Saalax Posted March 30, 2011 Wafti Uu Hor Kacayo Suldaanka Guud ee Beesha Baligubadle Oo Socdaal Ku tagay Tuuladda Abokor Axmed Iyo Nuxurka Socdaal Ay Dhawaan ku tagi doonaan Dalka Ethiopia (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 30, 2011 Hargeysa (HWN) Wafti uu hogaaminayo suldaanka guud ee beesha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa maanta hore ka baxay Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd. Hargeysa (HWN) Wafti uu hogaaminayo suldaanka guud ee beesha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa maanta hore ka baxay Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd. Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdilaahi Laydh, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi iyo odayaal kale ayaa waxa ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Ethiopia, balse waxa ay gaadheen Tuulada Abokor Axmed oo kaabiga ku haysa Yoocaale. Sulaadiinta iyo wax garadka kale ee ku wehelinayay socdaalkooda ayaa waxa ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen xaaladda nabadgalayo, dhaqaale iyo waliba duruufaha ku xeeran shacabka halkaas degani. Dilkaas oo dhacay bishan badhtankeedii ayaa ahaa mid aad u fool xun oo ay qaar ka mid ah beesha ******** habeenimo ku mireen qoys. Waftigan oo u waramayay wariye Axmed Maxamed Cawaale oo ku sugan Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsan yahay sidii ay meel ugu ogaan lahaayeen cidii ka danbaysay dilkii dhawaan ka dhacay Deegaamada Hawdka, waxaanay xuseen in ay wadahadalo la yeelan doonaan dhinacyada ay khusayso arrintu. Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ka dib dilkii foosha xumaa ay ciidamo dhinacyada ka tirsani isugu mici lisanayaan hawdka iyada oo aanay ilaa hadda la soo sheegin wax dagaal ah oo dhex maray labada dhinac. Gelinkii dambe ee maanta ayay dib ugu soo laabteen Magaaladda Baligubadle, waxaana lagu wadaa in ay maalmaha soo socda u baxaan dhinaca magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo kulamo kula yeelan doonaan madaxda xukuumadda Federaalka dalkaas. Si kastaba ha ahaatee beelaha labada dhinac ee uu dilku dhex maray ayaa iyada oo lagu jiro wakhti abaareed ku kala hayaamay meelihii ay iska soo gaadhi jireen, waxaanay wararku sheegayaan in ay hadda qolo waliba dib ugu durugtay gudaha degsiimooyinkooda. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office Quote Share this post Link to post Share on other sites