Saalax Posted April 5, 2011 Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Oo Canbaareeyay Qurbo-jooga Reer Awdal Ee ku Dhawaaqay Waxa Loogu Yeedhay Awdal State. http://oodweynenews.com/news/61977-wasiirkii-hore-ee-macdanta-iyo-biyaha-somaliland-oo-canbaareeyay-qurba-jooga-reer-awdal-ee-ku-dhawaaqay-waxa-loogu-yeeshay-awdal-state-2.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 5, 2011 Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha oo canbaareeyay Qurba-jooga reer Awdal ee ku dhawaaqay Awdal State April 5, 2011 Hargeysa(Cadceed) Cismaan Aw Cabdi Muxumed oo ahaa wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku Canbaareeyay Qurba-jooga u dhashay reer Awdal ee dibada kaga dhawaaqay inay samaysanayaan Maamul la yidhaahdo Awdal State. Cismaan waxa uu sheegay inay kooxdaasi tahay koox yar oo aan metali Karin dadweynaha reer Awdal ee Somaliland ee jooga Qurbaha, isla markaana dadka reer Awdal ay ku filan yihiin inay ka hortagaan fidnada ay Somaliland ku abuurayaan waxaanu yidhi “ dadka reer Awdal muddo sideed sano ah ayay xilka Madaxweynenimo hayaan waa ceeb in maanta markii isbedel yimi ay ku hadlaan waxaan cuntami karin, kuwa waxaa samaynayaa ma metelaan dadka qurba jooga ah ee reer Awdal, wax ay ku samayn karaan Somaliland Madax banaanideedana ma jirto.” Ayuu yidhi Isagoo sii wata hadalka uu kooxdaas ku durayo waxa uu yidhi “ dadka qurbajooga ah ee reer Awdal waxa laga filayaa inay dalkooda wax soo taraan, waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay jaamacadda Camuud u dhiseen maantana waxa looga fadhiyaa inay ku soo tartamaan sidii ay gobolkooda iyo dalka intiisa kaleba uga hirgalin lahaayeen Mashaariic horumarineed si ay Dalkooda u dhisaan, loogama baanha inay maanta la yimaadaan waxaan ka turjumayn dareenka fayaw ee dadkooda.” Cismaan Aw Cabdi mar uu ka hadlayay reer Awdal ahaan waxa ay aaminsan yihiin iyo talaabada ay ka qaadanayaan dhawaaqaas waxa uu yidhi “ reer Awdal waa Somaliland, reer Awdal baana ku filan kooxdaasi waxa aan leeyahay xukuumadda meel uga banaan ma jirto wax ka qabashada arrintaas ee reer Awdal faraha halooga qaado” ayuu ku soo gabagabeeyay shirkiisa jaraa’id Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 5, 2011 BAAQ IYO CABAAREYN KA TIMID JAALIYADA AWDAL/SALAL EE WADAMADA HOLLAND IYO SWEDEN April 04, 2011 By: adal Category: Baaq Annaga oo ka faaiidaysanayna fursada ay nasiisay shabakadan caalamiga ee Saylicipress.net waxan halkan uga soo gudbinaynaa bulshoweynta reer somaliland , mawqifka ay beesha awdal iyo selel ee degan wadamada sweden iyo holland ee ku wajahan magaca riyada iyo been abuurka ku salaysan ee lagu sheegay AWDALSTATE. markii aan eegnay ee aan ogaanay fekerka , macnaha iyo waliba dadka ka dambeeya ku dhawaaqida magacan riyada iyo jaahwareerka ah oo u adeegaya dad iyo dano shisheeye markii aan eegnay danta iyo isku duubnida beelaha awdal iyo selel iyo waliba daris wadaaga beelaha kale ee somaliland inuu lid ku yahay ku dhawaaqidan laablakaca ahi markii aan dhegaysanay siyaasiyiin , waxgaradka iyo bulshoweynta maanta ku nool goboladaas iyo guud ahaan ba somaliland. markii aan ogaanay inuu magacan khaladka loo adeegsanayo uu halis galin karo nabadgelyada , xasiloonida iyo oodwadaaga beelaha soomaliland isla markaasna aysan waxba ka qaban karin nimanka maanta ku dhawaaqay hadiiba nabadgelyadu faraha ka baxdo sidii taariikhdu ina bartay 1991dii. Waxaan halkan cambaarayn uga soo jeedinaynaa nimanka ku dhwaaqay waxa ay ugu yeedheen AWDALSTATE oo aan marnaba ka turjumayn fekerka iyo rabitaanka bulshoweynta awdal iyo salal . Waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah uga noqdaan ku dhawaaqidaas oo aanu u aragno mid u adeegaysa dad iyo dano shisheeye . Waxaan bulshoweynta reer awdal ku boorinaynaa in aanay dhegta u raaricin been iyo feker qaldan oo uga yimaada dad , urur iiyo siyaasado aan haybtooda iyo mustaqbalkooda aan la ogeyn. Waxaa baaqan iyo cambaareyntan diray: 1-muuse aaden ducaale (odey dhaqameed) 2-axmed maxamed xudhuun( siyaasi) 3-haybe ciise ( baayacmushtari) 4-muxuyadiin axmed ducaale( siyaasi) 5-yaasiin maydhane geele ( xafiiska wacyi-galinta beelaha somaliland) 6-siciid muuse dixood( ururka dhalinyarada awdal iyo selel ee sweden) 7-abdiwahaab cali cismaan( siyaasi) 8-cumer saciid jaamac ( ardey) 9-mahad shide badmaax (suldaan 10-warsame cabdilaahi maydhane (cabaade) 11-xuseen awcali bulxan (odey dhaqameed) 12-cabdilaahi bare riiraash ( gaashaanle) 13-sacada faarax galab (hooyo) 14- ardo faatax diiriye ( hooyo) 15-saciid cali awcismaan suri) 16- xaaji jaamac muuse ( ururka dhalinyarada somaliland ee sweden) 17- caasha ibraahim caateeye 19-faarax cadaane saban 20- sahra awxasan jaamac Jaaliyada Sweden and Holland Quote Share this post Link to post Share on other sites