Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Parliamentarians invited to observe Finnish Parliamentary elections

Recommended Posts

Xildhibaanno ka Tirsan Wakiillada Somaliland oo Lagu Casuumay Doorashada Baarlamaanka Dalka Finland

Sunday, 03 April 2011

Addis Ababa (Togdhnews)- Saddex mudane oo ka tirsan xildhibaannada

 

togdheernews_xildhibaano.jpg

 

Wakiillada Somaliland, ayaa u ambabaxay shalay waddanka Finland, kadib

markii lagu martiqaaday inay goob-joogayaal ka noqdaan doorashada

Baarlamanka oo la filayo inay dhowaan dalkaas ka dhacdo.

 

 

 

Weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bariga Somaliland Keyse Axmed

Digaale oo khadka telefoonka kula xidhiidhay shalay xildhibaan Maxamed

Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah weftiga mudanayaasha Golaha

Wakiillada Somaliland isagoo ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee

caasimadda waddanka Itoobiya ka hor intii aanay xalay ka dhoofin

halkaas, ayaa sheegay inay safarka ku wehelinayaan xildhibaan Maxamed

Nuur Carraale (Duur) iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan),

waxaannu intaa ku daray in martiqaad rasmi ah ka heleen dawladda

Finland, isla markaana goob-joogayaan ka nodon doonaan doorshada

baarlamaanka oo dalkaas ka dhici doonta badhtamaha bishan April.

‘Waxa lanagu casuumay doorashada baarlamaanka Finland in aannu

goobjoog ka ahaano oo bal eegno qaabka ay u dhacayso, maadaama ay

yihiin waddan horumaray, labadayda gole baarlamanna ka dhexeeyo

xidhiidh wanaagsan,” ayuu yidhi Md. Waabeeye.

 

 

 

Waxa kaloo xildhibaanku tibaaxay muddada ay dalkaas joogaan inay

kulamo kala duwan la yeelan doonaan mudanayaasha Baarlamanka Finland,

ugana warrami doonaan horumarka Somaliland ka gaaadhay geeddi-socodka

hannaanka dimuqraadiyadeed iyo qaddiyadda Somaliland.

Ma aha markii u horreysay ee xildhibaannada Golaha Wakiillada

Somaliland martiqaad ka helaan dhiggooda waddan kale, balse marar

badan ayaa qaar ka mid ah mudanayaasha goluhu safarro kala duwan ugu

baxaan dalal kala duwan oo caalamka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this