oba hiloowlow Posted April 1, 2011 Dhalinyaro ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka ku xiray saldhiga degmada Kaaraan Ragg Odayaal ah oo ku Buneysanayay mid ka mid ah Xaafadaha degmada Kaaraan, iyagoo horay looga soo qaaday Kurbintii Bunka iyo saliida ku jirtay iyo Weel kale oo ay horrtaalay xilligii ay bunka u fadhiyeen. Inta badan Soomaalida ayaa dhaqan iyo soo jireen u ah inay Buneystaan maalmaha Jimcaha oo kale iyo maalmaha kale, inkastoo tallaabada saaka Shabaab ahaa mid dadka deegaanka aad ula yaabeen. Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden carafta Bunka sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen. Waxaa uu sheegay in markii dhalinyaradu u soo galeen Odayaasha ay durba ku yiraahdeen erayo ay ka mid ahaayeen “Ma waxaad wadaan Asraar iyo khuraafaad” waxaana markii dambe odayaasha ku amreen inay ka soo kacaan salli ay ku fadhiyeen, deetana inta qoriga afkiisa lagu jeediyay lagu amray inay hor-socdaan. Ragga Odayaasha buneysanayay ayaa muddo saacado ah lagu xerin qol ka mid ah qolalka Saldhiga uu ka kooban yahay ee lagu xabiso dadka dambiilayaasha, iyadoo banaanka hore ee saldhiga la dhigay Kurbintii Bunka ku jirtay iyo saxan-weyn oo waxa ay u taqaan Soomaalida Cambuulo ku jirtay. Ma jirin amar si toos u soo shaac baxay oo lagu mamnuucay Bunka, hase ahaatee mar sii horeysay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa laga mamnuucay Bunka iibintiisa iyo in dadka ay buneystaan, taasoo markii dambe goobaha ganacsiga bilaabeen in si qarsoodi u iibiyaan, meelaha uu ka muuqanayana laga dajiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 Al shabaab dhibaato xoogan ay ku wadaan Dadka uu dhashay min Mudug ilaa iyo Kismaayo, cunaqabateyn, Gaaleeysiin, gaajo iyo nayacb,,, xaasidsanaa Zybeyra indhashareera.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 ^^ Waligaa iska qosol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 1, 2011 Hayaay suufidu maantay Al-Shabaab u dhamayn, marba haday soo gaadhay bunkii iyo cambuuladii, waliba on a friday, ooh noo, Shabaab better recognize. :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 Suufi iyo Bun ii cambuulo maxaa iska galay diin iyo dhaqan ayaad isku qaldooysa Al-maskiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 1, 2011 oba hiloowlow;708022 wrote: Suufi iyo Bun ii cambuulo maxaa iska galay diin iyo dhaqan ayaad isku qaldooysa Al-maskiin. Come on now oba, we both know why u mad , ragga iska dhiciya ninyahow instead of inaad la so soo shir tagtaan "Bun iyo Cambuulay noo diideen", what's the next, "shan habroo biyo dhaaminayaa jalaafo loo dhigay". Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 waa la iska dhicihooyaye balse nin xunoo Sakiin la yiraahdo aa na hortaagan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 1, 2011 Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden carafta Bunka sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen. :D:D gaajo ayaa haysey miyaa? sandheeraa qashinka, eey miyaa... Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 Ilmihii ayaaba fahmay shabaab waxey yihiin lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 1, 2011 lmao@ceelasha biyaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 1, 2011 ^^ Heheh canuga waa rageedi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 1, 2011 haha Shariif supporters last calaacal, "Al-shabaab took our bun and cambuulo", and youtube videos of small cute children who have just learned to say "Ceelasha biyaha"! lool come on guys, keep it together, keep it together. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 1, 2011 Alshabaab shoe shiners are welcome here for counter calaacal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 1, 2011 ^^ I wouldn't be surprised hadey shan habroo biyo dhaaminayaa jalaafo uu dhigay *******eentan Quote Share this post Link to post Share on other sites