Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Fu’aad Shangole:“Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa”!!!

Recommended Posts

Sheekada, dadka qaarkood ineysan la socon aan uu maleynaayaa, doodu kuma saabsana in muslimka uu gaaloobi karo ee wuxuu ku saabsan yahay gaaleeysiinta uu dadka muslimka ku haayo dambiile Shongole, Al-muslimow waxaan rabaa inaan ku weydiiyo yaa uu baneeye ina shongole inuu gaaleeysiiyo dad muslim ahi? Mise Amisom oo dalka la keena diinta loogu baxayaa ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;708515 wrote:
Sheekada, dadka qaarkood ineysan la socon aan uu maleynaayaa, doodu kuma saabsana in muslimka uu gaaloobi karo ee wuxuu ku saabsan yahay gaaleeysiinta uu dadka muslimka ku haayo dambiile Shongole, Al-muslimow waxaan rabaa inaan ku weydiiyo yaa uu baneeye ina shongole inuu gaaleeysiiyo dad muslim ahi?

Walaal, qofkii gaalnimo ku dhaca, waa la gaalaysiin karaa. Culimaddoo dhana baa sidaas qabta, tusaale, Mu'ammar gadafiga maanta muslimka isku sheega culimo badan baa galaysiisay waa hore. Xataa waa asagoo muslimsku isku haysta. Tusaale labaad, Cabdullahi Yuusuf waaguu xabashida wadanka keenay culimadda soomaali oo dhan baa gaalaysiisay. Marka in qof la gaalaysiiyo waa shay culimadu taqaano.

 

Mise Amisom oo dalka la keena diinta loogu baxayaa ?

Walaale muwaalaadka gaalada, waa lagu gaaloobaa. soo digii horay iigu raacay qodobka from my first post? Gaal ninkii soo kaxaystaa asaga iyo gaalku waa isku xukum. Allah baana quraanka meelo badan ku sheegay taas

 

5_51.png

 

O you who have believed, do not take the Jews and the Christians as allies. They are [in fact] allies of one another. And whoever is an ally to them among you - then indeed, he is [one] of them. Indeed, Allah guides not the wrongdoing people.

 

 

Mida labaad waxaad tidhi

 

Arinta shongole sii fiican uu dhageyso, sanad kahor wuxu yiri, xildhibaanada waa gaalo, Madaxweynaha waa gaal,prime ministerka waa gaal, wixii dowladda uu shaqeeya oo idil waa gaal, xaasaskana waa ka furan yihiin, hadii ay kun jeer ashahaataan waa gaalo. 2 bilood kahor neh kulaha dadka oo la gaaleeysiiyo oo mu'min ah asago dilay ay la mid yahay. Carabka ka ilaaliya,hebel murtad ayaan uu maleynaaya carabkiina ka ilaaliya. Dhiiga laguma degdego sow hadalada ma is burinayaan??

Walaale, hadalku iskama hor imanayo, ee adaa u maleeyey. waayo dadka uu gaalaysiiyey Sh. Fu'aad dadka uu ka hadlayo, intaas oo ficil oo gaalnimo ah bay ku dhaceen, sida gaalo la soo kaxaysto, shareecada oonan wadanka lagu xukumin iwm.

Marka haduu gaalaysiiyo, xujada uu ku gaalaysiiyey baa la eegi. Haday sax tahay, waa sidaas, hadii kalena asagaa dambaabay.

 

Mida labaad, hadalka dambe si caam ah weeye. Wuxuu ka digayaa in qofka aan si yar lagu gaalaysiin, waayo sheekhu ma rabo in la iskaga dagdago, siduu cajalka ku sheegay "halkaas baan ku arkay" etc, is not enough. Qofka marka laguma dagdagi karo, maadaama dhiigiisa iyo maalkiisuba banaanaanayaan haduu gaal noqdo. Waa waano, waxayna ku tusaysaa in uu ka taxadirayo arintan.

 

Laakiin qofkii intaas oo jeer loo digo, walina gaalnimada ku sii ordaya, gaalo iyo cadawga Allah walaalo ka dhigtay, siduu shariif maalin dhawayd idaacadda toos uga laha "walaaladayo itoobiya" markuu ka hadlayey arintii beladxaawo, dee qofkaasi asagaaba is xukumay. dadka in looga digo wuu istaahilaa.

