Sign in to follow this  
Saalax

Shacabku Wuxuu Doonayaa In La Rido Garaaddada SSC

Recommended Posts

Saalax   

Shacabku Wuxuu Doonayaa In La Rido Garaaddada

 

Written by Jidbaale.com

ifmxocfz0yrd3evakri3.png

 

Maqaal(Jidbaale.com):-Saddexdii bilood ee ugu danbaysay dunida Carabta waxaa ka socotay mawjado baaxado waaweyn, oo shacabka waddamada Carabtu dhammaantood ku muujinayeen siday u doonayaan isbaddelka, waxaana xukunkii laga tuuray labadii madaxweyne ee ugu xoogga-weynaa, shacabkoodana six un u bahdilay.

 

Waxaana hadda ku daba jira Qadaafiga Liibiya, iyo Cali C/lla Saalixa Yaman, waxaa isaguna hadda lagu bilaabay Bashaar Al-asadka Suuriya, waxaana mudaharaadyo baaxadweyni ka dhacay wadamada ugu hodansanaa dunida carabta, Sida Bahrain, Oman, waxa kale oo is-baddelladu saameeyeen Morocco.

 

Inkasta oo aan si qoto dheer laysu dhinac dhigi Karin dalalka Carabta iyo Xaaladda SSC, haddana waxay iska shabahaan dhinaca madaxda Carabta oo shacabkooda markasta khiyaano iyo daba martayn kuwada.

 

Waxaa la odhan karaa shacabka Carbeed madaxdoodu waxay ula dhaqmeen si ka baxsan bani aadannimada, iyaga oo markasta waxa ay ka codsadaan reer galbeedka u sameeya, heshiisyo hoosaadna la gala, xoogaa sandareera ahna ka qaata, oo aan markaas u qalmin waxa ay saxeexeen reer galbeedka.

 

50kii sano ee u danbeeyey madaxda Carbeed waxay markasta si dullinimo ah gacanta u hoorsanayeen reer galbeedka, iyaga oo Dhulkoodii dhaafsaday dhaqaale yar, sida Masar oo sannad kasta Maraykanku siin jiray xoogaa dhaqaale ah, si ay u raalli galiso reer galbeedka iyo Israil.

 

Carabta kalena waxay muddooyinkii ugu danbeeyey reer galbeedka ugu nacamlayn jireen waxa loogu yeedho la dagaallanka Argagixisada, shacabkoodiina cabudhiyeen oo xataa in ay shaqo u abuuraan diideen, waana sababta keentay in ninkii Dhalinyarada ahaa ee u dhashay Tunisia “Bucazeez” uu is gubo ka dibna kacdoonkii ugu baaxadda weynaa qarxo, sanamyadii ugu xoogga-weynaana loo riday sida Mubarak iyo Zaynil Cabidin Bin Cali.

 

Waxayna Shacabka Carbeed bilaabeen in ay halku dhig ka dhigtaan “Shacabku wuxuu doonayaa in la rido Daallinka”.

 

Haddaad u fiirsatid Shacabka *********** 20kii sano ee ugu danbaysay waxaa sharaftoodii iyo karaamaday lahaayeen dhulka la simay, Niman loogu magac daray Garaaddo, isla markaana loohuwiyey Harqado badankooda laga soo waariday waddanka Suuriya, oo loogu talo galay in la saaro miisaska cuntada ee waddamada Shaam “Suuriya, Falastiin, Urdun Iyo Lubnaan”.

