Ismahaan Posted March 31, 2011 Somalina;707363 wrote: Somalida intaa uun baa ka maqan maanta. Great thread Ismahaan. Thank you. You are most welcome sis laakiin soomaalida awal baa abwaano hore iyo aqoon yahano ka hadleen waxa meeshaas dhigay. Bal gabay gaan yar dhegaayso, waxaa tiriyeey abwaan Tima cade (may Allah bless his soul). skip the first 4 minutes. Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Ooh the kids are so cute, masha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted March 31, 2011 Qaan gaar fidnoobee ilmaha yaan la qabadsiine. Qabyalad iyo imaan la'aan qooqan baay is helaye, kumannan qariban baay dhaleen qorina heegaysan, oo qaaxo (TB) iyo aids qaba qaadka ku ilaawey. Ilaahayow u naxariiso walee run buu ka hadley. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 31, 2011 Laakiin wararku waxay sheegayaa inay qabyaaladaasi isaga laftiisa ku dhacday ,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted March 31, 2011 jb istaaq furulaah boowe, waa dhintey abwaanka iska daa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 31, 2011 Allah ha u naxariisto ,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites