Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somalia: Al shabaab '' Bunka waa mamnuuc''

Recommended Posts

BUN-IYO-AMBUULO_1_385f1.jpg

 

 

Dhalinyaro ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka ku xiray saldhiga degmada Kaaraan Ragg Odayaal ah oo ku Buneysanayay mid ka mid ah Xaafadaha degmada Kaaraan, iyagoo horay looga soo qaaday Kurbintii Bunka iyo saliida ku jirtay iyo Weel kale oo ay horrtaalay xilligii ay bunka u fadhiyeen.

 

Inta badan Soomaalida ayaa dhaqan iyo soo jireen u ah inay Buneystaan maalmaha Jimcaha oo kale iyo maalmaha kale, inkastoo tallaabada saaka Shabaab ahaa mid dadka deegaanka aad ula yaabeen.

 

Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden carafta Bunka sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen.

 

Waxaa uu sheegay in markii dhalinyaradu u soo galeen Odayaasha ay durba ku yiraahdeen erayo ay ka mid ahaayeen “Ma waxaad wadaan Asraar iyo khuraafaad” waxaana markii dambe odayaasha ku amreen inay ka soo kacaan salli ay ku fadhiyeen, deetana inta qoriga afkiisa lagu jeediyay lagu amray inay hor-socdaan.

 

Ragga Odayaasha buneysanayay ayaa muddo saacado ah lagu xerin qol ka mid ah qolalka Saldhiga uu ka kooban yahay ee lagu xabiso dadka dambiilayaasha, iyadoo banaanka hore ee saldhiga la dhigay Kurbintii Bunka ku jirtay iyo saxan-weyn oo waxa ay u taqaan Soomaalida Cambuulo ku jirtay.

 

Ma jirin amar si toos u soo shaac baxay oo lagu mamnuucay Bunka, hase ahaatee mar sii horeysay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa laga mamnuucay Bunka iibintiisa iyo in dadka ay buneystaan, taasoo markii dambe goobaha ganacsiga bilaabeen in si qarsoodi u iibiyaan, meelaha uu ka muuqanayana laga dajiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al shabaab dhibaato xoogan ay ku wadaan Dadka uu dhashay min Mudug ilaa iyo Kismaayo, cunaqabateyn, Gaaleeysiin, gaajo iyo nayacb,,, xaasidsanaa Zybeyra indhashareera..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hayaay suufidu maantay Al-Shabaab u dhamayn, marba haday soo gaadhay bunkii iyo cambuuladii, waliba on a friday, ooh noo, Shabaab better recognize. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;708022 wrote:
Suufi iyo Bun ii cambuulo maxaa iska galay diin iyo dhaqan ayaad isku qaldooysa Al-maskiin.

Come on now oba, we both know why u mad :), ragga iska dhiciya ninyahow instead of inaad la so soo shir tagtaan "Bun iyo Cambuulay noo diideen", what's the next, "shan habroo biyo dhaaminayaa jalaafo loo dhigay". :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden
carafta Bunka
sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen.

:D:D:D gaajo ayaa haysey miyaa? sandheeraa qashinka, eey miyaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

haha Shariif supporters last calaacal, "Al-shabaab took our bun and cambuulo", and youtube videos of small cute children who have just learned to say "Ceelasha biyaha"! lool come on guys, keep it together, keep it together. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this