Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:borama road constructions in full gear + PICS

Recommended Posts

Kulan Maanta Dhex Maray Dadwaynaha Borama Iyo Maamulka Dawlada Hoose Oo Lagu Gaadhay in Wadooyin Badan Oo Laamiya La dhisto+SAWIRO

21/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa Maanta Magaalada Borama Ka dhacay Kulan Balaadhan oo ay iskugu yimaadeen Bulshada Rayidka ah iyo Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Mas'uuliyiin ka socotay.

 

Kulankan ayaa waxaa soo agaasimay Maamulka Dawlada Hoose Ee Borama, waxaana ay uga gol lahaayeen in ay u soo bandhigaan Dadwaynaha Waxqabadkii gaabnaa ee ay dhawaan ku talaabsadeen Maamulka Dawlada Hoose Iyo shacabwaynaha Xaafada Sheekh Cali Jawhar Ee iskaashiga wax ku oolka ah la sameeyay.

 

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Duqa Borama, Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Iyo Xoghaya Dawlada Hoose Ee Borama waxa ayna ka dhawaajiyeen in sanadkani yahay Sanadkii wax wada Qabsiga Bulshada iyo Dawlada, Si loo gaadho Magaalooyin Bilic leh, Xaafadaha kale Ee Magaaladana waxa ay ka codsadeen in ay ku daydaan Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo kale.

 

Waxa ayna ugu danbayn sheegeen in wadayoonkan Samaysmay in dadwaynaha looga baahan yahay in ay ilaashaadaan, kuwa kale ee Soo socdana ka qayqaataan dhismahooda .

 

Si kastaba ha ahaatee Kulankan ayaa ugu danbayn waxa uu ku dhamaaday Jawi Farxada isaga oo Maayorka Borama C/raxmaan Shide Bile Halkii kaga dhawaaqay Qaadhaan ururin uu ku sheegay in wax lagaga qabanayo Xarunta Dhexe Ee Hanuunita iyo Wacyigalinta, waxaana halkaas mar qudha Soo buux dhaafiyay dadwayne Fara badan, oo nin walba wixii uu hayay Dhigay Miiskii ay fadhiyeen Mas'uuliyiintu, tanina waxa ay makhraati madoon u tahay Sida ay bulshadu ugu heelan tahay in ay wax qabsadaan."

 

Dadwaynaha_Borama_9.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_8.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_7.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_6.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_5.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_4.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_3.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_2.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_1.jpg

 

Dadwaynaha_Borama_10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this