiyadii naftooda nacay. Waxa bilaabmay dariiqii xoriyadda, waxaana isla markaas bilaabmay burburkii ******ta.Waxa laga ladi waayey, guryahii lagu dhistay booli qaran. Waxa bilaabmay gaaf-wareeg iyo hurda la'aan ku habsatay kuwii xaaraanta xalaashaday.

 

Laba cisho ka dib, waxa aan arkay gabadh uu dhalay Xuseen Kulmiye oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ******ta oo ahayd 2nd Secretary Safaaradda London.Waxay ahayd qof aad u fiican oo waxtar wadani leh.Waxaa dhacday in loo diido ragii bad maax aha (seamen) in loo jadiidiyo basaboorada. Iyada ayaan u gayn jiray oo si hoose noogu jadiidin jirtay. Hadaba maalintaas, waxay ii sheegtay in safaaraddii fadhi la'day oo canaan iyo cay uga imanayso Xamar, la leeyahay waa inaad wax kasta samaysaan ood ku joojisaan dhaqdhaqaaq SNM, waxa loo soo diray lacag siyaade ah oo arrintan lagu fuliyo. Waxa la adkeeyey basabooradii. Waxay se taasi dhalisay arrin la yaab leh. Badmaaxa oo ku faani jiaray Somalinimada diidaynay inay jinsiyadda dalkan qaataan, ayaa markiiba tan dalbaday. Waxay helayn dhalashada Ingiriiska si dhekhso ah. Waxaan bilaabantay in laga maarmo hanjabaadii iyo dulaysigii guriga jahliga iyo dulmiga.Waxayna dhaxantii ka duulisay intii arrinta baasaboorku ku kaliftay inay SNM ka maagaan.

 

Bal sawirkaas ag dhig maanta.Waxaad arkaysaa inaan weli la gaaadhin hadafkii, in dad badani daalay, in ay jiraan dar ku hawlan jid goyn.Waxa jira cadow debed iyo gudaba u heelan burburka intan la gaaadhay.Waxaad arkaysaa sida loo kala jabinaayo raggii dhufayska ku walaaloobay.Waxaad arkaysa halyeeyadii halganka sida looga hor keenay rag ay is xigaan oo fikradda ay dhiibtaanba masaxa. Maxaa keenay in nin walba loo helo inaadeerkii oo u jawaaba.Ninka dalka iyo dadka ka hadla, maxaa reerkiisu ugu jawaaba. Ma af reerbuu ku hadlay, ma qoysbuu u hadlay.Qaran iyo qawmiyad ninka soo qaadaa, ma aha in qabiil iyo qoys u jawaabo. Waa tilmaamta nidaamka isticmaarka laga dhaxlay ee qaybi oo xukin.

 

Geedigu wuu socdaa, waxaana horseed u ah isla kuwii hore u dhaqaajiyey dalka. Ninkii daalaa dalka kama dhalan. Bohol kasta,booraan kasta iyo buur kastaba waa la jiidhi oo la fuuli.Habka loo diriraa ma aha qorigoo keliya. Kaas weynu ka gudubnay. Waxa maanta loo bahan yahay inaan qalinka, iyo fikirka isu gayno. Inaan codka shacbiga uruurino. In foodka lagu muujiyo habkii lagu gaadhi lahaa hanashada himilada dadweynaha. Waa inaan iska jirnaa hebel hebal ka hor keen, reerna reer ka hor keen, qoyna qoys ka hor keen.Marka wax laguu sheego ha la boodin, baadh, ka baaran deg, oo miyir u qiimee. Is weydii waayo? Maxay? Halkee?Sidee?.Hubsiimo halbaa la siistaa.Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa.

 

Maxaa dhacay dorraad. Waa astaanta dawlad bacaysan.Waa calaamadda dhammaadka diktaatooriyadda. Xooga lagu galay Xafiiska Kulmiye waxuu qaawiyey jahliga iyo cabsida ku xaydaaman ragga maamulka dalka loo igmaday. Waxay baadhayaan Idaacad Yurub taala. Kolka distoorka dalku u fasaxaayo in dalka gudihiisa laga furto.Maanta waxa ay ka gubanayaan in la helay idaacad ayna joojin karin. Mid xaqa iyo runta u taagan. Dhexdhexaadnimada idaacadda ha ka faa'idaystaan oo dhankooda ha ka bixiyaan waraysiyo iyo warba. Oo ha joojiyaan baratanka ay ugu jiraan Idaacadaha Xamar. Si kale uma banaana.Waxa shacbiga u cadaatay garaadka iyo garashada cidda laga rabo inay dalka u hogaamiso qarniga 21naad.

