Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: 3rd Annual Women Conference- UK, Norway Ethiopian reps take part in closing

Recommended Posts

Somalia: 3rd Annual Women Conference Opened in Garowe

29 Mar 29, 2011 - 8:28:53 AM

 

Puntland a semi-autonomous state of Somalia’s president Abdirahman Mohamed (Farole) opened third Somali women Annual conference in Garowe, the capital city of the state on Monday, Radio Garowe reports.

 

Somali women from all regions of the country, Europe, USA, Asia and neighbouring countries attended the conference entitled “Somali Women Peace and Dialogue Conference” to follow decisions they made in their second conference in October last year in Garowe city.

 

Farole said Puntland State always welcomes Somalia’s solution, stability and bringing back Somalis together and praised the positive role of Somali women.

 

He wished to the women attended the conference to achieve a successful conclusion that helps advance the cause of peace and dialogue in war-torn Somalia.

 

Puntland Minister of Women and Family Affairs, Asha Gelle Dirie told Radio Garowe the conference will continue three days and the women will discuss their future, rights and how to take part of restoring peace and stability back to the country.

 

President Farole stated in last year’s conference that Somali women rights have been "abused by the clan system" and suggested for Somali women to form "the women's clan", saying: "The women's clan will be the most powerful clan in Somalia", to the crowd's applause.

 

Puntland state hosted the country's first-ever women conference in Garowe city.

 

Women are the backbone of Somali families for the last two decades. Women are the most targeted victims in the chaos since the country’s government collapsed in 1991..

 

Puntland declared regional autonomy under Federal Somalia in 1998 and has been relatively stable since. The region has a functioning government, with a civil service and elections, and its own security forces.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Haweenka Soomaaliyeed oo lagu wado maanta in lasoo afmeero

5 hours ago | 0 comments 0

 

Shirka balaaran ee Haweenka Soomaaliyeed oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland, ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba gabeeyo.

 

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen wafuud badan oo ka kala timid Caalamka iyo gobalada dalka Soomaaliya ayaa ah mid daba socda Shirkii hore ee sanadkii lasoo dhaafay ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Garowe.

 

Kulankan oo maanta lasoo xiri doono ayaa looga hadlayaa sidii dastuur ama shuruuc iyo qorshe loogu dhisi lahaa ururweyne u dooda Haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku dhaqan yihiin, waxaana lagu wadaa ururkan inuu noqdo mid ka hawlgala dhamaan gobalada iyo deegaanada ay ku dhaqan yihiin Soomaalida geeska Afrika.

 

Kulankan ayaa la filayaa xiritaankiisa inay sidoo kale kasoo qeyb galaan wafuud caalami ah oo shalay soo gaaray magaalada Garowe.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

si rasmi ah uga soconaya magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland iyadoo maanta lagu lafagurayey arimo badan oo quseeya haweenka & doorkooda nabada Soomaaliya ay ka qaadan karaan iyadoo sidoo kalena looga hadlayey samaynta shuruucda & qaab shaqeedka uruweynaha haweenka Soomaaliyeed ee aan xuduuda lahayn.

 

Shirkii maanta oo ay kusoo bireen xubno badan oo haween ah kuwaas oo ka yimid Koonfurta Soomaaliya & Jabuuti ayaa ka sakow xubnaha lagu siyaadiyey waftiga waxaa sidoo kalena shirkii maanta ka qeybgalay wafti sare oo kasocda dawlada Norway oo uu hogaaminayey sarkaal katirsan Wasaarada arimaha dibada ee Norway ayna kamid ahaayeen Safiirka Norway ee Kenya & xubno kale oo kamid ah dawlada Norway kuwaas oo marti u ah dawlada Puntland.

 

Wasiirka Wasaarada Haweenka ee dawlada Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo warbixin siisay waftiga Norway oo ay lasocdeen wasiirada Waxbarashada & Caafimaadka ee dawlada Puntland Iyo u qeybsamaha arimaha siyaasada Puntland ee hay’adda hormarinta qaramada Midoobey ee UNDP ayaa sheegtay in haweenka soomaaliyeed ay maalintii labaad ka shirayaan mustaqbalkooda ayna xal u raadinayaan xaalada cakiran ee soomaaliya iyadoo sheegtay in qodobo ku saabsan xaalka Soomaaliya & doorka haweenka.

 

Caasho Geelle waxay waftiga Norway ka codsatay inay safiiro u noqdaan hirgelinta shirka haweenka Soomaaliyeed,iyadoo sidoo kalena ay xubno katirsan dawlada Norway oo goobta ka hadlay ay sheegeen in ay noqonayaan kuwa ugu horeeya ee taageera go’aamada shirka haweenka Soomaaliyeed.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe, Mar 28 - Waxaa maanta (Isniin) xarunta wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland lagu qabtey Shirweynaha sadexaad ee Wadatashiga Nabadda Haween-weynaha Soomaaliyeed iyadoo ay kasoo qeyb-galeen shirkaasi haween kor u dhaafaya ilaa boqol kana kala yimid dfaha caalamka. Munaasabadda furitaanka waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, Isimo, waxgarad iyo Abwaaniin.

