Sign in to follow this  
Saalax

Puntland Elder Garaase's car robbed in Cayn

Recommended Posts

Saalax   

Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}.

 

 

Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC.

Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah.

 

Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle.

Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay.

 

 

Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood.

Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku.

Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu.

Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay.

 

 

http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

"Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood."

Share this post


Link to post
Share on other sites

I see Bribe Money From garowe the Garowe (nugaal) garaads are against the london conference while the Buhoolde Garaads are for the London Conference interesting development there Suldaan sicid and Garaad ibrahim baruud gutaale and Garaad cabdilahi garaad soofe are pro the London conference while Garaad selebaan garaad maxammad and garaad cabdisalaan xassan are against the London conference

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mudaharaad Ka Dhan Ah Isimo Reer Puntland Ah Oo Ka Dhacay Buuhoodle-

Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaaladda Buuhoodle ayaa hadda degan, iyadoo duhurnimadii maanta uuka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen..

bulshadda reer buuhoodle qeybaheeda kala duwani.

Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeeday koox isimo ah oo ka socdatey maamulka Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil kale oo maamulka puntland ka socday.

Inta uusan bilaaban mudaharaadkan waxay shacabka reer buuhoodle ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo gelin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin.

Taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal kale ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo diray Isimaddan ayna ka kamid ahaayeen kuwa ka soo jeeda SSC, iyaga oo wadey qorshe aan la ogeyn uu soo dajiyay maamulka puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this