 

Waxaana mid walba horjooge looga dhigay magac la yidhi sidaad doonto ka yeel, kaad dulmidid, kaad eex ka gashid iyo kaad magaciisa gunno ku heshidba waad u madax bannaan-tahay. Wuxuuna mid waliba samaystay Shaanbad yar, oo marka loo baahdo ee mid doonaya in loo shaanbadeeyo warqad ku socota Hargeysa ama Garoowe, aroortii laga raadiyo Jikada (Madbakha), ka dibna khad loo raadiyo warqaddana lagu dhufto, sababta ay shaanbadaha qaarkood jikada guriga u yaallaan ayaa waxa lagu sifeeyey in xataa Wasaaraddooda arrimaha guduhu ogaato waxa lagu dhuftay iyo kharashka soo xerooday, waayo waa isha kaliya ee dhaqaalaha soo xeraysa Shaanbadda girgiraha canjeelada agtaalaa, muddooyinkan danbe qaarkood way ilbixiyeen shaanbadda, oo taaj boqor ayey soo saareen.

 

 

 

Garaaddada SSC.

 

20kii sano ee ugu danbaysay waxay u kala gooshayeen Garoowe iyo Hargeysa, kaan isagu tagin kistiisa ama walaalkii ayaa u soo qaadayey ama kuu dhalay, waa tii soo gaadha meeshay doontaba ha soo martee, xawaalad kolay ku tahay. Sidee ayeysan u soo gaadhin? kii ay ugu dhufteen shaanbadda ayaaba ku dagaalamaya sidii uu ugu abaal gudi lahaa shaanbadda shaqada siisay, haddii labada maamul laga magacaabayo shaah qaadaha xafiisyada, kana soo jeeda raggaas waa in shaanbaddu ku soo dhacdaa.

 

Waa dhici kartaa in aanay intooda badani Hargeysa tagin, haddana shaanbaddoodu waa taallaa, maxay tahay laba aflayntani, waa kee ka ka dhaaran karaa in aanay shaanbaddiisu oollin Hargeysa?.

 

 

 

Tusaale Haddaan Usoo Qaadanno.

 

Garaad C/laahi Garaad Soofe waxaa u jooga Hargeysa Walaalkii Cismaan Garaad Soofe, oo maanta weerarku soo ah Buuhoodle, Garaad Saleebaan Garaad Maxamedna waxaa Hargeysa u jooga Walaalkii Qawdhagayste iyo Adeerkii Cismaan, Garaad Jaamac Garaad Calina waxaa marna Hargeysa ka ahaa Wasiir marna Garoowe adeerkii C/xamiid Garaad Jaamac.

 

Ugaas C/laahi Ciisena waxaa u joogay Hargeysa Walaalkii oo ka ahaa taliyaha Asluubta ee Hargeysa. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciilna waxaa Hargeysa u jooga Inaadeerkii C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar, oo maanta u hanjabaya shacabka Laascaanood, Garaad Abshir Saalaxna Adeerkii, oo isaguna ah Sarkaal ka tirsan Hargeysa.

 

Waa su’aale sidee arrimuhu isu qabanayaan kuway cid isugu xigeen ayaa dalka hore iyo haddaba cadawga ku soo hogaaminayee?.

 

Waxaa daliil cad oo markhati ma doonto kuu ah odayaasha noloshoodii iyo shaqadoodiiba saas noqotay inaysan cidnaba matali karin, iskaba daa inay warqad lasoo hordhigo saxeexaan, taasoo hadda sababtay inay Safiirkii Ingiriiska ee dhawaan soo Gaadhay Garoowe, una kuurgalayay cabashooyinkii dhowaan Shacabka SSC gude iyo dibadba ka mudaharaadeen, iyagoo ka dacwoonaya in Ingiriisku u janjeedho xagga maamulka Soomaalidiidka, kaalmadii uu siiyayna ay u adeegsadeen waddo qaldan.

 

Sidaa darteedna u yimi Garoowe yaa sideedaba matala shacabka SSC maamul ahaan, isla markaasna wada-xaajood qarsoon, oo dhexmaray Isimada iyo Safiirka in waraaq laga saxeexdo in Maamulka Puntland matalo shacabka SSC, oo ay hoostagaan.

 

 

 

Xaaladda Iyo Meesha Ay Hadda ku suga Yihiin.

