Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

More ssc nabadiid soldiers defect to Somaliland

Recommended Posts

Sadex Nin Iyo Baabuur Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Kooxda SSC

April 1st, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Baabuur Nooca Tiknikada ah iyo sadex nin oo ka mid ahaa Kooxda Nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta ka soo goostay magaalada Buuhoodle, oo fadhiisin u ah kooxdan waxaanay duhurkii soo gaadheen fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee degmada Qori-lugud, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka qaranka ee Aaga Bari.

 

Sadexdan nin iyo Baabuurkan oo ay saaran yihiin laba qori oo kala ah B-10 iyo SK-43, waxa caawa loo soo kaxeeyay dhinaca magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer waxaana soo galbiyay saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.

 

Waxa iyaguna dhawaan u yimid Somaliland sodameeye ka mid ah kooxda SSC, kuwaasi oo sheegay inay doon ayaan inay ka qeyb galaan wadahadalada turxaan bixinta ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u soo jeediyay waxgaradka bulshada gobolada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud.

 

Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online

 

 

Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha ********** oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco .

 

Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan.

 

http://www.radiowidhwidh.com/widhwidhnew/Radio/2011/04/gaadhi-kamid-ah-tignikada-ssc-oo-maamulka-hargaysa-loola-galay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan

;);););)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo iyo gaadiid ka soo goostay Maleeshiyada SSC.

Friday, 01 April 2011

Burco-(Togdhnews)- Hal baabur oo Tikniko ah iyo Ciidanki watay oo ka tirsanaa Maleeshiyada SSC

ee fadhigeedu yahay magaaladda Buhoodle, ayaa maanta galinkii danbe isku soo dhiibay Cidanka Qaranka Soomaaliland ee ku Sugan Degaanka Kalshaale.

 

 

 

Sida ay Shabakada Togdheernews u Cadeeyeen Saraakil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan jiidaasi Kalshaale ayaa sheegay in, Baaburkan noocisu yahay land cruiser uu saaran yahay qoryaha culus ee loo yaqaan B10, ayna watay 4 Askari , kuwaaso sheegay inay ka soo goosteen Maleeshiyada SSC ee ka soo horjeeda Soomaaliland, waxa kale oo askartani sheegeen inay ahaayeen maleeshiyo ay dhawaan uruuriyeen Kooxda SSC,una sameeyeen tiknikadan yagoo gacan ka helaaya qurba jooga dibada.

 

 

 

Maleeshadan iyo gaadhigan ka soo goostay Kooxda SSC ayaa degaan ahaan waxay ka soo jeedaan YAGOORI iyo Laascaanod.

 

Maaha markii u horey ee maleeshiyda SSC ay ka soo goostan Ciidamo iyo tikniko, kuna soo biiraan dhinaca Soomaaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Ciidamo ka tirsan Kooxda SSC oo maanta u so goostay Dhanka Somaliland

Burco- (own- Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo

Hore uga tirsanaan Jiray Kooxda ssc ayaa Maanta Soo gaadhay Deegaanka Kalshaale Kuwaasi oo isu soo dhiibay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee jidaasi Ku sugan.

 

Tirada Ciidamada ka tirsan Kooxda ssc eeh maanta u so goostay dhanka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay tiro Ahaan dhanyihin 15 Askari oo ku hubeysan Qoryo Fudfudud Iyo Gaadhi Tikniko ah oo uu saaranyahay Qori.

Goob joogayaal Ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ee JIIDA Kalshaale oo ka gaabsaday in la xuso Magacyadooda ayaa Warkani Noo Xaqiijiyey Kuwasi oo Tilmaamay in maanta ay Ciidamadaani ka soo goostay dhanka kooxda SSC ay so gaadheenk deegaanka Kalshaale Halkaasi oo ay ciidamada qaranka

eeh jida hore ku suganiu so dhawyeen si diiran

 

Dhawaan ayay ahayd marki dhanka Somaliland uu soo goostay taliyihi Ciidamada Birmadka Iyo warfaafinta

Kooxda ssc Mr keyse cabdi yusuf iyo ciidamado ay wataan u soo goosteen dhanka Somaliland kuwasi oo ku baaqay inay qaateen goaanki ay Xukuumada Somaliland ku gaadhay inay ka shaqeyso sidii ay nabad ugu aslixin lahayd deegaanka Khilaafku ka taaganyahay eeh Buhoodle

 

Soo goosashadan ay maanta Ciidamadani ka tirsana Kooxda ssc u so goosteen Dhanka Somaliland ayaa iyadu ku so beegmaysa xili ay maanta ka haluleen cuqaal iyo salaadin ka yimi dhanka Garowe oo wajigabax kala kulmay dadka deegaanka Buhoodle oo u cadeeyey mawqifkooda ku aadan colaad laga huriyo deegankaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this