Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Djibouti Government rejects the UN Peace conference for Somalia in Kenya.

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan ayaa sheegay in dalkiisu aanu ka qeyb geli doonin shir Soomaaliyeed oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi

 

 

Arrintaas aad iyo aad bay noola xun tahay" ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha diinta iyo Owqaafta Dowladda Jabuuti oo sheegay dhinaca kale in

 

(GNS)Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan ayaa sheegay in dalkiisu aanu ka qeyb geli doonin shir Soomaaliyeed oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna Wasiirku sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu carqaladeynaayo xaa ladaha amaan iyo siyaaso eedalka Soomaaliya.

 

Arrintaas aad iyo aad bay noola xun tahay" ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha diinta iyo Owqaafta Dowladda Jabuuti oo sheegay dhinaca kale in shirkaasi uu yahay qasid la qasayo xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya, isla markaasina ka hor imaanaya axdigii lagu saxiixday dalka Jabuuti ee ay ku dhisan tahay Dowladda KMG ah.

 

Xaamud Cabdi Suldaan Wasiirka arrimaha diinta iyo Owqaafta Dowlada Jabuuti waxa uu sheegay in shirkaasi lagu martiqaaday maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoona sheegay in shirkaasi uu yahay mid aanay waxba ka soo baxeynin, bacdamaa Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedyada ay yihiin kuwo aragtidooda aad u kala fog tahay.

 

Waxa uu sheegay Xaamud Cabdi Suldaan in dowladiisu ay ka mid tahay dowladaha deriska ah ee sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaasina dhowr jeer Soomaalida loogu qabtay shirar dib u heshiisiin, wuxuuna ugu baaqay QM iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan nabadda ka dhacda dalka

Gabilaynews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this