Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garoowe: UK Senior Special Representative to Somalia meets with Sool, Sanaag and Cayn Elders

Recommended Posts

Sarkaal ka socda UK oo la kulmey odayaasha Sool

 

29 Mar 29, 2011 - 12:12:05 PM

 

Matt Baugh oo ah qabsanaha arrimaha Somalia ee dowlada Ingriiska iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta 29.03.2011 booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

 

Wafitagaan ayaa markii ay kasoo dageen gagida diyaardaha Garowe kulan muddo labo saacadood ah socdey la qaatey madaxweynaha Puntand iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada.

 

Wararka kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in labada dhinac wadahadalkooda diirada ku saarayeen arrimaha Somalia gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

 

U qaybsanaha UK arrimaha Somalia ayaa kulankaan kadib booqasho ku tagey xero ay dagan yihiin ciidamada badda ee Puntland kuwaasoo howlo bini'aadnimo ka wada degaano abaar ba'an saameysay.

 

Mr. Matt Baugh ayaa warbixin ka dhageystey sarakiisha hogaamineysa ciidamadaan isaga oo u mahad celiyey howlaha bini'aadnimo oo ay wadaan.

 

Dhinaca kale waftigaan ka socdey dowlada Ingriiska oo isugu jira diplomaasiyiin iyo saraakiil ka socota hay'adahooda amniga ah ayaa kulan casho sharaf ah la qaatey Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenka Cabdisamada Cali Shire. Casho sharaftaan ayaa waxaa goob joog ahaa odayaal dhaqameedyada gobolka Sool iyo Ceyn kuwaasoo hadal ka jeediyey halkaas.

 

Odayaasha ayaa waraaq u dhiibey madaxa waftigaan iyagoo hoosta ka xariiqey in dowlada ingriiska cadaadis ku saarto maamulka Somaliland iney isaga baxaan magaalada Laascaano.

 

Odey dhaqamdeekaan ayaa sheegey in iyagu yihiin kuwa rasmiga ah ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn islamarkaana diidan yihiin in maamulka Somaliland sii joogo magaalada Laascaano.

 

Madax dhaqameedkaan goboladaan ayaa xubnaha waftigaan u sheegey in dowlada Ingriiska fiiro gaar ah siiso tageerada ay maamulka Somaliland u fidiso taasoo ay u isticmaalaan cabaurinta dadka dagan magaalada Laascaano iyo nawaaxigeeda.

 

Odayaasha dhaqanka oo ka qayb galey kulankaan ayaa waxaa kamid ahaa:

 

1- Garaad Saleebaan Garaad Maxamad

2- Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur

3- Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamad

4- Ugaas Farah Maxamad

5- Garaad Maxamud Warsame

6- Boqor Cabdulahi Axamad

 

Dhamaan odayaashaan ayaa fariinta ay gudbinayeen waftiga ka socda dowlada Ingriiska ay ku wajahneyd sidii maamulka Somaliland uga bixi lahaa magaalada Lascaano.

 

Dhinnaca kale u qaybsanaha dowlada Ingriiska arrimaha Somalia "Senior UK "representative to Somalia" oo dhinaciisa hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegey in been aan sal iyo raad toona aheyd in dowladiisu codsatey in cunaqabateyn dhinaca hubka ah laga qaado Somaliland.

 

Matt Baugh ayaa xusey dhinaca kale in dowladiisu tahay midda ugu badan oo bixisa gargaarka bini'aadnimo ee loogu deeqo wadanka Somalia.

 

Kulankan ayaa ugu dambeyntii kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan iyadoo wakiilka dowlada Ingriiska u qaabilsan arrimaha Somalia ka codsadey odayaasha dhaqanka iney soo jeediyaan talo ku wajahan qaabkii loo xalin lahaa khilaafka magaalada Laascaano.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odey dhaqamdeekaan ayaa sheegey in iyagu yihiin kuwa rasmiga ah ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn islamarkaana diidan yihiin in maamulka Somaliland sii joogo magaalada Laascaano.

 

Horta how come reer garowe can't pronounce laascaanood and instead say laascaano?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafuud ka socda UK iyo Norway oo soo gaaray Garowe

 

Wafdi ka socada Wadanka Ingriiska oo ka kooban 5 xubnood kuwasoo uu hagaaminaayey wakiilka dowalda Ingriiska u qaabilsan Soomaliya Mr.Matt Baugh ayaa maanta soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe.

 

Wafdiga Wakiilka UK ee Soomaaliya waxaa kamid ahaa saraakiil ka socota xafiiska siyaasada ee safaarda Ingriiska ee Nairobi iyo xubno ayaguna ka socda laamaha amaanka ee ciidamda.

 

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaardaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay xubno ka socda xukuumda Puntland, wafdigan markii ay soogareen xarunta Madaxtooyada waxay halkaa kula kulmeen Madxaweynaha Puntland Dr.C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Xubno kamid ah golihiisa Wasiirada.

 

Wafdigaan ayaa maalmo ku sugnaan doona magaalada Garowe, waxayna maanta kulan aalbaabadu u xiran yihiin la yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Puntland.

 

Waxaa kulankaas kadib saxaafada warbixin kasiiya waxyaabihii laga wada hadlay, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa oo sheegay in laga wadahadlay sidii Puntland iyo Ingriiska uu u dhexmari lahaa Isakaashi labada dhinac ah.

 

Qodobada labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa, Abaaraha ka taagan Puntland sidii ay dowlda Ingriiska ay gacan uga gaysan lahayd iyo Xiriirka Puntland & Somaliland iyo Xaalada ay Soomaaliya hada ku jirto.

 

Waxaa Kaloo kulankaa looga hadlay qorshaha Xafiiska Siyaasada ee UN-ka ee Soomaaliya shirka uu abaabulayo oo la isugu keeni doono Qaybaha siyaasada Soomaliya ku loolamaya.

 

Wasiirka ayaa Intaa raaciyey in labada dhinac waxyaabihii ay ka hadleen ay dhamaan isku afgarteen iyadoo uu wafdiga uu kormeeray magaalda Garoowe hawlaha biyaha dhaaminta ee ka socda Puntland.

 

Ugu danbayntii ayaa Cabdi Faarax Juxa uu sheegay in wafdigaan ka socda dowlada Ingiriiska ay la kulmi doonaan Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda gobalada Sool iyo Cayn inta ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe.

 

Sidoo kale waxaa isla maanta soo gaaraya magaalda Garoowe Wafdi kale oo ka socda wadanka Norway, kuwasoo booqday Xarunta Wasaarda haweenka oo kulanka haweenka Soomaaliyeed uu ka socday iyadoo wafdigaan la sheegay in ay booqan doonaan xarumo badan oo ku yaala magaalda Garoowe.

 

Wafiga Norway ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha lagu maalgaliyo Mashaariicda ay bixiso dowlada Norway.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe-puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this