Kamaavi Posted April 3, 2011 Dhulka Ogadeenya waxaa ku hardamaya gumaysiga damaca waalan ku caanbaxay ee Abasiiniya & shacabka Soomaalidda O'gadeenya ee lihiinta & geesinimada uu Illhaay ku manaystay, halgankaas oo sida lala wada socdo marxalado kala duwan soo maray waxaa majaraha u haysa Jabhadda Waddaniga Xoreynta O'gadeenya (JWXO) oo inta la xusuusanyahay Jabahdiihii Ogadeenya u soo halgamay ugu taariikh halgameed dheer. JWXO oo Illahay ku tiirsan isla markaasna kaashanaysa taageerada hagar la'aanta ah ee shacabkeeda geesinimada & adkaysiga badan uu Eebbe u hibeeyayi u la barbar taaganyahay waxay halganka hubaysan ku bilawday marxalad qalafsan oo dani kugu qabatay ahayd waxayna mudo ku soo halgamaysay duruufo uusan caqliga Bani Aamaku qaadan karin kuwaas oo aan wali laga wada gudbin balse kuwoodii ugu darra si layaab leh lagu soo jiidhay, gumaysiga Tigreega oo xiligii ay JWXO halganka hubaysan bilowday iyaga laftoodu nidaamka dawladnimada loxos ku ahaa waxay mudo isugu sheekayn jireen afarta wiil waan soo qabqabanaynaa hamigaasi si dhab ah ayuu u beenoobay isla markaasna wuxuu ku dambeeyay lamood noqonse wayday. Halgankii 4 wiil ee waranlaha ah ku bilawday & Dawladii Geeska Afrika ugu xooga badnayd way kala adkaan waayeen waxayna Itoobiya loodin weyday halganka xaqa ku socda oo Illahay mooye aan aadame inuu is hor taago maanta looga cabsi qabin, mudo waxaa dhulka O'gadeenya ku cartamayay laba Jabhadood oo kalama adkaan ah ilaa ay ciidankii gumaysigu bilaabaan in ay kala goostaan kadib markii ay u babac dhigi waayeen Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta O'gadeenya ee geesiyaasha ah waxaana sanadihii u dambeeayay ciidanka gumaysiga ku dhacay sas joogto ah waxaana ku adkaatay xeryaha ay O'gadeenya ka daganyihiin in ay ka soo baxaan. Wada akhri.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 3, 2011 Tinny revolution in the greater horn,,..... Quote Share this post Link to post Share on other sites