Saalax Posted April 3, 2011 Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka digtay ka qaybgalka shirka lagu wado inuu ka dhaco dalka Kenya Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka digtay ka qaybgala shirka ka dhacaya dalka Kenya, kaasoo uu qabanqaabinayo wakiilka UN-ka ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga, iyagoo sheegay in qodobbada kasoo baxa shirkaas aanay ka dhaqangalayn Soomaaliya. "Shirkan waa shir uu cadowg wato, uuna ku doonayo inuu ku dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, waana diidnay," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho. Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam oo haatan ka mid ah saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in shirkaas aan laga qaybgelin, sidoo kalena ay ku wargelinayaan caalamka in Soomaaliya aysan ka soconayn wax aanay shacabku doonayn. "Waxaan ku wargelinaynaa kuwa shirarkaas wada iyo inta isku sharraxaysa inaysan Soomaaliya ka hirgalayn qodobbada kasoo baxa, innaguna aan diidnay, dalkanna ay ka socon karto oo keliya wixii ay shacbka Soomaaliyeed doonayaan oo ah diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa diiday ka qaybgalka shirkaas iyagoo ku tilmaamay mid aanay dani ugu jirin Soomaaliya, sidoo kalena uu yahay mid lagu kala jarjarayo Soomaaliya. Wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid aan go'aan looga gaarayn aayaha dalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wadatashi ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Hadalka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay uga hadlaan shirka ka dhacaya Nairobi, kaasoo wakiilkas Qarammada Midoobay ee Soomaaliya uu sheegay inuu socon doono 12 illaa 13 bishan Abriil. http://www.hiiraan.com/news/2011/Apr/wararka_maanta3-13083.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites