oba hiloowlow Posted April 3, 2011 Fu’aad Max’ed khalaf Shangole oo ka mid ah horjoogyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa hadal uu jeediyay waxaa uu si aan kala harlahayn ugu gaalnimo xukmiyay dadwaynaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah Shangole ayaa si aan ka leex leexad lahayn u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka buuxaan masaajidda iyagoo kufaar iyo mushrikiin ah, ayna akhrinayaan Qur’aanka iyagoo sida uu yiri gaalo ah. Mar uu qeexayay waxa uu u daliishanayo gaalaysiinta muslimiinta Soomaaliyeed ee ku mashquulsan cibaadada Allaah ayaa soo qaatay in ay u yeertaan oo ay taakulayn ka codsadaaan hay’daha Qaranka iyo mujtamaca caalamka xilli ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ay qayb wayn ku leedahay kooxdiisu. “Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa, masaajidda ayey kawada buuxaan iyagoo mushrikiin ah oo ku faar ah diinta ayey kawada baxeen” ayuu yiri horjooge Fu’aad Shangole. Hadalkaan waxaa uu qayb ka ahaa kitaab uu Fu’aad Shangole u akhriyo dhalinta ka tirsan shabaab oo ay ugu sheegaan in lagu barayo shareecada Islaamka laakiin waxa ay bartaan ayaa ah gaalaysiintaan wadareed iyo waxyaabo la mid ah si loogu qanciyo dhalinyarada marin habawsan in ay xalaalaystaan dhiigga dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah Layaab badan hadalkaani kuma noqonayo dhalinyarada ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab laakiin waxaa uu tilmaan cad siinayaa dad badan oo laga yaabo in ay rumaysanyihiin in laga badbadinayo marka ay maqlaan culumada Soomaaliyeed iyo kuwa islaamka oo dhahaya Al-Shabaab waxay ku sifawday khawaarij oo ah kooxaha u talaxtagga sidaan oo kale, Nebi Muxamaedna (NNK) ha ahaatee oo ka dardaar warriyay kooxaha nuucaan oo kala ah islaamkuna u yaqaano Khawaarij Gaalaysiinta Al-Shabaab kuma ekka afka ee laakiin waa mid ficil ahaan u fuliso kooxda oo rumaysay hadalada nuucaan oo kale ah ee ay muslimiinta ku xukumaan gaalnimo ka dibna waxay banaysteen dhiiga dadka Soomaaliyeed oo wixii xilligii uu ku fiday fikirkaas tagfiiriga ah ay si bahalnimo ah wadar iyo waaxidba ugu laayeen dad aan ilaa hadda la ogayn tiradooda rasmiga ah oo ka kooban qaybaha bulshada oo dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 Fu'aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaano Fu'aad Shongole ayaa hadal uusan ku kala reebin Soomaalida markan si guud ugu gaaleysiiyay, kadib markii uu ku tilmaamay in Soomaalida yihiin Gaalo iyo Mushrikiin. Inkastoo hadalkiisan ahaa mid koobnaa, qeybna ka ahaa Kutub uu ka aqriyo maalin kasta Masaajid ku yaala Suuqa Bakaaraha ayuu si aan kala har aheyn Soomaalida ugu xukmiyay Gaalnimo. "Alle Soomaali Gaalnimo badana, Masaajidada ayay ka buuxaan iyagoo Mushrikiin ah, Markee siyaaranayaan hey'adaha qaranka ama Beesha Caalamka ee ay u qeeshanayaan aaway Raxmaanka"ayuu si kooban u yiri Fu'aad Shongole oo hadalkiisa markan u muuqday mid aan leex leexad aheyn. Ina Shongole ayaa marar badan hadalo is burinaya ku hadlay, iyadoo hadaladii dhowaan ka soo yeeray ay ka mid aheyn inaan Qof Muslim Gaalnimo lagu xukmin, ha yeeshee markan ayuu si aan kala soocidba laheyn ayuu Soomaali oo idil Gaalnimo iyo Mushrikiin ugu kala qeybiyay. Waxaa uu soo qaatay marka dhibaato ay dhacdo inay gar gaar weydiistaan waxa uu ugu yeeray Beesha Caalamka iyo Hey'adaha qaranka, hase ahaatee marka taas laga soo gudbo Soomaalida ayaa ah kuwo inta badan isu gar gaara, kaalmana is gaarsiiya. Lama oga hadalkan micnaha uu xambaarsanaa, hase ahaatee Mr Shongole ayaa sidan oo kale u fatwooda, oo Masaajidada ka sheega hadalo uusan marna ka fiirsan, waxaana hadalkan imaanayaa xilli todobaad ka hor uu hadal uu ka jeediyay Ceelasha Biyaha