 

Waa taariikh mar kale is qoraysa. Waxa laciifay wada-tashigii, waxa la cadaystay in fikrad keliya la maqlo, waxa la sugaa qaraar qof keliya. Waxa shacbiga lagu xukuma gaajo iyo jahli. "Dadku ha baahdo, oo cashuurta aynu ka qaadno, aynu ku laaluushno ", waa siyaasad caan ku ah dalalka keli-talisku ka jiro.Cashuurta waxa laga qaadaa qofba qofkuu ka itaal daran yahay. Waxa maalin kasta la dul joogo caano diiqda milicdu dubtay, iyo xamaalka garabku madoobaaday. Waxa habeen iyo maalin lagu gaaf wareegaa landcruiser ay wasiirada iyo qoysyadoodu wataan. Dan yartu ma leh tacliin ay helaan, ma laha waxbarasho ay ubadkooda geeyaan, ma laha biyo iyo nal. Waa nolal dhiigooda lagu nool yahay. Cashuurta kama baxsan karaan, kamana faa'iidaysan karaan. Waa dar baahida haysaa u diidayso inay waqti u helaan ay qayb ka qaataan siyaasadda dalka. Waxa habboon in danyarta la tuso habka dimuquraadiyadda si ay u yeeshaan awood siyaasadeed oy xaqooda wadaninimo ku heli karaan.Waa in kor loo qaadaa garaad- siyaasiga ee dadweynaha.Iyadaa dhalinaysa in cidda dalka loo dhiibo lala xisaabtamo oo la xakameeyo.

 

Maanta waxa inala gudboon inaynu wacyiga siyaasiga kor u qaadno. Inaan furfurnaanta shacbiga ka dheeraano. Inaynu qabsano tiirka distoorka iyo sharciga. Inaan cisayno ciddii halganka inoo horseeday, inaynu u mahadnaqno geesiyadii SNM ee guusha inta la gaadhay u dhimatay, u dhaawacantay una maal beeshay.Waa inaan baranaa sida aynu ugu mahadnaqno shaqaalaha dawladda inta hawshooda bogata, macalimiinta ubadka inoo korisa, siyaasiinta u badheedha inay hor joogsadaan dulmiga iyo talada qaloocan.Waa inaan kala garanaa ka u damqada dadka iyo kan dhabaqsada dhiigooda.

 

Wa inaan u hiilinaa muwaadin kasta oo xaq darro loo dhaco, loo xidho loo hanjabo. Dadku waa inuu isu naxaa meel kasta ooy joogaan. Ha ku eekaan xaafadaada, degmadaada, iyo gobalkaaga. MIn Lowyacaddo ilaa Ceelaayo isu damqada oo isu naxa. Haysku wiirsanina, haddii shalayto lagu hiilin waayey, adigu dhaan si loo helo dal walaalo degaan oo midnimada qaranka loo dhidbo.Wanaaga maalin ayuunbaa la bilaabaa. Ku dhaqaaq maanta oo ha sugin berrito.Ha xusuusan shalayto. Eeg mustaqbalka.U hiili ubadkaaga, aayahooda ka tali. Taladaada ku toosi mayalka qaloocan.

 

Ugu dambayn, waxaan tahniyad u diriyaa halyeeyadii SNM ee dhaliyey dalka Somaliland.La'aantood ma jirteen Somalilaand. Kumaankunkii dhintay Illaahay ha u naxariisto, kuwa dhaawacmay Illah ha daweeyo, agoonta Allah ha abaalmariyo. Ha la qiimeeyo agoonta, ha ixtiraamo qof kasta oo halganka qayb ka ahaa. Waxa iman maalin loo hiiliyo taariikhda oo qalin dahab ah lagu qoro masiirka ummadda. Maalin magaca SNM noqdo mid lagyu xardho taalooyin maagaalo kasta laga dhisi doono. Waa hubaal in la gaadhi guusha shacbigu u halgamo, Illaahna la kaashadu.Samir iyo soo-jeed isku wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Finally, you cann't help to say S/L after all is SNM with your own terms and words. The two are synonymous right ya XX? I knew you're hold on to anything cause of arguing one point SNM is history and gone, now posting pics that S/L celeberating SNM. What a crazy mind of you. I am expecting you defending this now saying what? plz..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Intii xaqa ku dhimatay iyo intii dulmi ku dhimatay allaa og. Marka stop calling them mujaahidin kolay for sure diinta alle kumaysan dhiman iyagoo u dagaalamayee..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;709176 wrote:
Finally, you cann't help to say S/L after all is SNM with your own terms and words. The two are
synonymous
right ya XX? I knew you're hold on to anything cause of arguing one point SNM is history and gone, now posting pics that S/L celeberating SNM. What a crazy mind of you. I am expecting you defending this now saying what? plz..

SNM is part of the History of Somaliland and even that of Somalia and we remember the history of our Country i don't see a problem with that do you? TPLF is part of Ethiopian History EPLF is part of Eritrean History SPLM is part of the history of south sudan and north Sudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;709181 wrote:
20091228095150fagadhe.jpg

 

Kana maxaad ugu dartay to make some sort of balance.. Can't help but
;)

He was a member of the SNM the spokesmen of SNM in 1989 Muj fagadhe ilahay ku naxariiso

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;709183 wrote:
He was a member of the SNM the spokesmen of SNM in 1989 Muj fagadhe ilahay ku naxariiso

Really? What happened to his body after he passed away?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this