Xaaji Xunjuf Posted March 29, 2011 Magaalada Borama oo laga hirgalinayo Wado labaad oo Laamiya iyo Cida ku hawlan dhismaheeda+SAWIRO 29/03/11-Borama-(Bnn) Sida aan la wada socona Maayorka Borama C/raxmaan Shide Bile ayaa waxa uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee wado laamiya ka hirgaliya Magaalada Borama wadooyinka ugu waawayn mid ka mid ah, mudo iminka laga joogo shan sano Ka hor. Taasi waxa ay dhalisay in Qof walba dareemay faa’idada ay leedahay wado laamiya, waxaana ku xigay Ururka ASARDA oo run ahaantii hir galiyay wado laamiya oo dhererkeedu yahay 3 KM, wadadaas oo ka baxday Magaalada una socota Magaalada Dilla, wadadaas oo ahayd Sidii uu Illaahy u goglay Mudo aan la qiyaasi Karin inta sanno ee ay ahayd. Hadaba aan u soo noqono wadadan labaad ee Laamiga ah ee laga hirgalinayo Magaalada oo iminka gacan ku haynteedu socoto, ayaa Qayb ka mid ah waxaa si gaar ah u dhisaya Dawlada Hoose ee uu gadhawdeenka ka yahay Maayork Degmada Borama ee Da’da Yar C/raxmaan Shide Bile, Qayb ka mid ah wadadan ayaa sidoo kale waxaa dhismaheeda iska kaashanaya Dawlada Hoose iyo dadka ku nool Xaafad waynta Sheekh Cali Jawhar , kaas oo gadhawadeen ka yahay Sheekh Cali Dheer oo ah Khadiibka Masjidka wayn ee Jaamucu taqwa. Si kastaba ha ahaatee wadadan ayaa dhererkeeda lagu qiyaasi karaa 2KM, hadii ay wadadani hir gasho waxaa ay noqonaysaa wadadii ugu dheerayd ee laamiya ee dhex marta Magaalada iyada oo tii hore ay ahayd 1Km iyo Badh, waxa ayna magaalada Ku soo kordhin doontaa Bilic iyo Ku dayasho ay ku daydaan Xaafadaha kale in ay la yimaadaan Agabka uu ka mika yahay gaamurku inta kalena ay Dawlada Hoose ugu darayso. Reporter:Khadar Maxamed Ibraahim(SAFAR) Borama/Office/Somaliland boramanews@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 29, 2011 Now that is reer Awdal for you ..................... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 30, 2011 Awesome, Awesomer, and Awesomest! (Is that even a word?) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 16, 2011 Part two road constructions xaafada Sh cali jawhar pictures <img src="http://lughaya.com/wp-content/uploads/2011/04/p1870574.JPG[/img http://lughaya.com/wp-content/uploads/2011/04/p1870575.JPG" alt="" />] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 17, 2011 Kuwii colaadda durbaanada u tumayay baa ka naxaya ,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 20, 2011 Part two road constructions borama city Daawo Shaqada Ka Socota Wado Laamiya Oo Ku dhex Wareegi Doonta Magaalada Borama+SAWIRO 19/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa Maanta La soo gabo gabeeyay Wado Laamiya oo Dhererkeedu Dhan Yahay 2Km Iyo Badh oo Ku wareegaysa Magaalada Borama, taas oo ay in dhawaalaba shaqo xoogi ka socotay. Hadaba Goobtii ay shaqadu ka socotay ayaa waxa aan kula kulanay , Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Dawalada Hoose, oo uu ka mid yahay Maayor ku xigeenka Degmada Borama, Mu'min Gadiid, Xoghaya Dawlada Hoose Ee Borama, C/kariim, Xildhibaan Dhayfidh, Axmed Mu',min Seed Oo ka socday Xisbiga Mucaaradka Ucid, iyo dadwayne Aad U tira badan. Mas'uuliyiintan ayaa gabi ahaantood waxa ay si gaar ah ugu mahadnaqeen Maayorka Borama iyo Dawlada Hoose, waxa ayna sheegeen in Maayor C/raxmaan Uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay Ee wado laamiya Dhiga Magaalada Borama, taas oo ay sheegeen in ay maanta Midhaheedii hadhsanayaan, kol hadii ay bulshadu dareentay Baahida loo qabo in la helo wadooyin Laamiya si looga baxo Rafka iyo Yiqda ay dad badani ka qaadeen Kaliyo Xanuun. Sidoo kale waxa ay Mahadnaq hawada U mariyeen Bulshada ku Nool Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo ay sheegeen in ay u noqotay Tusaale lagu dayan karo, iskaashiga dhabta ah ee Ay la samaysay Dawlada Hoose, waxa ayna xaafadaha kale ugu baaqeen in ay ku daydaan Bulsho waynta Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo ay sheegeen in ay Record aan horey loo arag dhigay. Dhanka kale waxa ay Mas'uulitiintani baaq u direen Qurba jooga ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal oo ay sheegeen in looga baaahan yahay Waxqabad dhab ah taas oo ay sheegeen in dadka Guduhu ayna u baahnayn Hadal ee Ay u baahan yihiin Waxqabad, ayna soo dhawaynayaan cidii wax kala qabanaysa dadaalada horumarineed ee ka socda Gudaha, iyaga oo hadalkoodii ku soo gabo gabeeyay in Tareenka Reer Awdal/Salal Waa uu dhaqaaqay ee dhinaca soo qabso. Si kastaba ha ahaatee wadadan ayaa noqonaysa wadadii ugu dheerayd ee Isku xidhaysa, Xaafadaha Sheekh Makaahiil, Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Axmed Salaan, taas oo dhererkeeda lagu qiyaaso 2 Km Iyo Badh, waxa ayna Magaalada Ku soo kordhinaysaa Bilic iyo Wanaag, tanina waxa ay tusaale cad u tahay in ay dadwaynuhu iskood wax u qabsanayaan iyaga oo aan waxba ka sugin Dawlad, Iyo Hay'ad toona, ay wax qabsan karaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 20, 2011 Where is Africaown? Well done Boorame. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 20, 2011 ^LoooooL...I guess you have 'adopted' a uncle as well. I don't understand this ritual of Somali 'leaders' coming to every little gathering? "Illaahy u goglay" somehow this sounded funny. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted April 20, 2011 ^^^ here from the article: Wado Laamiya oo Dhererkeedu Dhan Yahay 2Km Iyo Badh oo Ku wareegaysa Magaalada Borama Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 20, 2011 Wonderful stuff, not sure how the secessionist can lay claim to a local venture. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 20, 2011 Nuune.....labo iyo bar KM, Borama ma tuulaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted April 20, 2011 General Duke;713354 wrote: Wonderful stuff, not sure how the secessionist can lay claim to a local venture. Completely true, I've noticed that you dont see the secessionist flag anywhere, unlike the Hargeysa-Burco-Bebera triangle where it's everywhere. However in Awdal it's different! I have seen Siilaanyo and his staff open bridges and terminals in the triangle. Where are they now? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 20, 2011 ^^^Indeed, the SNM militia spokesperson in SOL would have us belive they control these regions. They do not. Well done to the locals again. Quote Share this post Link to post Share on other sites