Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:indhadeero group of companies donates 100.000 USD to the Committee for drought

Recommended Posts

Guddida Abaaraha Somaliland lacag dhan boqol kun oo Dolar($100,000)Hargeysa(Waaheen) Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Indha-deero Naasir Cabdi Cawada ayaa maant Qasriga Madaxtooyadda ku Guddoonsiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici lacag dhan boqol kun oo Dollar($100,000), oo ay ugu deeqeen dadka reer miyiga ah ee ay abaaruhu saameeyeen.Deeqdan ay Shirkadda Indha-deero ku wareejisay guddida Abaaraha ee Qaran waxay ka koobnayd konton kun oo Dollar ($50,000) oo kaash ah oo maanta lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayeen Culimo ka mid ah guddidaasi, halka kontonka kun ee kale ($50,000) Raashin ahaan ay Shirakadda Indha-deero ugu wareejinayso guddida Abaaraha ee Gobolka Tog-dheer.Naasir Cabdi Cawad waxa kale oo uu sheegay inay shirkadoodu ku jirto hawl gal balaadhan oo ay Booyadahoodu ugu dhamaaninayaan dadka reer miyiga ah ee haraadan biyo kale oo aan ku jirin lacagta $100,000 ee Dolar ah, kaasoo ay shaqaalahoodu hadh iyo habeen ku gaalaa baxayaan meelaha ugu liita.Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo ka hadlay munaasibadii lagu guddoonsiinayay Lacagtaas ayaa shirkadda Indha-deero uga mahadnaqay dedaalka xilkasnimada leh ee ay dadkooda baahan ugu gurmanayaan, waxaanu ka codsaday ganacsatada kale iyo bulshada reer somalilandba inay ku daydaan Shirkaddaasi.Shirtkadda Indha-deero waxay ka mid tahay Shirkaddaha ugu waaweyn Somaliland dhinaca Ganacsiga, gaar ahaana waxay tahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa Xoolaha Nool, sidoo kale waxay tahay shirkadaha ugu waaweyn ee soo dajisa raashinada kala duwan, taasoo u saamaxday inay gaadho oo ay ka war hayso meel kasta oo uu joogo qof Somaaliyeen.sidoo kale Shirkadda Indha-deero waxa ay leedahay Wershada Taydha burco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this