Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Puntland drought update..Livestock traders donate $50,000.0

Recommended Posts

Maxjarka wadaniga ah ee degmada Boosaaso oo dadka abaaraysan ugu deeqay lacag gaaraysa 50,000 oo Dollar

 

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Maxjarka wadaniga ah ee magaalada Bosaaso ayaa maanta lacag gaaraysa 50,000 $ oo dollarka maraykanka ah ugu deeqay guddiga abaaraha Puntland si loogu taageero dadka dhibaataysan.

 

 

"Lacagtan waxaan ugu tala galnay in qayb ka mid ah la gaarsiiyo dadka abaaraysan ee ku nool Puntland "ayuu yiri Liibaan Dheere oo ku hadlayay magaca maxjarka lacagta bixinayay.

 

 

Sidoo kale Liibaan ayaa sheegay in lacagtan qayb ka mid ah lagu hagaajin doono Air-poriga Bosaaso oo u baahan in la dayactiro gaar ahaan qaybaha lagu soo kordhiyay ,isagoo u mahad celiyay dadkii munaasabadda ka soo qayb galay.

 

 

"Waxaa jira qalab ammaanka garoonka lagu sugayo oo aan maamulka ku wareejinay "ayuu hadalkiisa ku daray ,isagoo xusay in gar-gaarada ay sii laba jibaari doonaan mustaqbalka dhow.

 

 

Masuuliyiintii shirka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ,wasiirka duulista hawada iyo garoomada,iyadoo ay goobta joogeen xubno sar-sare oo ka socday maamulka gobolka iyo kan degmada Bosaaaso.

 

 

"In lagu daydo ayey mudan tahay arimaha noocaan oo kale ah ,waayo in laga gudbo waqtigan gacmo shisheeye ayaa loo baahanyahay "ayuu yiri wasiirka qorshaynta Daa'uud Axmed Cumar oo goobta ka hadal dheer ka soo jeediyay.

 

 

Maamulka maxjarka wadaniga ah ee Bosaaso ayaa shirkadaha kale ugu baaqay in kaalmo lixaad leh ay ka gaystaan sidii loo taageeri lahaa dadka dhibaataysan ee ku nool miiga Puntland.

 

 

Ugu danbayntii lacagtan ayaa daba socota lacago hore oo ay ganacsatada ugu deeqeen dadka abaaraysan,waxaana gar-gaarada qayb ka mid ah lagu teegeerayaa xoolaha nool si loogu daweeyo.

 

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

It would be nice to know what the admin is spending on drought relief. After all people pay taxes and those taxes should be used to their benefit. All you hear is that govt has given X region donated food - and that comes from international donors. Zero accountability.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-bixin xaalada guud ee abaarta Puntland oo ka sii daraysa

 

3 hours ago | 0 comments 0

 

Dawladda Puntland ayaa warbixin ka soo saartey abaaraha ka jira deegaanada Puntland, kuwaas oo dad iyo duunyaba saameeyey, warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sida hoose:

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Guddiga Abaaraha heer qaran ee Dowladda Puntland ayaa maanta isugu yimid shir deg deg ah uu ku saabsan xaalada guud ee abaarta ku habsatay dhamaan Gobollada Puntland oo ka sii daraysa iyadoo uu shirkaasi gudoominayay Madaxweyne Dr. C/raxmaan Max’ed Faroole, goob joogna ka ahaa Madaxweyne-kuxigeenka Dowladda Puntland, Gen. C/samad Cali Shire.

 

Guddiga Abaaraha ayaa warbixin dhamaystiran ka siiyay Madaxweynaha Puntland gurmadkii, waxqabadkii iyo qiimeyntii ee ka soo baxay ilaa haatan. Guddiga ayaa tibaaxay dacdarro badan oo ay abuurtay biyo-la’aan caam ah iyo abaar ba’an, iyadoo ay xoolihii le’deen, una bateen wax caato la liicaya iyo wax cudur heleen, meelaha qaarkoodna ay reer guuraagii usoo qaxeen magaalooyinka iyo tuulooyinka.

 

Meelaha dhibaatooyinka abaartu ay aad ugu balaarteen waxaa ka mid ah: 1) deegaamada ku fidsan xeebaha Puntland; 2) dhulka Iyaxda iyo Soolka loo yaqaan (Fiqi-fuliye ilaa Beyla); 3) dhulka Howdka loo yaqaan (Buuhoodle ilaa Eyl); iyo 4) Dooxada Nugaaleed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxqabadkii Dowladda:

 

Dowladda Puntland ayaa dirtay qeylo-dhaan isdaba joog ah tan iyo 1kii Desembar 2010, ka dib markii sahan badan laga sameeyey siday abaartu u saamaysay gobollada kala duwan ee Puntland;

$205,000 USD oo lagu bixiyay biyo-dhaan iyo dayactirka ceelasha;

Dowladda oo qaybisay 800-tan oo raashin ah oo uu deeqay dalka Isutagga Imaaradka Carabta (UAE), taasoo weli socota;

Waxaa la abaabulay culumada, shirkadaha, ganacsatada, iyo qebaha kale ee bulshada si ay uga qayb qaataan kaalmayna iyo gurmadka shacabka ku tabaalaysan abaarta.

Hey’adihii ajiibay baaqii Dowladda waxaa ka mid ah:

 

UNICEF; ICRC; VSF Germany; ADRA; WFP; Shilcon; Horn Relief; Tadamun; iyo Dowladaha Kuwait iyo Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE);

Dowladda Puntland waxay si gaar ah u amaanaysaa hey’adda UNICEF oo si hagar la’aan ah uga qayb qaadatay gurmadka abaaraha.

Waxqabadka biyo-dhaanka wax badan kama badalin xaalada biyo-la’aanta ee ka jirta dalka waxayna la mid noqotay dhibic bad-weyn lagu tuuray (drop in the ocean):

 

Waxaa abuurmay sicir-barar xaga biyo-dhaaminta; iyo

Guud ahaan deeqaha hey’adaha ay la yimaadan oo aad u yar, isla markaana hey’adaha qaarkood lagu tilmaamayo maamul-xumo iyo howlgalkooda oo si kooban u xadidan.

Ugu danbayntii, Dowladda Puntland waxay mar kale ku baaqaysaa in loo baahan yahay gurmad wadareed oo aan loo kala harin, Dowlad iyo Shacab. Waxaan Eebe ka baryaynaa Naxariis, Roob iyo Barwaaqo. Aamin.

 

Xafiiska Madaxweynaha Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga abaaraha ee Puntland ayaa Maanta warsaxaafadeed ka soo saaray

abaarta puntland ka jirta iyo gurmadyada laga agaystay.

 

Warsaxaafadeedkan ay qabteen gudiga abaarha ee Puntland wuxuu ku

saabsanaa xaalada guud ee abaarta puntland oo ka sii daraysa iyo

warbixin dhamaystiran oo ku salaysan qiimaynta iyo Waxqabadkii

gurmadka abaarta ee gudan abaaruhu ay u gudbiyeen Madexweynaha Dawlada Puntland Dr, C/raxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole iyo Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali Shire.

 

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Dawlada Puntland Axmed Cali Askar oo xubin ka ah gudigan ayaa warsaxaafadedkan oo meelo badan taabanaya u akhriyay saxaafada, wuxuuna sheegay gudiga abaaraha ee puntland in uu warbixin dhamaystiran ka siiyay

Madexweynaha iyo Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gurmadkii,

Waxqabadkii iyo qiimayntii abaarta Deegaanada puntland.

 

Wasiirku wuxuu warbixintan ku sheegay in gudigu uu gudbiyay dacdaro

iyo dhibaatoyin farabadan oo ka jira meelaha ay abaarta iyo biyo

la,aantu ka jirto wuxuuna sidoo kale sheegay in ay jiraan xoolo

farabadan oo u dhamaaday abaartan iyo biyo la,aantan jirta awgeed.

 

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan cuduro farabadan oo ka

shashay abaartan wadanka ka jirta taas oo aan ilaa iyo hada si weyn u

saamaysay Xoolaha.

 

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Dawlada

Puntland Axmed Cali Askar wuxuu sheegay in culays farabadani uu ka

jiro meelaha magaalooyinka ah iyo tuulooyin ay biyo wali ka jiraan

kuwaas oo ay ku soo urureen reer miyigii iyo xoolahoodii oo aad u

farabadan kadib biya la,aanta dhacday.

 

Meelaha dhibaatada abaartu ay aad ugu balaaratay waxaa ka mid ah

Deegaanada ku fidsan xeebaha Puntland,Dhulka ayxda ah iyo Soolka oo

loo yaqaano Xubin fuliye ilaa bayla, Dhulka Hawdka loo yaqaano ee

Buuhoodle ilaa Ayl iyo Dooxda Nugaal ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta,

Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Dawlada Puntland Axmed Cali Askar.

 

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Dawladu ay dirtay qaylo dhaan

balaaran oo ku aadan Abaartan saamaysay dadka iyo duunyada in gurmadyo laga gaysto, waana Markii ugu dambaysay ee Gudigu uu Warbixin ka gudbiyo xaalada abaareed ee Deegaanada puntland.

 

Fowsiyo Ismaacil

allidamaale.com

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baugh visited Puntland marine forces base in Garowe, who were distributing water and food aid to the people affected by the pre-longed droughts in the areas under Puntland authority. He congratulated to their humanitarian aid efforts. ...

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this