Sign in to follow this  
Saalax

Buuhoodle: Dhalinyaro Hubaysan Oo Raashin Mucaawimo Ah Boobay

Recommended Posts

Saalax   

Buuhoodle: Dhalinyaro Hubaysan Oo Maleeshiyadda SSC Ciidan Ahaan U Qorteen Wakhtiyadii Ay Soo Weerari Jireen Ciidamada Somaliland Oo Raashin Mucaawimo Ah Boobay.

 

Hargeysa (Ramaas) Aprill 3,2011- Kooxo Dhalinyaro ah oo ka mid ah kooxihii maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC u qorteen inay ciidan ahaan u adeegsadaan wakhtiyadii ay weerarada gaadmada ah ku soo qaadi jireen ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha ku dhadhow Buuhoodle ayaa maanta boobay raashin loogu tallo-galay in la gaadhsiiyo dadka abaaruhu hayaan ee ku nool deegaanka Buuhoodle.

 

Raashinkan oo la sheegay inay soo direen dadka qurbaha ku nool ee ka soo jeeda deegaanadaasi oo ka koobnaa, sonkor, daqiiq, bariis iyo waxyaabo kale oo tiro badan ayaa dhalinyaradan hubaysani boobeen ka dib markii iyagga oo gudaha Buuhoodle ku sugan raashinka la keenay si loogu diyaar garoobo qaybintiisa.

 

Gudddoomiye ku xigeenka Magaaladda Buuhoodle Maxamuud Sheekh Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin waxa ka dhacay, isaga oo sheegay in baahida deegaanadaasi ka jirtaa sababtay in boobka noocan ahi dhaco, isaga oo ka gaabsadsay inuu tafaasiil ka bixiyo waxa ay ka yeelayaan dhalinyarada falkan geystay.

 

Guddoomiye ku xigeenka Magaaladda Buuhoodle, oo arimahaa si kooban uga hadlayaana waxa uu yidhi “Baahiddii abaareed iyo dad hubaysan ayaa is helay, taasina waa mida keentay dhacdadaasi horseeday in dadkii loogu talagalay raashinka uuna gaadhin”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this