 

Ugu horeyntii waxaa shirkaasi furtey Agaasimaha Guud ee wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Siciido Xuseen Cali waxaana marwo siciido ay sharaxaad ka bixisay ujeeda shirka iyadoo dabadeedna hadalka kusoo dhaweysey Wasiirka hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo halkaasi kasoo jeedisey khudbad dheer oo ka turjumeysa ujeedada shirka macnaha uu xambaarsan yahay shirku iyo sidoo kale waxyaabihii u qabsoomey intii u dhaxaysay kulankan iyo kii horeeyay.

 

Sidoo kale Marwo Caasho Geele Diiriye waxaa kale oo ay sheegtey in shirkii 1-aad ay kasoo qeyb-galeen Haween tiradoodu gaareyso ilaa 130 kuwaasoo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo haween-weynaha Soomaaliyeed waxaana ay sheegtey in shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

1-In baaqyo wada jira ah loo diro xoogagga ku kor dagaalamaya shacabka dhexdiisa oo ay maalin walba ku nafwaayaan biri-ma- geydo aan waxba galabsan isla markaana ay soo gaadho dhibaatooyin kale sida barakaca.

 

2-In 25-ka Octobar oo ku beegneyd maalinta shirweynahii 2-aad ee nabadda la qabtey loona aqoonsado maalinta Nabadda Haweenka Soomaaliyeed sanad walbana laga xuso meel kasta oo Haween Soomaaliyeed joogaan.

 

3- In la dhiso Urur-weyne loo bixiyay Ururka Haweenka aan Xuduudka Laheyn oo faracyo ku yeeshaan dalalka bulshooyinka afsoomaaliga ku hadla daggan yihiin oo haweenkoodu ku midoobeen in ay Urur wada sameystaan.

 

Waxaana sidoo kale marwo Caasho Geele Diiriye ay madashaasi kusoo bandhigtey qoshaha shirka iyo doorka haween-weynaha Soomaaliyeed ee ku aaddan xal-u-helida dalka Soomaaliya oo mudo bubur ku jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-Shirweynihii haweenka Soomaaliyeed oo sadexdii cisho ee lasoo dhaafay si habsami leh uga socday magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa halkaas goordhaweyd ee caawa ah soo afjarmay,waxaana gabagabadii shirkan ka hadlay madax katirsan dawlada Puntland oo uu horkacayey madaxweynaha dawlada Puntland,sidoo kalena waxaa gabagabada shirkan ka qeybgalay Wakiilka Norway ee Soomaaliya,Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya,Qunsulka dawlada Ethiopia ee Garoowe & madax sarsare oo katirsan Qaramada Midoobey kuwaas oo hadalo dhiirigelin ah ka jeediyey kulankan.

 

Wasiirka wasaarada haweenka & hormarinta qoyska dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo ka hadashay gabagabadii shirkan ayaa sheegtay in ay haweenku soo saareen warmurtiyeed ay uga hadlayaan xaalada Soomaaliya islamarkaasna ay doorteen hogaanka kumeel gaar ah oo maamula ururweynaha Haweenka ee aan xuduuda lahayn iyadoo sidoo kalena sheegtay in ay haweenkii shirkan ka qeybgalay ay dorteen wakiiladooda dunida daafaheeda u joogaya.

 

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeybgalay qaarkamid ah madaxdii ka kalasocotay wadamada Caalamka,iyadoo si gaar ahna uu shirkan uga hadlay wakiilka Norway ee Soomaaliya oo sheegey in dawladiisu ay soo dhaweysay shirkan balaaran & dhamaan qodobadii kasoo baxay,sidoo kalena Wakiilka gaarka ah ee dawlada England u qaabilsan ayaa isna dhankiisa taageeray shirkan,waxaana sidoo kale shirka soo dhaweeyey madaxdii ka socotay Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa.

 

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa shirkan si rasmi ah usoo xiray,waxaana uu ku dheeraaday doorka haweenka & kaalintooda qoyska soomaalida ay uga jiraan,isagoo sidoo kalena sheegay in shirkan & go’aamadii kasoo baxayba uu u gudbin doono wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey waxaana uu sheegey in ay rajeynayaan in shirka haweenka la taageero islamarkaasna ay qeyb ka noqdaan ka qeybgalayaasha shirka xal u helida Soomaaliya ee bisha soo socota furmaya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe:Akhri go’aamadii kasoo baxay Shirweynihii haweenka Soomaaliyeed….(Warmurtiyeed).

