Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament approves new Sl currency Bill.

Recommended Posts

Mudanayaasha Wakiilada Oo Cod Loo Dhan Yahay Ku Meel-mariyey Lacag Cusub Oo Baanka Somaliland Daabacayo.

 

Hargeysa (Ramaas) March 30,2011- Mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay lacag nooc cusub ah oo baanku soo daabacayo, isla-markaana uu dhawaan baanku ka dalbaday golaha baarlamaanku inay ogolaadan.

 

Fadhigii ee golaha wakiilada oo guddoominayey Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxa ka soo qayb-galay mudanayaal tiradoodu dhan tahay 47 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee aqalkaasi ka kooban yahay.

 

Mudanayaasha wakiiladda oo maalmihi u dambeeyay ka doodayay soo daabicida noodhkan cusub ee baanku soo dalbaday oo ah 5000 iyo 1000 oo isku dhagsan waxa umadda faa’ido ugu jirta iyo waxa ay ka faa’idi karaan ayaa maanta markii golaha la yimid cod loo qaaday iyadda dhammaan xildhibaanadii fadhiyey inay wada ogoladeen.

 

Lacagtan cusub ee loo ogolaaday in baanku soo daabacdo ayaa la filayaa inay wax badan ka badali doonto lacagtoo hore ee Somaliland oo dadku aad uga caban jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiiladda Oo Markii U Horaysay Ansixiyay Lacag Cusub Oo Xukuumaddu Soo DaabacaysoMarch 30th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerka soo daabicidda noodhka lacagta shanta kun iyo kunka shilin ee lacagta shilinka Somaliland.

 

Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madasha fadhiyay 48 Mudane, waxa ogolaaday 47 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

 

Waa markii u horraysay ee Golaha Wakiiladda Somaliland ansixiyaan xeerka soo daabicidda lacagta dalka.

 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Golaha Wakiiladda uga waramayay nidaamka shaqada Baanka iyo lacagta cusub ee la soo daabacayo.

 

Lacagta Somaliland waxay ka koobnayd Konton shilin, Shan Boqol oo shilin iyo Boqol Shilin, Toban Shilin iyo Labaatan shilin.

 

Xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda cusub ee iyo Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maraya heerkii u sareeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this