Sign in to follow this  
Liibaan

Boorama oo Laga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdal State iyo Mudaharaad Balaadhan oo Halka ka Socda

Recommended Posts

Liibaan   

Camuudnews.com

 

awdal-state-flag3.jpg

 

AWDAL-FLAG-2-161x120.jpg

 

 

 

Breaking news | Magaalada Boorama oo Laga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdal State iyo Mudaharaad Balaadhan oo Halka ka Socda

 

Breaking news | Magaalada Boorama oo Laga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdal State iyo Mudaharaad Balaadhan oo lagu taageerayo maamul gobaleedka awdal state oo Halka ka Socda

warar intan dhaafsan kala soco shabakada camuudnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Borama oo si aad ah looga taageeray Awdal State

 

April 2 - Borama-(alnuur) Waxaa Saaka Arootii Hore ay dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Borama ku soo baraarugeen Waraaqo iyo Calamo ka Turjumaya Maamul Goboleedka Awdal State ee Laga hadal hayo ku dhawaaqistiisi wadanka Dibadiisa.

 

Waraaqahan ayaa waxaa Ku qornaa Ereyo ay ka mid yihiin Hanbalyo waxaan hanbalyo u diraynaa ku dhawaaqista Maamul Goboleedka Awdal State oo lagaga dhawaaqayo maanta Dalka Maraykanka, waxa kale oo ay dadwaynaha Reer Borama ugu baaqayeen in ay iskugu soo baxaan Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul Goboleedkan ay sheegeen Maanta in lagaga dhawaaqayo wadanka Maraykanka.

 

Dhanka kale waxaa isna ku jiray Calanka Awdal/State ay Astaanta uga dhigeen oo lagu daadiyay Meelaha Muhiimka ah , Sida meelaha la iskugu yimaado ee maqaaxiyaha, Dugsiyada iyo Xaafada Hortooda, taas oo in badan oo Reer Borama ah ay ku noqotay mid ku soo boodo ah, oo ay kala garan waayeen waxa xiligan soo dhigay dariiqyada iyo Xaafadaha hortooda.

 

Si kastaba ha ahaatee Arimahan dhacaya ayaa waxa ay daba socdaan maalmihii u danbeeyay oo laga dareemayay Magaalooyinka waawayn ee Gobolada Awdal/Salal hadalhaynta ku dhawaaqista Maamul Goboleed la magacbaxay Awdal State , kaas oo lagu sheegay in uu yeelan doono Gobolkani awdal, Su'aashu se waxa ay tahay Reer Awdal Gude iyo Dibad Raali ma ka wada Yihiin Maamulkan?Waa Su'aal inta badan dadka ka dhex guuxaysa oo Jawaabteedu wali Laalan tahay.

 

Reporter:Khadar Maxamed Ibraahim

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

awdal-state.jpg

 

Maamulka Awdal State oo Taageero weyn ka helay Shacabka AWDAL STATE iyo Dad lagu xidhxidhay Boorame

 

Waraaqo ka turjumaya tageerada reer

 

Borama u hayaan gooni Isu taaga Awdal State ayaa lagu daadiyey suuqyada Borama. Waraaqahan oo sida la sheegay ay qoreen Dad ku sugan magaalada Borama oo ka tirsan Tageerayaasha Awdal State ayaa waxa lagu arkay suuqyada Boorama gaar ahaan meelaha lagu kulmo iyo wadooyinka waa weyn ee magaaladaas, Warqadan ayaa la sheegay in ay isku jireen digniin maamulka Siilaanyo ah in uu sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxo sidoo kalana in shacabka Gobaladda Awdal,Salal iyo Gabilay ay i istaagaan taageeridda Maamulkooda Cusub

 

kolkii Waraaqahan lagu arkay suuqayadda magaaladda Booramae ayaa dadweynuhu kacdoon weyn sameeyeen iyada oo Malayshiyaadka Calooshood u shaqaystayaasha u adeega Siilaanyona ay hawlgal ay sameeyeen ku soo qabqabteen dhalinyaro iyo aqoonyahan ay uga shakiyeen in ay taageersan yihiin Awal Stat waxa kale oo uu Maamulka Siilaanyo xabsiga u tabaabay wariyayaal u shaqayn jiray Warbaahinta Gobaladaas kuwaas oo dhacdooyinka dhabta ah ee deegaanadda Awdal State ka jira