uu ku tilmaamay Qaniimada inay ka mid tahay Iimaanka, hada ka horna 20$ ka soo gaartay markii la bur buriyay qabuurihii Talyaaniga, markii lafahooda laga iibiyay Talyaaniga ay uu Qaniimo ahaan u helay Labaatankaas Doolar, isla markaana uu muddo biilanayay, isagoo hadalkiisa u muuqday sida uu dadka ugu qaldayay inay boobaan Hantida ay u yaqaanaan Qaniimada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted April 3, 2011 The word gaal or kufar has almost turned into a curse word in our current community setting. All-shabab have no right to judge others, Only, Allah (swt) has the right to judge his people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 ^^ Yeah beentaada mahan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 3, 2011 and what is new here ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 Wax cusub mahan but everytime waa fajac cusub u know Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 3, 2011 Oba iyo walaalaha kale, su'aalo baan idin waydiin anoo daacad ah wallahi, oo aynan ciyaarciyaar iga ahayn, fadlan idinkoo raali ah iiga jawaaba. "Alle Soomaali Gaalnimo badana, Masaajidada ayay ka buuxaan iyagoo Mushrikiin ah, Markee siyaaranayaan hey'adaha qaranka ama Beesha Caalamka ee ay u qeeshanayaan aaway Raxmaanka"ayuu si kooban u yiri Fu'aad Shongole oo hadalkiisa markan u muuqday mid aan leex leexad aheyn. Allah baan idinku dhaarshee, hadalkan ma waxaa ka muuqda "soomaalida oo dhani waa gaalo, mid mid"! Mise waa hadal jumlaysan, oo la is raaciyey. isku mid maaha in la dhaho "Alle soomaali gaalnimo badanaa" iyo "Soomaalidu waa wada gaalo" Idinku hadaan idin dhaho qofkii shareecada Allah diida maxaad ku xukumi lahaydeen? Qofkii Allah sokodasii wax waydiista, sida caruur, irzaaqo, caafimaad etc. maxaad odhan lahaydeen? Qofkii Gaalo wadanka keena, markaasna muslimiin ku laaya, maxaad odhan lahaydeen?? Qofkii gaalada ka daba "nacamleeya", ama jeclaada, maxaad ku xukumi lahaydeen? Qofkii aamina in ay jiraan in uu jiro makhluuq Allah ka sokoow oo aduunka koonka maamula, ama xoogaa yarba ha ahaato, maxaad ku xukumi lahaydeen? When I'm saying, "maxaad ku xukumi lahaydeen" kama wado, in aad ku fakartiin shariif, ama qof kale, waxaan ka wadaa si caam ah. Yacni way kala duwantahay in la dhaho "faarax waa gaal, maadaama uu sanam u sujuuday", and "qofkii sanab u sujuudaa waa gaal"! Waayo faarax waxaa laga yaabaa inay cilmi daro iwm. u gaysay inuu sanam u sujuudo, laakiin ficilkuu ku dhacay waa gaalnimo. Markaa waxaan idinka rabaa ficiladaa inaad xukumtiin, ma lagu gaaloobi karaa mise laguma gaaloobi karo? Ina Shongole ayaa marar badan hadalo is burinaya ku hadlay, iyadoo hadaladii dhowaan ka soo yeeray ay ka mid aheyn inaan Qof Muslim Gaalnimo lagu xukmin, ha yeeshee markan ayuu si aan kala soocidba laheyn ayuu Soomaali oo idil Gaalnimo iyo Mushrikiin ugu kala qeybiyay. Marka labaad, hadalkan miyuu is burinayaa hadaad indho cadaalad ku fiirisiin? Bal sidan u fahma marka: Qof muslim ah gaalnimo laguma xukumi karo, marnaba! EXCEPT qofkii gaalnimo ku dhaco, markaasna xujada lagu oogo. Tusaale: Faarax oo nin muslim ah, oo waligii muslim ahaa, lana yaqaanay. Haduu Allah qayrkiis wax waydiisto, sida caruur iwm. Waa loo sheegi un uu Allah quraanka ku yidhi in uu asaga KALIYA yahay ka wax irzaaqo, caruur iyo caafimaadba. Haduu markaa faarax arintan diido, oo dhaho "war baxa, sheekh hebel baa caruur i siin e", waxaa la eegi waxa faarax shaygan ku kalifay miyaa lagu khasbay etc. Haday soo baxdo, inuu asagu iskiis u doortay arintan, markaasna si cilmiyeysan loogu sheego waxani inay yihiin shay khatar ah, oo lagu gaaloobi karo, walina uusan ka noqon ficilkan. Markaa faarax WAA GAAL KABA cad, xataa haduu doono masaajidka ha ku tukado, maantoo dhana salaatul leyl ha u taagnaado. Waayo salaada inuu qofku tukado kaliya diintu maaha. Tawxiidka baa ka qaldan faarax markaas oo kale. Markaa sheekh fu'aad waligiis soomaali oo dhan kumuunan xukumin gaalnimo, kumana dhaco wallahay, haduu saas sameeyana asagaa ummadda laga qaban, haduu ka noqon waayana la dili si fitnadaad loo qabto. Laakiin inuu qof shalay muslim ahaa maanta gaaloobi karo waa shay shareecadu na bartay, wax laga naxana maaha. Marka hadalka ah "qof muslim ah gaalnimo laguma xukumi karo" waa hadal caam ah, that means, waxaa ka soo hadhaya "qofkii shalay muslim ahaa, maantana gaalnimo ku dhacay", kaas waa la gaalaysiin karaa marka xujada lagu oogo, loona caqli celiyo. Hadalkana waxaa qaba culumidda ummaddoo idil, ilaa saxaabadii ilaa maanta, waan ijmaac(consensus). Marka again, there is a different between "soomaalida gaalnimo ku badanaa" and "soomaali dhamaan waa wada gaalo"! hadeer hadii soomaaliya la eego, walaahay dad badan baa gaalnimo dhex jabaaxaya(ficil ahaan)! - Sida kuwa gaalada maantoo dhan wata - kuwa qubuurta kor dawaafa, - kuwa sheekh cabdiqaadiroow jilaaniyoow waxaas na sii dhaha(yes some of my own family Practicethis), - kuwa democracy ka daba ordaya iwm. Ficiladaas oo dhan waa gaalnimo, laakiin lama odhan karo "kuligood waa gaalo", waayo kuwo badan cilmi uma laha waxay samaynayaan inay gaalnimo tahay. Marka qofkii arka waxaas oo ficilo gaalnimo ah ma odhan karo miyaa "Ala soomaalida gaalnimadu ku badnaa"? Ileen anigu ma odhan "Ala soomaalidu waa wado gaalo" eh? Ugu dambayn, kalmadda "gaalnimada", ama "gaalaysiinta" waa arin khatar ah runtii, laakiin mid baa jirta la rabo in la iska ilaaliyo. Ayaamahaan dambe waxaa soo badatay jumlo leh "Ala gaalaysiintii baa badatatay, war dadka maxaa loo gaalaysiin" iwm. Ogaado ikhwaani gaalaysiintu waa xukum shareecada ka mid ah, just like any other thing. Qofkii gaalnimo ku dhaca, shareecada jid loo maray leedahay sidii qofkaas gaalnimada looga badbaadin lahaa, laakiin haudu ku sii adkaysto, dee marka waa la gaalaysiin. Sidaas hadaanan la samayn, diintoo dhan baa ciyaar ciyaar iska noqon, sida diimaha yuhuuda iyo kristaanka. Maaha a grocery store oo aad waxaad doontid ka qaadan kartid, waxaad doontidna ka tagi kartid. Diinteenu xuduud bay leedahay, qofkii ka baxana Consequence baa qabsan. Marka waxba yaanan laga baqin kalmadda, diintaa waa laga bixi karaa, gaalna qofku wuu noqon karaa. Sida salaadu u burto, bay diintuna qofka uga buri kartaa. Markaa hadaad aragtiin hebel iyo hebel baa la gaalaysiiyey, dee waa in la ogaado maxaa lagu gaalaysiiyey? markaasna si cilmiyeysan loo baadhaa inuu ficilku gaalnimo yahay iyo in kale. Maaha wax ku salaysan emotion like "ala dad baa la gaalaysiiyey"! Diinteenu waa caadil, caadilnimadeeda yaanan laga saarin. Ps. plz "Alshabaab buu difaacayaa" iyo wixii la mid ah gees inoo dhiga, hadhow meelo kala ka dhaha qofkii rabow, laakiin waxaan soo qoray bal si cilmiyeysan iiga jawaaba, waayo waa arin aad u soo noqnoqotay arintani. Waana mas'alo diinta ka mid ah, markaa emotions iyo wixii la mid ahna dhinac inoo dhiga, jzk khair wa khairal jazaa. Walaalkiin oo khayr idinla raba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 okey waa la noqon karaa cidu ma diidan balse yaa ku baneeyay inaad ruux islaama gaaleeysiisid? Marka labaad, hadalkan miyuu is burinayaa hadaad indho cadaalad ku fiirisiin? http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/barnaamijyo/warbixin_shongole.wma Halkaan ka dhageyso hadaladiisa isburinaaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 3, 2011 Masaajidada ayay ka buuxaan iyagoo Mushrikiin ah Hadalkaasna maxaad ku turjumi lahayd ?????????????? ,,,,,,, and u know Mushrik inuu gaalka Ahlu Kitaabka