Somalina Posted April 2, 2011 March 31, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in Hees Todobaadkii hore laga baahiyay Idaacada Radio-Hargeysa oo ka mid ahayd Heesihii ku Kaydsanaa muddada dheer Idaacadaa Radio-Hargeysa oo laga saari jiray Xiliyadii Todobaadtanaadkii ee Maamulkii Rajiimkii Siyaad Barre oo ka mid ahayd Heesihii Borobogaandada loo adeegsan jiray ee lid ku ahaa Dawlada Ethiopia ay si qaldan uga baxday Idaacada, isla markaana ay u dhuumatay Wariye ka tirsan Idaacada, isagoo intaa ku daray in ciddii qaladkaasi gashay ay talaabo adag ka qaadi doonaan. Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaabsade waxa kale oo uu digniin culus u jeediyay Ashkhaasta Mashuuraca ka dhigatay fidinta aritaasi, isagoo dhinaca kale-na sheegay in cidii lagu arko hawl-wadeenada kooxaysi Shaqada lagaga eryi doono. Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xabsade oo aanu Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, waxna kaga weydiinay Heesta lid-ka ku ahayd Dawlada Ethiopia ee Idaacada laga baahiyay ayaa waxa uu yidhi “Arintaasi wey jirtay mid qalad u dhacdayna way ahayd, oo Cajalad si qalad ah loo galiyay-na wey ahayd, Nimankii arintaasi ku kacayna talaabo adag oo bilaa Naxariis ah ayaanu ka qaadnay, sidaa darteed-na mar dambe dhici mayso in qaladkaasi lagu arko Idaacada, Dawlada Ethiopia iyo Somaliland iyo labada Shacab ee ku kala dhaqan labada Dal-na waa laba Dal oo xidhiidh Walaaltinimo ka dhaxayo oo qaadarin iyo Maamuus kala mudan” Wasiirka mar aanu weydiinay, in qaladkaasi ku dhacay aqoon dari iyo in loo badheedhay, waxa uu yidhi “Runtii aqoon daro ayay u dhacday, Cajaladaasi-na Wiil yar ayay u dhuumatay, wax la buun-buuniyo oo Mashruuc laga dhigo mahaa qalad dhacayn maaha, kuwa sii fidinaya arintaasi ee Shaqada ka dhigtay-na waxaan uga digaynaa inay ka waantoobaan Dacaayadahaa Raqiiska ah”. Mar aanu weydiinay waxyaabaha laga sheegayo in Shaqaalihii Wasaarada Warfaafinta hore u sii joogay iyo kuwa cusub ee ku soo biiray ee la sheegayo in kooxaysi ka dhex dilaaceen in qaladkaasi dhacay ay saamayn ku leeyihiin, waxa uu yidhi “Arrimahaasi waxba kama jiraan wax Groupo iyo kooxaysi-na lagama ogola Wasaarada ee Shaqo ayaa taala, Ninkii la yimaada hab-dhaqan Kooxaysi ama lagu arka-na Shaqada wuu ka tagayaa”. Si kataba ha ahaatee Heestan ayaa markii ugu horaysay idaacada Raido-Hargeysa ka baxday ama laga Baahiyey tan iyo intii ay Xornimadeeda kala soo noqotay Somalia. Heesta laga Baahiyey Idaacada Radio-Hargeysa ee Lidka ku ah Ethiopia ayaa ka mid ahayd Hubka Borobogaandaha ee warmaha ba’an ku ahaa Ethiopia oo la hal abuuray xiliyadii uu dagaalka qadhaadhi uu ka dhex soday Somalia iyo Ethiopia ee 1977-kii. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaya doorka ay ka qaadanayaan Abaaraha dalka ku habsaday, waxa uu yidhi “Runtii Abaaruhu meel adag bay marayaan, Ilaahay-na waxaan uga baryayaa Dadkeena Abaaraha iyo Biyo la’aantu ku habsadeen, waxaana Gobolada Galbeedka iyo Bariga Dalka aanu u diraynaa Wafti ka socda Warbaahinta iyo Hay’addaha oo qiimayn ku soo samayn doona”. Source:Haatuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 2, 2011 Inaa Lilaahi Waa Inaali Rajacuun. What useless creature. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 2, 2011 Fa'in lam tastaxyi fasnic ma' shita.... weeye sheekada Xaabsade... I guess his name says all ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 2, 2011 Itoobiya ma hees bay ka baqata xabashidu fuleysana Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted April 2, 2011 It is sad thing to hear ,...young Somali man dismissed for playing a patriotic song... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 2, 2011 Some body gotta do the $$ shumis. Quote Share this post Link to post Share on other sites