30. marts 2011

 

APL

 

 

 

 

Garoowe:(Allpuntland)-Shirweynihii haweenka Soomaaliyeed ayaa goordhaweyd oo Caawa ah Garoowe kusoo idlaaday waxaana laga soo saaray Warmurtiyeed ku saabsan xalkada dalka,isagoo u qornaa sidan:-

Go’aamadii kasoo baxay Shirweynihii haweenka 28-30 March.

 

Gabdhaha Soomaaliyeed oo kasoo qeybgalay dabagalkii shirkii labaad ee ka tashiga haweenka ee nabada waxaa kasoo baxay qodobadan hoos ku qoran.

 

1-in lasii laban laabo dadaalada nabada ee ku aadan joojinta colaada ka aloosan Soomaaliya.

 

2-Waxaa la sameeyey yoolkii fogaa,himiladii & ujeedadii uu yeelan lahaa ururka haweenka aan xuduuda lahayn.

 

3-Waxaa la sameeyey gole Kumeelgaar ah ee soo dhamaystira xubnaha rasmiga ah ee uu yeelanayo ururka Haweenka aan xuduuda lahayn oo kala ah:

 

wonderful stuff

Share this post


Link to post
Share on other sites

Chapters..

 

(A)-Faraca Waqooyiga Ameerika

1-Hodan Siciid Ciise

2-Samiiro diini

3-Khadiijo Cali Xaashi

4-Deeqo Carab Ciise

5-aal Qaasim Aadan

 

6-Istanbuul Cabaas

(B)-Faraca Afrika

1-Jabuuti 1-Xildhibaan Caasho Dhabar Geelle 2-Faadumo Muuse

2-Ethiopia 1-Sucaad Axmed Faarax 2-Xamdi Axmed Cabdi

©-Faraca Yurub

1-Faadumo Yaasiin Cismaan Keenadiid 2-Sureer Abshir Muuse (Haamaan)3-Khadiijo Abshir Cali 4-Deeqo Dalmar 5-Farrax Maxamed Xassan 6-Waris Maxamuud

 

(D)-Faraca Australia,Newzealand iyo Bartamaha

1-Khadro Cali Maxamed Kaarshe 2-Dr.Idil Cabdi Jaamac 3-Fartuun Ibraahim

 

(E) Faraca Bartamaha & Koonfurta Soomaaliya

1-Caasho Xaaji Cilmi 2-Ubax Tahliil Warsame 3-Caasho Cumar Geesdiir 4-Madiino Maxamed Warsame 5-Duniyo Maxamed Cali 6-Sahro Cabdille Gorod

 

 

 

(F)-Faraca Somaliland

1-Siciido Ibraahim Ismaaciil 2-Qabuul Nuux Cali 3-Laylo Cismaan Maxamed 4-Roodo Ismaaciil 5-Caasho Cabdi Rooble

 

(G) Faraca Puntland

1-Jamiilo Siciid Muuse 2-Xaawo Aadan Maxamed (Camey) 3-Istanbuul Cabaas 4-Faadumo Cabdi 5-Ardo Siciid Maxamuud 6-Idil Siciid Faarax 7-Khadro Faarah Cigaal 8-Siciido Xusseen Cali 9-Nasro Cabdullahi Irbad

 

4-Waxaa lasameeyey Faracyadii uu yeelan lahaa ururka Haweenka aan Xuduuda lahayn.

 

5-In la taageero Dadaalada kaladuwan ee ay hormuudka u yihiin Haweenka ee taageeraya Nabada & Dib u heshiisiinta.

 

6- in lasameeyo Shabakad u gaar ah ururka oo laga daalacdo dhamaan Howlaha ay wadaan.

 

7-In dawladaha,Maamulada & Deegaanada ay kayimaadeen ergadan haweenka ee shirka kasoo qeybgashay ay taageeraan gacansiiyaan go’aamada shirkan.

 

8-In Shirarka Caalamiga ah ee ku saabsan Nabad kusoo dabaalida Soomaaliya laga qeybgeliyo Haweenka iyagoo lasoo marayo hogaanka Kumeel gaarka ah ee ay doorteen Ergadu.

 

9-In Shirka Danbe laqabto 25-Ogtoobar oo ku aadan maalinta la yigleelay ururka aan Xuduuda lahayn laguna qabto magaalooyinka Hoos ku qoran kii ay kasuurta gasho sida ay ukala horeeyaan.

 

(A)Muqdisho (B) Somaliland © Galmudug

 

ALLAA MAHADLEH

 

Cabdiqani Xayir

Alpuntland

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thank you GD, great stuff.

 

Quick question though, where is Casho Cumar Geesdiir, Gudoomiyaha Haweenka Soomaliyeed?

Why is she MIA?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this