ah ka xun yahay weliba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 3, 2011 Sawdinki laha dhowr bilood ka hor fuaad wuxu ka baxay alshabaab oo dawlada Sh dalxiis iyo mr cheese bu ku soo biiray lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 ^^war ninyahow been badanidaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 3, 2011 oba hiloowlow;708467 wrote: okey waa la noqon karaa cidu ma diidan balse yaa ku baneeyay inaad ruux islaama gaaleeysiisid? Akhi, horaan u soo qoray, qofka muslimka ahi uu gaaloobi karaa. Adigu ma waxaad la soo taagan tahay qofku marba haduu muslim noqdo ma gaaloobi karo? Allah baaba quraanka nooga sheekeeyey labadii nin ee lahaa labada beerood, markuu mid ka mid ku shukrin waayey Allah, beertiisana ku faanaya yidhi "Wuxuu galay Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay Halaagsami Waligeed." Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay celiyo Xagga Eebahayna waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada. Markaas saaxiibkiisa baa yidhi "Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday Eebaha kaa Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah." Kahf: 35,36,37 Sidoo kale Allah baa quraanka ku sheegay in qofku gaaloobi karo, markuu Iimaanka(Islaamk) helo ka bacdi, "Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo lagama aqbalo Toobadooba kuwaasina waa kuwa Dhumay." Marka qofku wuu gaaloobi karaa, haduu ka dhaco ficil gaalnimo ah. http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/barnaamijyo/warbixin_shongole.wma Halkaan ka dhageyso hadaladiisa isburinaaya Meeshan anigu kuma arko, wax iska hor imaan ah. , adoo raali itus meesha iska hor imaan ka imanayso. Hadalada sidoo loo googooyey ismaba laha, shuqulna iskuma laha, waxyaalo kala duwan buu sheekhu ka hadlayaa. Laakiin waa laga yaabaa inaan si qalad ah u dhagaystay, walaal bal i sheeg meelaha iska hor imaadka leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 3, 2011 Jacaylbaro;708476 wrote: Hadalkaasna maxaad ku turjumi lahayd ?????????????? ,,,,,,, and u know Mushrik inuu gaalka Ahlu Kitaabka ah ka xun yahay weliba. What it means is, qofku inuu Mushrik noqon karo asagoo masaajida ka buuxa. Qurayshba ayagoo mushrikiin ah bay Kacbadda ka buuxeen, oo waxyaalo badanoo diinteenu qabto samayn jireen. Marka masaajida in laga buuxo maaha waxa lagu cabiro qofka muslimnimadiisa iyo in kale, tawxiidka qofka haduu ka qaldanyahay, salaad kastuu tukado gaal buu ahana karaa. Sidaan tusaalah karo ku soo qaatay akhi. Meeshana kuna qorna "Soomaalida masaajida ka buuxda, kuligood waa wada mushrikiin"! context-kuu ku sheegay hadii la keeno kuligiis, waa la fahmi lahaa. Laakiin kalmad yaroo la soo gooyey, wixii ka horeeyey iyo wixii ka dambeeyey aan la garanayn, waa lagu wareeri. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 3, 2011 ^^ Aniga kuma dhihin muslimka always stay muslim ee waala gaalobi karaa but who are we to judge other people? Qofkii gaalooba, Allah SWT ayaa og siduu ka yeelaayo, Anaga waxba nagama qalin.. Arinta shongole sii fiican uu dhageyso, sanad kahor wuxu yiri, xildhibaanada waa gaalo, Madaxweynaha waa gaal,prime ministerka waa gaal, wixii dowladda uu shaqeeya oo idil waa gaal, xaasaskana waa ka furan yihiin, hadii ay kun jeer ashahaataan waa gaalo. 2 bilood kahor neh kulaha dadka oo la gaaleeysiiyo oo mu'min ah asago dilay ay la mid yahay. Carabka ka ilaaliya,hebel murtad ayaan uu maleynaaya carabkiina ka ilaaliya. Dhiiga laguma degdego sow hadalada ma is burinayaan?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted April 3, 2011 Muslinimadu sida ay weysada u jabto bey u jabtaa, somalidu badankeed sidaas uma oga. Quote Share this post Link to post Share on other sites