 

walaale adoo raali ah, qalbi furan ku fiiri waxaan soo qoraya, iyo waxyaabahaas oo kale, waayo haduu qofku marka hore asagoo kooxda iska neceb shay arko, wax uun qalad ah kama waayayo.

 

Allahna kuligeen ha inaga raali noqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Al-Miskiin;708622 wrote:
Tusaale labaad, Cabdullahi Yuusuf waaguu xabashida wadanka keenay
culimadda soomaali oo dhan baa gaalaysiisay
. Marka in qof la gaalaysiiyo waa shay culimadu taqaano.

Culimada aad ka hadleysid ma Al-Sheikh Yusuf Indhacade, Al Xaaji Muuse Yalaxoow iyo Al Sheikh Hassan Daahir Aweys waaye? LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^indha-adeeg ma ka yaabtay. kuye culimada soomaalida oo dhan. Goormuu soo tiro koobay oo votena ka soo qaaday?

 

Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa,
masaajidda ayey kawada buuxaan iyagoo mushrikiin ah oo ku faar ah
diinta ayey kawada baxeen

Ninkaan afkiisa iyo adinkiisa Muslimka waa ka badbaadi la'yahay. Fu'aad ha la su'aalo ninkii Muslimka afkiisa iyo adinkiisa ka nabad heli waayaan, maa la yiri waa Muslim?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxaad u jeedid ayuu rabaa inuu kuu bedelo. Asagaa saxsan and everyone else waa qaldanyihiin. :D

 

Internetkii xataa indhaha ayey faraha kaa gelinaayaan, acuudu bilaahi mina sheydaani rajiim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacpher;708632 wrote:
Culimada aad ka hadleysid ma Al-Sheikh Yusuf Indhacade, Al Xaaji Muuse Yalaxoow iyo Al Sheikh Hassan Daahir Aweys waaye? LOL.

Assalamu Alaikum walaal, kuwaas mahaa, mana arko anigu muhiimadda ay keenayso jeesjeesku. waxaan ka hadlayaa, Sh. Umal, Sh. Cumar faaruuq, Sh. Shariif Cabdi nuur. Anaana dhagahayga ku dhagaystay, tusaale sh., cumar faaruuq fatwadiisa baa specially caan ahayd, markii laga waraystay xaalda Cabdullahi Yuusuf, markaasuu sheekhu yidhi "gaal iyo ninkii soo kaxaystaa waa isku mid, waa wada gaalo"! Hadii si loo eego fatwadana maaha wax la yaab leh, waayo Allah baaba quraanka ku sheegay qofkii gaal la saftaa, "allies" ka dhigtaa, inay isku mid yihiin! Toos bayba quraanka ugu qorantahay, ma garanayo meesha aayadaas la gaynayo yawmul aakhira.

 

Allah sheekha ha u naxariisto, asaga iyo culimadii ka horaysayba, iyo kuwa maanta nool.

 

Mida labaad walaal markaan leeyahay "Culimadda soomaali oodhan", dabcan kama wado ninkastoo wadaad ah oo koonka jooga, waxaan ka wadaa culimadda ay soomaalidu dhahdo ayagaa ugu cilmi badan, ama soomaalida dhexdooda caanka ka ah, sidii Sh. Cumar faaruuq(raximahullahi raxman wasica). Waayo culimadda kuwa ugu cilmiga badan baa markasta dadku fiirsadaan, ma fiirsadaan sheekh kastoo meel yar mawlac ku leh.

 

 

Somalina ukhti adoo raali ah, if you can't debate on a serious level, then it is best that you dont write. I came with my opinion on the subject, marka if you have a different opinion, then presents it in a respectable manner, without "jees jees". If you do not feel like doing this, than do not expect me to answer your posts from now on. No offense at all. I just think as it's reasonable that we debate on a proper level, without just throwing a statement like "Waxaad u jeedid ayuu rabaa inuu kuu bedelo. Asagaa saxsan and everyone else waa qaldanyihiin.

Internetkii xataa indhaha ayey faraha kaa gelinaayaan, acuudu bilaahi mina sheydaani rajiim.".

 

I'm more than willing to take back, waxaan qalday hadaad i tustid, more than willing, laakiin inaad qaladka iga qabatid baa ka horaysa, or at least inaad isoo bandhigtid waxaan ku qaldanahay.

 

Walaalka oba hiloowlow aad baan ugu mahadcelin, sida sharafta leh, ee dagan uu doodan ugu jiray. Jzk khair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this