 

dhaqdhaqaaqyadda iyo horukaca Awdal State ayaa aad uga kacay Gobaladda Salal,Awdal iyo Gabilay iyada oo dhawaan Isimadda ka soo jeeda Gudubiirsay iyo Samaroona ay shir ku yeesheen Jabuuti ay ku taageersan yihiin in maamulkoodu u dhaqaaqo sidoo kale Beesha Ciise ayaa iyaduna taageersan Maamulkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

salaax this awdal stuff has more supporters in Eastern Sool and buhoodle rather than the locals from borama and awdal;) Just read allssc and bocamanews or jidbaale. awdalpress nor bakipress nor harowo.com reports this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Ciidamada Bileyska Boorama Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Iyo Saxafiyiin La Sheegay Inay Abaabulayeen Mudaharaad Lagu Taageerayo Fikiro Ay Wataan Koox S/land Diid Ah

 

Boorama, April 3, 2011 (Haatuf) – Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boorama ayaa shalay xabsiga u taxaabay Dhalinyaro iyo Suxufiyiin lagu eedeeyey inay abaabulayeen, isla markaana taageerayaan firo ay wataan dad Somaliland diid ah oo ku dhaqan Waqooyiga dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo jeeda gobolka Awdal.

 

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay magaalada Boorama ay ku daadiyeen waraaqo ay ku xardhan yihiin Awdal State oo ka dhan ah qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland, taas oo wararku ay intaa ku dareen in kooxdan fikirkan wadataa oo qurba joog ahi ay ka soo horjeedaan gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay u olalaynayaan wax ay ugu yeedheen maamul goboleedka Awdal (Awdal State).

 

Suxufiyiiinta Jaabir Cali Cumar iyo Jirde Axmed oo ka mid ah weriyayaasha ka hawlgala magaalada Boorama iyo lix kale oo dhalinyaro ah ayay ciidanka Booliska ee magaalada Boorama ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, sida uu ku soo waramayey wariyaha Haatuf ee gobolkaasi Awdal Hashim Goth, ayaa mar uu la xidhiidhay Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal Maxamed Cabdi uu u sheegay in saxafiyiintaas iyo dhalinyaradaasba loo haysto waraaqo ay ku qornaayeen arimo ku lidi ah Somaliland, isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Warka oo gaaban nimankaasi way xidhan yihiin, waana eedaysanayaal, haddii wax lagu waayana waa la iska soo dayn, hadii kale Maxkamad ayaa la horgayn doonaa, waana 8 dhalinyar ah marka la isku geeyo”.

 

Mar aan weydiinay in dhalinyartaa loo Haysto Waraaqo la sheegay in lagu daadiyey Boorama oo ay ku qornaayeen Awdal State ayuu taliyuhu carabka ka dhawray in uu faahfaahin intaas dheer ka sii bixiyo wuxuuna yidhi ” Waa sidaas”.

 

Labada Weriye ayaa ka kala hawlgala qaybaha kala duwan ee warbaahin ee magaalada Boorama, Wariye Jaabir ayaa isagu ka hawlgala Shabakada wararka Booramanews iyo Jirde oo ka hawlgala mid ka mid ah Wargaysyada.

 

Sidoo kale Wararka Qaar ayaa sheegaya in weriyayaashani ay sawiro ka qaadayeen dhalinyaro damacsanayd inay mudaharaad ku taageeraan koox qurba jooga reer Awdal ah oo maamul goboleed AWDAL STATE ah kaga dhawaaqay Waqooyiga Maraykanka.

 

Arimahan ayaa ku soo beegmay wakhti ay dadka reer Awdal dhaliilayaan maamulka gobolka Awdal ee ay xukuumada Somaliland u soo magacawday, taas oo ay dad badani saluugsan yihiin masuuliyiinta ugu saraysa ee gobolka.

 

Dhinaca kale Axmed Muumin Seed oo ka mid ah gudida fulinta ee xisbiga UCID ayaa cambaareeyay xadhiga weriyayaasha, isla markaana ku tilmaamay cabudhin ay xukuumadu ku samaynayso warbaahinta, wuxuuna ku baaqay in degdeg loo sii daayo. Mr Seed oo wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telefoonka isaga oo jooga Hargaysa, ayuu cambaareeyey xadhiga weriyayaashaas.

