Liqaye Posted April 2, 2011 Hoggaamiyihii hore ee ururkii burburay Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay oo dhex maray ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab kana dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo Xasan Daahir uu Wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga uu ku sheegay sheegay in dagaaladii ka dhacay gobolada dalka marka laga reebo degmada Luuq oo ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay taangiyada ciidamada Itoobiya sida uu sheegay. Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Daahir inay weli jirto cududii Al-Shabaab ay dagaalada dalka ku sii wadi kareyso, hase yeeshee isagoo ka hadlayay dagaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay ku jabeen Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay awooda labada dhinac oo uu sheegay in dhinaca Dowladda ka badan tahay dhinac kasta sida hubka iyo ciidamada. "Inta Shabaab dagaalada Muqdisho ay ku riteen waxaa ka badan inta iyaga laga ritay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo qirtay in Muqdisho looga awood badan yahay, hase yeeshee waxa uu sheegay inay Muqdisho ka wadaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ilaa iyo inta ay iyagu ka guuleysanayaan. Dhinaca kale waxa uu sheegay Xasan Daahir Aweys in cidiyaha lagu dagaalamayo, wuxuuna sheegay in dhinacooda dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan dadka birima geydada ah, isagoo dhinaca kale si cad u diiday shirka QM ay qabanqaabineyso inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 2, 2011 beentiisa maahan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted April 2, 2011 Odeyga wax uu sameeyo ayuu garan la yahay,... Quote Share this post Link to post Share on other sites