Saalax Posted April 5, 2011 Kayse iyo Mustaf oo la wareegay WidhWidh (Saraakiishan ayaa hogaaminayey Ciidamo Somaliland oo Hargeysa laga soo abaabulay) Ciidamo ka tirsan Beesha Guleed Garaad oo ay horkacayaan Kayse Cabdi Yuusuf iyo Mustafa Galaal oo ahaan jiray saraakiil ka tirsan Jabhadda Kooxda Nairobi ,balse u diga rogtey Hargaysa ayaa caawa soo garay Dagmada Widh-Widh, Xubnahan taageersan Somaliland oo caawa kolkii ay soo galeen Magaalada Dhalinyarada qaarkood u qeybiyay lacago sooryo ah oo Hargeysa laga soo dhiibay,ayaa sababtay inaysan wax iska caabin kala kulmin dadka deegaanka WidhWidh. labadan nin ayaa kasoo jeeda dhalasho ahan Beesha (Barkhad)oo qaarkood taageersan siyaasadda Kayse ee ku saleysan inay Beeshiisa hoos-timaado maamulka Somaliland,inkastoo inta badan Beelaha degan Gobolka Cayn ay ka soo horjeedaan Ciidamada uu hogaaminayo Sarkaalkan ka tirsanaan jiray SSC ee hadda si toos ah oogu biiray Maamulka Siilaanyo. Keyse oo ku faanaya Xiniiyaha Reerkiisa Barkhad ee magaalada ku soo dhaweeyay ayaa isagoo la hadlaya Jabhadda SSC ku khudbadeeyay: “Waxaan joogaa magaaladeydii WidhWidh,qof iga xigana ma jirto ee oohinta iyo calaacalka Dhulbahantoow iska daaya dadkana nabad kula noolaada, dadku way ka ilbaxeen shuftada Buuhoodle joogta ee masaakiinta dhacaysa maalin walba, dadku nabad iyo horumar bay u baahanyihiin ee yaan la dhageysin shuftadaas. Hadalka iyo hanjabaada kasoo yeedhay Sarkaalkan mar ka tirsanaan jiray SSC,ayaa waxaa ka cadhooday shacabka magaalada,wuxuuna beeniyay hadaladii ka soo yeeray qaar ka mid ah cuqaasha magaalada WidhWidh oo wacad ku maray inay gacan-bir ah ku qaban-doonaan Keyse iyo Mustafa Galaal hadii ay soo galaan magaalada iyagoo hogaaminaya ciidamo SNM-ah,balse caawa ayuu magaalada soo galay isagoo xaragoonaya hogaaminayana ciidamo kasoo jeeda Beeshiisa Ciidamadan ayaa waxaa la doonayaa inay saldhig ka dhigtaan degmadda WidhWidh. buhodlepost Quote Share this post Link to post Share on other sites