 

Dhanka kalana waxaa jira shaqo la’aan baahsan oo ay ka cabanayaan dhalinyarada reer Awdal gaar ahaan qolyaha ka soo qalinjabiyay jaamacadaha Dalka, dhalinyartaas oo inta badan ku andacooda in aan shaqo laga siin dhanka Xukuumada dhexe hay’adaheeda, isla markaana lagu sameeye hayb sooc, taas oo ay sheegaan in Siyaasiyiinta Awdal ee Dawlada dhexe iyo dhalinyaradu aanay lahayn xidhiidh ka dhexeeya, isla markaana aanay haysan Wasiiro shaqo geeya.

 

Si kastaba ha ahaatee Hawadan cusub ee kaga imanaysa qaar ka mid ah Dhalinyarta gobolka Awdal dhanka qurbajooga Awdal ee dibada ku dhaqan qaarkoood ayaa noqon karta in ay dhalinta qaarkood u dheg raariciyaan isla markaana run u qaataan.

 

Isku soo wada duuboo waxa xukuumadda Somaliland la gudboon in dagdag baadhitaano badan loogu sameeyo cid dhabta ah ee ka danbaysay falalkan ka dhacay magaalada Boorame oo dhaawac wayn u gaysan kara Sumcada Somaliland haddii aan waxba laga qaban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

soo wariyaal bala xidhay the waaheen editor isba wa la xidhay qofka sharicga qaranka jabbiya wala xidhaya. Journalist protocol bey leeyihin qaabka ay wax u qoran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

People in AWDAL, do not really like Somaliland and that is through. This Sunday afternoon, I am my way to one of their Xaflad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan;708627 wrote:
People in AWDAL, do not really like Somaliland and that is through. This Sunday afternoon, I am my way to one of their Xaflad

So you like partying ? That's nice but i am waiting to see the PICS of the so called demonstration that happened to day according to liibaans sources? I called today back home to borama and they did not report any Demonstrations in borama?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Xaaji Xunjuf;708626 wrote:
soo wariyaal bala xidhay the waaheen editor isba wa la xidhay qofka sharicga qaranka jabbiya wala xidhaya. Journalist protocol bey leeyihin qaabka ay wax u qoran.

Was not somaliland A demoqratic? Free expresion?

Xaji. The German got his freedom. It is D standard with Awdal Jaurnalist and students.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

HAROWO.COM

 

April 2, 2011

 

Xaflad Xalay ka Dhacday Dalka Turkey, oo Lagu Taageeraayay Gooni Isutaaga Awdal State

 

Waxan halkan salaan qaali ah hawada u marinaynaa shacbiga sharafte leh ee Awdal State meel walba oo ay dunida ka jogan. Waxa kaloon uga hambalyaynayaa shacbiga Awdal State sida ay uga tashadeen ayahooda, una muujiyeen awoodooda. Waana wax in badan la sugayay.

 

Intaas dabadeed anaga oo ah jaaliyada Awdal state ee dalka turkeya waxaan halkan ka cadaynaynaa inan qabanay xaflad aad u baladhan oo an ku tageeraynay ku dhawaqida goonis isu taaga awdal state taariikhdu markay ahayd 01/04/2011. Waxaanan soo diyaarinayaa sawirada xafladaasi oo dhamaystiran insha allaahu dhawaan ayaan soo galinayaa.

 

Waxaa xafladan wayn ee lagu maamuusaayay gooni isutaaga awdal state diyaariyay gudiga baqan qaabada ee dalka Turkeya gudoomiyaha jaaliyada awdal state ee dalka Turkeya: Md .mahdi Mahamoud Aayeh (Ayeh Duplamacy).

 

Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada awdal state ee dalka turkeya Eng. Ramadaan Sh. Xussein

 

Gudoomiyaha garabka haweenka jaaliyada Awdal Stase Marwo Safiya Halgan Sh Ali

 

Mahdi duplamacy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan after a fair trial the reporters were freed to its all fair and free saaxib.

 

Liibaan any pics of the demonstrations yet or is it just bogus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this