Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Buuhoodle elders speak out against the priate state and their tribal chiefs + VIDEO

Recommended Posts

Reer Buuhoodle oo Maanta Cashar aan Horey loo Arag u dhigay Oday dhaqameedyo Ka Yimid Magaalada Goroowe

30/03/11-Buuhoodle-(Bnn) Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ee deegaanka gobalka muranka badani ka taagan yahay ayaa sheegay in maanta gaadiidkii ay wateen qaar kamida Garaadada iyo Oday dhaqameedyo ka yimid Magaalo Madaxda Puntiland ee Garoowe ,laga fara maroojiyey isla markaana lagu yidhi idin soo dhaweyn maynee naga noqda.

sida uu ku waramay Wariye Xagar oo ka tirsan Idaacadda BBC oo warbixintiisii maanta warkii duhur nimo ku sheegay dadka deegaankaasi inay diidmo kala horyimaadeen xubnaha Oday dhaqameedka ka soo kicitimay xarunta maamul gobaleedka Puntland ee Garawe.

wararku waxay intaa ku darayaan dadka deegaankaasi Buuhoodle inay ku andacoonayaan inaysan kala sokeyn Somaliland iyo Punlland isla markaana aysan rabin midkoodna waa sida hadalka loo dhigaye.taas oo aad mooddo inay taageero siinayso Maamulka la baxay SSC ee dagaalka hubaysan kulajira ciidamada qaranka Somaliland,balse ay tahay markii ugu horeysay ee ay maamulka Buuhoodle siyaasad ahaan sheegaan inay si cad uga soo horjeedaan dadka ka soo jeeda Garawe.

Gaadhigii uu lahaa Suldaan Garaase ayey wararku sheegayaan inay dablay hubaysani xoog kaga kaxaysteen Suldaanka oo ahaa madaxa wafdiga Oday dhaqameedka ka soo kicitimay Garawe ilaa iyo haddana ay uu wali gaadhiga Suldaaanku gacanta ugu jiro Dableyda hubaysan ee reer Buuhoodle.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;707280 wrote:

Interesting.

Share this post

Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I was asking you the article titled: Reer Buuhoodle oo Maanta Cashar aan Horey loo Arag u dhigay Oday dhaqameedyo Ka Yimid Magaalada Goroowe

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}.

Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC.

Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah.

Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle.

Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay.

Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood.

Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku.

Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu.

Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay.

http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this