Saalax Posted April 2, 2011 Dacwadii Cali Samatar Ee Ka Socotay Waddanka Maraykanka Oo Guul Laga Gaadhay. (Hadhwanaagnews) Saturday, April 02, 2011 (HNW)-Washington. Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa magaalada Washington iyo duleedkeeda ayaa guul ka gaadhay dacwadii lagu oogayay Maxamed Cali Samatar, oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga iyo Raysalwasaare dawladii Siyaad Barre (HNW)-Washington. Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa magaalada Washington iyo duleedkeeda ayaa guul ka gaadhay dacwadii lagu oogayay Maxamed Cali Samatar, oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga iyo Raysalwasaare dawladii Siyaad Barre, xilliyadii sida baan loo xasuuqay umadda Somaliland. Cali Samatar Oo Ahaa Shakhsigii Bixiyay Amarka In Laduqeeyo Magaalada Hargaysa Oo Guul Laga Gaadhay Dacwadisii. Dacwadda lagu oogayay Cali Samatar, oo muddo sannado ah soo jiitamaysay, waxa hore goaan uga gaadhay maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo goaamisay in la maxkamadeeyo islamarkaana beenisay inuu haysto xasaanad diblomaasiyadeed, waxaana Jimcihii shalay la isugu yimid furitaankii maxkamadda. Garyaqaanka Cali Samatar difaacayay ayaa la horyimid maxkamadda dood adag oo uu ku difaacayay eedaysanahan, isagoo ku doodayay inuu haysto xasaanad oo aan la maxkamadayn karin, waxaanu sheegay inay wakhti dheeri ugu dambaysay talada dawladii Maxamed Siyaad Barre, sharciga Maraykankuna aanu fasaxayn in la maxkamadeeyo. Hase yeeshe sida uu Geeska Afrika xalay khadka Telefoonka ugu sheegay Aniis Cabdillaahi Ciise, oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo qayb libaax ku leh abaabulka dacwadaas lagu oogayo Cali Samatar, xaakinkii dacwadda dhagaysanayay ayaa ku wargeliyay qareenka Cali Samatar difaacayay inay dhammaatay doodii ka taagnayd in la dacwayn karo eedaysanaha, maadaama oo ay maxkamadda sare ee dalkaasi goaan ka soo saartay. Dacwadani waxay socotay ilaa maxkamadii Maraykan u saraysay oo kama doodi karno inaan ninkan wadankan lagu dacwayn karin ee waxaad keentaa wixii cadaymo ah ee aad hayso ee aad ku difaacayso inaanu dambigan gelin. Sidaas ayay qareenkii dacwadda dhagaysanaysay ku tidhi garyaqaankii Cali Samatar difaacayay, sida uu Geeska Afrika u sheegay Aniis Cabdillaahi Ciise, oo xilligaas ka soo baxay hoolka dacwadda lagu dhagaysanayay waxaanu Aniis intaas ku daray inay dhawaan Hargeysa iman doonaan qaar ka mid ah hayadaha xuquuqal isaanka ee taageersan in ninkan sharciga lala tiigsado, kuwaas oo waraysiyo cadaymo ah ka qaadi doono dadweynaha Hargeysa jooga ee xogta ka hayo xasuuqii Cali Samatar gaystay, Colkeenu Hargeysa ayay imanayaan markhaatiyo ayay soo kaxaynayaan, markaas bilo ka dib ayaa la isugu soo noqon doonaa dhagaysiga dacwadda. ayuu yidhi Aniis, wuxuuna sheegay inay dadweynaha reer Somaliland ee washington iyo duleedkeeda degeni si weyn uga soo qayb galeen dacwadii shalay, waxase iyaguna madasha joogay dad kale oo Somali ah oo taageersanaa Cali Samatar, waxaana la sheegay inaanay shalay goobta joogin cid ka tirsan qoyska Cali Samatar, maadaama oo gabadh uu dhalay oo maxkamada la iman jirtay aflagaado iyo cay ay xilligan ka mid tahay wasiirada dawladda Sheekh Shariif ee Muqdisho ku sugan. Geedi socodka dacwadan iyo goaanka qareenka maxkamadda ee shalay ayaa u muuqda mid ay guul ka gaadheen bulshada Somaliland oo xasuuq baan kala kulantay dawladii Maxamed Siyaad Barre, oo uu Cali Samatar yahay masuulka u sareeya ee maanta ka nool. Xigasho Wargayska Geeska Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites