Akash Posted April 4, 2011 Prof, Xaamud Maasheeye oo qudbad qiimo leh ka Jeediyay Xafaladii AwdalState ee Minnesota. Minneapolis (Saylac.com) Munaasibada Awdal State ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay boqolaal qof ayaa waxa ka hadlay aqoonyahano kala duwan oo iskugu jira reer Awdal iyo Soomaalida kaleba . Prof Xaamud Cali Masheye ayaa kazoo jeediyey khudbad aad loola dhacay waxanu si qoto dheer ugu dheeraaday in Awdal State ay tahay dawlad goboleed Soomaaliyeed oo aan hoostagin dawlada Somaliland . Prof Xamud Cali Masheye waxa uu yidhi “ Hadii umada soomaaliyeed aragto dadweyne Somaliyeed oo la dulmaayo waxa waajib ku ah inay u gurmadaan garabka joogsadaan dadkaa la dulmaayo. Isagoo ula jeeday gobolada Awdal State ee uu kazoo jeedo. Prof Xamud Cali Masheye oo ka tirsan gudiga qabanqaabada Awdal State ee Gobolka Minnesota ee cariga marykanka ayaa waxa uu sheegay in ujeedada Awdal State ay tahay in gobolada awdal, Selel iyo Gabilay ay noqdaan Ismaamul Goboleed Soomaaliyeed oo ka madax bananaan Ismaamulkii burburey ee la baxay Somaliland. Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen Mudanayaal ka tirsan Senetka Maraykana gobolka Minnisota, Diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo Aqoonyahaniin Soomaaliyeed iyo waliba Fananiinta qaranka Somaliyeed sida Fanaanada astaanka qaranka Somaliyeed ee Saado Cali Warsame ayaa waxa laga soo jeediyey heeso Wadani ah oo dadkii goobta joogay ku abuuray somalinimo iyo isjacayl aan horey looga arag gobolka Minnesota ee Cariga maraykanka. Khariidada Awdal State oo loo bandhigay dimlomaasiyiintii shisheeye ee kasoo qayb gashay xaflada wanqasha Awdal State ayaanu idiin soo gudbin doonaa waxa kale oo aad naga fishaan video iyo waliba sawiro ay saylac.com idiinka soo diyaarisey munaasibada Xaflada . Sidoo kale waxaad toos uga daawan kartaan Universal Tv, VOA, Somalimediatv, SomtvMinneapolis, King 5 News TV Seattle , iyo Tvyada localka ah ee Midwest USA. http://harawo.org/?p=4963 Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 4, 2011 XX was looking for pics about the Awdal defacto from the s/l project, there they are... This is a new development and hopeful future for Awadalits, and more hurmful to THE project.. In my opinion, this project could last longer if Siilaanyo didn't order his militia to be based on Kalshale. Kibirka waa lagu jabaa horaa loo yidhi.. Unknown and unheard of place by many people, including myself who claim to hail from that exactly area, the Kalsahe caused the clan project to end its lifetime. Don't you hate Silanyo ya succissionists.. I am liking Odayga. I heard he cursed the dude who recorded the types from him and his Co after he (dude) called Silanyo again. Odayga recognized the dude said to him "Baalayo alle ha kugu rido inkaar qabe".. I couldn't help but :D:D... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 4, 2011 ^^^ Poor Khadar counting on some awdal diaspora. This is what SSC has been reduced to. Gaadhi kamid ah Tignikada SSC Oo Maamulka Hargaysa loola galay Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud. Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha Habarjeclo oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco . Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan. Xafiiska Wararka ee Radiowidhwidh, Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 4, 2011 prof. Hamud is a great and influential speeker. I heard him talking few months ago in an SSC event in youtube. True and honest somali man. Again great speech in this perticular Awdal state event. Congrats to reer Awdal and to all somalis.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 5, 2011 The tinny revolution with good Professors in the front line is getting faster, and unstoppable.. I hope it brings better results and fame than the uprising of North Africa and Middle east. It's time for bottom up approach, and to show that every one can clean his or her home with less involvement of the international community and regional governments.... Like the amazing singer Yusuf Islam said stop stealing from my people, stop pointing gun at my people... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted April 6, 2011 Awdal waa dalkaygii Awdal waa dalkeygii Dunbaa iigu xidhanoo Duhur iyo habeenimo Dibnahaan ku hayaa Saylac Daaraheediyo Dikadii wacnayd Ilbaxnimadii Dorraad Dardarbaan galinoo Dib baan u soo celin Dareenkeygaa kacay Ruuxuu Danqayaa Danihiisa weeye Dawlad lagu nastiyo Qaran lagu diirsadaan Daaha ka qaadiyoo Dalkeyga waan dhisan Oo waan dhisanayaa Aah waan dhisanayaa Awdal waa dalkeygii Awdal waa dalkeygii Dunida an ugu jeceloo Dal dheer aniga oo jira indhahay dul taala Buloxaar dusheeda Ceel shiekh dacaldeed Degelkii qurxoonaa Dariiqyaan ka simiyoo Daruurahaan geyn Dareenkeygaa kacay Ruuxuu danqayaa Danihiisa weeye Dawlad lagu nastiyo Qaran lagu diirsadaan Daahaan ka qaadiyo Dalkeyga waan dhisan Oo waan dhisanayaa Aah waan dhisanayaa Awdal waa dalkeygii Awdal waa dalkeygii Dugsi hodana weeyoo Day-day iyo m*ooryaan Darbi kaga oodayaa Axmad guray dadkiisi Cidi daan-daansan jirin Dunida laga yaqaan Dabarka way gooyno Dibbay usoo nolaan Dareenkeygaa kacay Ruuxuu danqayaa Danihiisa weeye Dawlad lagu nastiyo Qaran lagu diirsadaan Daaha anka qaadiyo Dalkeyga waan dhisan Oo waan dhisanayaa Aah waan dhisanayaa Awdal waa dalkeygii Awdal waa dalkeygii Darmo raaxo weeyo Darxumiyo quudhsi Doc baan uga duwaaya Dadnimadaan xoojin Caddaladaan daadahayn Diridhaba agteediyo Jigjiga daafyahadaan Ciyaar ugu dabaal dagi Dareenkeygaa kacay Ruuxuu danqayaa Danihiisa weeye Dawlad lagu nastiyo Qaran lagu diirsadaan Daaha anka qaadiyo Dalkeyga waan dhisan Oo waan dhisanayaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 6, 2011 Awdal is happening... Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 6, 2011 Yes it's happening right before succissionists... Sii arageedaan arkaa, sandqadheedaan maqlaa... caadi maaha heesta.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 6, 2011 Many familiar faces there. Quote Share this post Link to post Share on other sites