Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2011 Sadex Nin Iyo Baabuur Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Kooxda SSC April 1st, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Baabuur Nooca Tiknikada ah iyo sadex nin oo ka mid ahaa Kooxda Nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta ka soo goostay magaalada Buuhoodle, oo fadhiisin u ah kooxdan waxaanay duhurkii soo gaadheen fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee degmada Qori-lugud, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka qaranka ee Aaga Bari. Sadexdan nin iyo Baabuurkan oo ay saaran yihiin laba qori oo kala ah B-10 iyo SK-43, waxa caawa loo soo kaxeeyay dhinaca magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer waxaana soo galbiyay saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka. Waxa iyaguna dhawaan u yimid Somaliland sodameeye ka mid ah kooxda SSC, kuwaasi oo sheegay inay doon ayaan inay ka qeyb galaan wadahadalada turxaan bixinta ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u soo jeediyay waxgaradka bulshada gobolada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 1, 2011 Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud. Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha ********** oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco . Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan. http://www.radiowidhwidh.com/widhwidhnew/Radio/2011/04/gaadhi-kamid-ah-tignikada-ssc-oo-maamulka-hargaysa-loola-galay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2011 Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan ;);) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abokor Omar Posted April 1, 2011 *SMH* Please turn them away and inform them that the application to join has been rejected. Better luck next year. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 1, 2011 stuff and nonsense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2011 Taleexi;708132 wrote: stuff and nonsense. are you sure lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 1, 2011 "Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco ." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2011 Ciidamo iyo gaadiid ka soo goostay Maleeshiyada SSC. Friday, 01 April 2011 Burco-(Togdhnews)- Hal baabur oo Tikniko ah iyo Ciidanki watay oo ka tirsanaa Maleeshiyada SSC ee fadhigeedu yahay magaaladda Buhoodle, ayaa maanta galinkii danbe isku soo dhiibay Cidanka Qaranka Soomaaliland ee ku Sugan Degaanka Kalshaale. Sida ay Shabakada Togdheernews u Cadeeyeen Saraakil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan jiidaasi Kalshaale ayaa sheegay in, Baaburkan noocisu yahay land cruiser uu saaran yahay qoryaha culus ee loo yaqaan B10, ayna watay 4 Askari , kuwaaso sheegay inay ka soo goosteen Maleeshiyada SSC ee ka soo horjeeda Soomaaliland, waxa kale oo askartani sheegeen inay ahaayeen maleeshiyo ay dhawaan uruuriyeen Kooxda SSC,una sameeyeen tiknikadan yagoo gacan ka helaaya qurba jooga dibada. Maleeshadan iyo gaadhigan ka soo goostay Kooxda SSC ayaa degaan ahaan waxay ka soo jeedaan YAGOORI iyo Laascaanod. Maaha markii u horey ee maleeshiyda SSC ay ka soo goostan Ciidamo iyo tikniko, kuna soo biiraan dhinaca Soomaaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2011 War deg deg ah Ciidamo ka tirsan Kooxda SSC oo maanta u so goostay Dhanka Somaliland Burco- (own- Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo Hore uga tirsanaan Jiray Kooxda ssc ayaa Maanta Soo gaadhay Deegaanka Kalshaale Kuwaasi oo isu soo dhiibay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee jidaasi Ku sugan. Tirada Ciidamada ka tirsan Kooxda ssc eeh maanta u so goostay dhanka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay tiro Ahaan dhanyihin 15 Askari oo ku hubeysan Qoryo Fudfudud Iyo Gaadhi Tikniko ah oo uu saaranyahay Qori. Goob joogayaal Ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ee JIIDA Kalshaale oo ka gaabsaday in la xuso Magacyadooda ayaa Warkani Noo Xaqiijiyey Kuwasi oo Tilmaamay in maanta ay Ciidamadaani ka soo goostay dhanka kooxda SSC ay so gaadheenk deegaanka Kalshaale Halkaasi oo ay ciidamada qaranka eeh jida hore ku suganiu so dhawyeen si diiran Dhawaan ayay ahayd marki dhanka Somaliland uu soo goostay taliyihi Ciidamada Birmadka Iyo warfaafinta Kooxda ssc Mr keyse cabdi yusuf iyo ciidamado ay wataan u soo goosteen dhanka Somaliland kuwasi oo ku baaqay inay qaateen goaanki ay Xukuumada Somaliland ku gaadhay inay ka shaqeyso sidii ay nabad ugu aslixin lahayd deegaanka Khilaafku ka taaganyahay eeh Buhoodle Soo goosashadan ay maanta Ciidamadani ka tirsana Kooxda ssc u so goosteen Dhanka Somaliland ayaa iyadu ku so beegmaysa xili ay maanta ka haluleen cuqaal iyo salaadin ka yimi dhanka Garowe oo wajigabax kala kulmay dadka deegaanka Buhoodle oo u cadeeyey mawqifkooda ku aadan colaad laga huriyo deegankaasi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted April 2, 2011 Nabadiidkii SNM beeentoodii ayee isku akhrinayaan, iska marqaaansanada Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2011 Widhwidh Online sowtan qiratay ....... http://www.radiowidhwidh.com/widhwidhnew/Radio/2011/04/gaadhi-kamid-ah-tignikada-ssc-oo-maamulka-hargaysa-loola-galay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 2, 2011 Jacaylbaro Widhwidh hada qolada Khusuusigu waxba kama qoran intii u keyse goostay oo u nabad qaatay nabadiidku widhwidh waxba kama qoran Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2011 oo iyagii baaba kala gurtay miyaa ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2011 Did i tell u I met Kayse at Maansoor hotel ........... Quote Share this post Link to post Share on other sites