Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:borama road constructions in full gear + PICS

Recommended Posts

Magaalada Borama oo laga hirgalinayo Wado labaad oo Laamiya iyo Cida ku hawlan dhismaheeda+SAWIRO

 

29/03/11-Borama-(Bnn) Sida aan la wada socona Maayorka Borama C/raxmaan Shide Bile ayaa waxa uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee wado laamiya ka hirgaliya Magaalada Borama wadooyinka ugu waawayn mid ka mid ah, mudo iminka laga joogo shan sano Ka hor.

 

 

 

Wado_Laamiya_Borama_1.jpg

 

 

 

Taasi waxa ay dhalisay in Qof walba dareemay faa’idada ay leedahay wado laamiya, waxaana ku xigay Ururka ASARDA oo run ahaantii hir galiyay wado laamiya oo dhererkeedu yahay 3 KM, wadadaas oo ka baxday Magaalada una socota Magaalada Dilla, wadadaas oo ahayd Sidii uu Illaahy u goglay Mudo aan la qiyaasi Karin inta sanno ee ay ahayd.

 

 

Wado_Laamiya_Borama_2.jpg

 

Hadaba aan u soo noqono wadadan labaad ee Laamiga ah ee laga hirgalinayo Magaalada oo iminka gacan ku haynteedu socoto, ayaa Qayb ka mid ah waxaa si gaar ah u dhisaya Dawlada Hoose ee uu gadhawdeenka ka yahay Maayork Degmada Borama ee Da’da Yar C/raxmaan Shide Bile, Qayb ka mid ah wadadan ayaa sidoo kale waxaa dhismaheeda iska kaashanaya Dawlada Hoose iyo dadka ku nool Xaafad waynta Sheekh Cali Jawhar , kaas oo gadhawadeen ka yahay Sheekh Cali Dheer oo ah Khadiibka Masjidka wayn ee Jaamucu taqwa.

 

Wado_Laamiya_Borama_3.jpg

 

 

Si kastaba ha ahaatee wadadan ayaa dhererkeeda lagu qiyaasi karaa 2KM, hadii ay wadadani hir gasho waxaa ay noqonaysaa wadadii ugu dheerayd ee laamiya ee dhex marta Magaalada iyada oo tii hore ay ahayd 1Km iyo Badh, waxa ayna magaalada Ku soo kordhin doontaa Bilic iyo Ku dayasho ay ku daydaan Xaafadaha kale in ay la yimaadaan Agabka uu ka mika yahay gaamurku inta kalena ay Dawlada Hoose ugu darayso.

 

 

Wado_Laamiya_Borama_4.jpg

 

Wado_Laamiya_Borama_5.jpg

 

Reporter:Khadar Maxamed Ibraahim(SAFAR)

 

Borama/Office/Somaliland

 

boramanews@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part two road constructions borama city

 

Daawo Shaqada Ka Socota Wado Laamiya Oo Ku dhex Wareegi Doonta Magaalada Borama+SAWIRO

 

19/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa Maanta La soo gabo gabeeyay Wado Laamiya oo Dhererkeedu Dhan Yahay 2Km Iyo Badh oo Ku wareegaysa Magaalada Borama, taas oo ay in dhawaalaba shaqo xoogi ka socotay.

 

Hadaba Goobtii ay shaqadu ka socotay ayaa waxa aan kula kulanay , Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Dawalada Hoose, oo uu ka mid yahay Maayor ku xigeenka Degmada Borama, Mu'min Gadiid, Xoghaya Dawlada Hoose Ee Borama, C/kariim, Xildhibaan Dhayfidh, Axmed Mu',min Seed Oo ka socday Xisbiga Mucaaradka Ucid, iyo dadwayne Aad U tira badan.

 

Mas'uuliyiintan ayaa gabi ahaantood waxa ay si gaar ah ugu mahadnaqeen Maayorka Borama iyo Dawlada Hoose, waxa ayna sheegeen in Maayor C/raxmaan Uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay Ee wado laamiya Dhiga Magaalada Borama, taas oo ay sheegeen in ay maanta Midhaheedii hadhsanayaan, kol hadii ay bulshadu dareentay Baahida loo qabo in la helo wadooyin Laamiya si looga baxo Rafka iyo Yiqda ay dad badani ka qaadeen Kaliyo Xanuun.

 

Sidoo kale waxa ay Mahadnaq hawada U mariyeen Bulshada ku Nool Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo ay sheegeen in ay u noqotay Tusaale lagu dayan karo, iskaashiga dhabta ah ee Ay la samaysay Dawlada Hoose, waxa ayna xaafadaha kale ugu baaqeen in ay ku daydaan Bulsho waynta Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo ay sheegeen in ay Record aan horey loo arag dhigay.

 

Dhanka kale waxa ay Mas'uulitiintani baaq u direen Qurba jooga ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal oo ay sheegeen in looga baaahan yahay Waxqabad dhab ah taas oo ay sheegeen in dadka Guduhu ayna u baahnayn Hadal ee Ay u baahan yihiin Waxqabad, ayna soo dhawaynayaan cidii wax kala qabanaysa dadaalada horumarineed ee ka socda Gudaha, iyaga oo hadalkoodii ku soo gabo gabeeyay in Tareenka Reer Awdal/Salal Waa uu dhaqaaqay ee dhinaca soo qabso.

 

Si kastaba ha ahaatee wadadan ayaa noqonaysa wadadii ugu dheerayd ee Isku xidhaysa, Xaafadaha Sheekh Makaahiil, Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Axmed Salaan, taas oo dhererkeeda lagu qiyaaso 2 Km Iyo Badh, waxa ayna Magaalada Ku soo kordhinaysaa Bilic iyo Wanaag, tanina waxa ay tusaale cad u tahay in ay dadwaynuhu iskood wax u qabsanayaan iyaga oo aan waxba ka sugin Dawlad, Iyo Hay'ad toona, ay wax qabsan karaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^LoooooL...I guess you have 'adopted' a uncle as well.

 

I don't understand this ritual of Somali 'leaders' coming to every little gathering?

 

"Illaahy u goglay" somehow this sounded funny.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ here from the article:

 

Wado Laamiya oo Dhererkeedu Dhan Yahay
2Km Iyo Badh
oo Ku wareegaysa Magaalada Borama

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

General Duke;713354 wrote:
Wonderful stuff, not sure how the secessionist can lay claim to a local venture.

Completely true, I've noticed that you dont see the secessionist flag anywhere, unlike the Hargeysa-Burco-Bebera triangle where it's everywhere. However in Awdal it's different! I have seen Siilaanyo and his staff open bridges and terminals in the triangle. Where are they now?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this