 

Garoowe hadda qaarkoodbaaba Gaws-danbaydka ku haysta, kuna raalliya in lagu xannaaneeyo Maxjarka Hotel Hoorshe sida loogu xannaaneeyo Maxjarrada ku yaalla Boosaaso iyo Berbera Adhiga loo rarayo Khaliijka.

 

Waxaanse shaki ku jirin in hadday kun warqadood ku qoraan Puntland ayaanu nahay kuwa haatan jooga Garoowe in aanay Xukuumadda Garoowe ee ay hoggaamiyaan Faroole iyo C/samad Cali Shire waxba ka qabanayn dalka Maqan siday horeba ugu fashilmeen saddexdii sano ee ay xilka hayeen, haddana in aanay waxba ka qabanayn.

 

Waana arrin iska cad oo lagu dhaaran karo in ay xoogaa gunna ah qaateen ragga saxeexay qoraalkan ugu danbeeyey ee ay ku sheegeen in ay Puntland ka tirsan yihiin, oo ay warqaddan Dhaafsadeen dhaqaale, oo iyaga waxaa u daran maalin dagaalka iyo biyo cabaalkooda ay markaas qaadanayaan dhul iyo dadna adaaba sheegaya.

 

Hasa yeeshee waxaa lagu niyad samaan karaa in shacabka dibad iyo gudaba joogaa ay ogyihiin ragga maanta garaadada sheeganaya waxay galaan iyo waxay gudaan, 20 sano ee la soo dhaafayna la arkay waxqabadkoodii, ayna maanta qaxooti ku yihiin Garoowe sida uu afkiisa ka sheegay Garaad C/salaan markii uu ka hadlay BBC-da.

 

Dhammaan Garaaddada ka soo jeeda SSC waxaa la odhan karaa shacabkooda iyo iyagu laba jiho, oo aan shaqo isku lahayn ayey u kala socdaan, marka laga reebo Garaad kaliya, oo aad mooddid in uu shacabka la aragti yahay, isaguna qoyska uu Garaadka u yahay ayaan gacan ugu jirin.

 

Sidaas daraddeed waxaan qabaa in la soo gaadhay xilligii la odhan lahaa “Shacabku wuxuu doonayaa in la Rido Garaadada”. waa su'aale maxaynu ku waayeynaa hadii shacabku kalsoonida kala noqdo, deegaankii waxaa lagu qabsaday shaanbadaha jikada, oo waxaa shacabkii lagu kala qaybiyey cimaamadahan garabka la saartay, ee loogu talo galay miisaska cuntada, oo aanu shacabka soo gaadhin dhib iyo magac xumo aanay u gaysan, iyaga iyo kuwa Hargeysa iyo Garoowe u kala shaqo tagay (Hargaysa=Hindi) (Garoowe=Pakistani).

 

Kii u arka Sanamkiisa in uu yahay lama taabtaanoow, Deegaankiisa Maxjar lagu xannaaneeyo uga sameeya, oo halkaas ku horjoogsada, waxaase muuqata in la joogo xilligii shacabka SSC uu arrimihiisa maamulan lahaa, iyagana laga tashan lahaa. Waxaanuna odhan lahayn in laysugu soo baxo magaalooyinka SSC muddaharaadyo hal-ku dhiggoodu yahay “Shacabku Wuxuu Doonayaa In Kalsoonida Lagala Noqdo Garaaddada”.

 

 

 

People want to bring down the Garads

 

الشعب يريد اسقاط السلاطين

 

Shacabku Wuxuu Doonayaa In La Rido Garaaddada

 

 

 

http://jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1405:shacabku-wuxuu-doonayaa-in-la-rido-garaadada&catid=42:wararka-af-somali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Niman loogu magac daray Garaaddo, isla markaana loohuwiyey Harqado badankooda laga soo waariday waddanka Suuriya, oo loogu talo galay in la saaro miisaska cuntada ee waddamada Shaam “Suuriya, Falastiin, Urdun Iyo Lubnaan”.

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this