Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Foreign Minister with cabinet delegates visit the United Kingdom

Recommended Posts

Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Dalka Ingiriiska.

 

 

Wasiirka Arimaha dibada oo war baahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha ee Hargaysa ayaa sheegay...

 

Hargaysa(GNS):-Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo ka kooban saddex xubnood ayaa manta socdaal shaqo ugu kicitaimay dalka Ingiriiska.

 

Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi , wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale.

 

 

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo war baahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha ee Hargaysa ayaa sheegay inay safar ugu baxayaan dalka Ingiriiska kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen xukuumada dalka Igiriiska.

 

Waxaa kale oo uu wasiirka arimaha dibadu intaasi raaciyay inay la kulmayaan xubno ka tirsan dawlada Ingiriiska iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska,waxaana uu ku tilmaamay booqashadani mid ka turjumaysa isku soo dhawaan shaha iyo sii xoojinta xidhiidhka labda dal ee Ingiriiska iyo Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

HARGEISA — Foreign Minister Mohamed Abdullahi Omar left for London on Tuesday for development, security and investment talks with the British government and investors.

Dr. Hussein Abdi Duale, Minister of Mining and Water Resources, Mr. Mohamoud Hashi Abdi, Minister of Aviation and Dr. Omar will sit down with officials from the British Foreign & Commonwealth Office (FCO) on Thursday in London.

 

The discussion between the two sides will focus on issues such as security, stability, development, a devastating drought ravaging the region and investment according to official sources close to the government in Hargeisa.

The Somaliland government received an invitation from FCO to take part in a two-day trade and commerce conference that will be held in London this week. The conference is expected to draw British investors from both the public and private sector and will boost bilateral economic collaboration between the two nations.

 

This visit is part of an on-going efforts to build a closer working relationship between Somaliland and UK. It was three weeks ago when President Ahmed Silanyo received a British delegation consisting of Ambassador Norman Ling, British embassy in Addis Ababa, Tim Hitchens, Director for Africa at the British Foreign and Commonwealth Office and Matt Woods, Deputy Secretary of the British embassy in Ethiopia. A week before that, Somaliland warmly welcomed six British investors for fact-finding mission and key talks with government officials (See British Investors Arrive in Somaliland).

The delegation will stopover in the Ethiopian capital, Addis Ababa, to hold talks with key officials before they fly to UK. The unannounced trip comes days after official sources said President Ahmed Silanyo was due to fly to Washington next week to hold informal talks with U.S. officials on key issues. They added, he is expected to stopover in Addis Ababa to sign a crucial trade agreement that involves the port of Berbera with the government of Ethiopia and a Chinese firm. Dr. Omar recently returned back from Beijing but some citizens say a dark cloud of secrecy surrounds that trip since he did not reveal any information.

Britain is home to a large Somaliland Diaspora community that dates back to when Somaliland was a British Protectorate in the 19th century. The government of UK will provide $110 million in aids for Somaliland while helping to boost its security by funding its police, coastguards and other key security projects. They are also assisting Somaliland in seaport and airport securities.

SomalilandPress|30 March 29, 2011

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkan Waxaanu Maalgashadayaasha Ugu Soo Bandhigi Doonaa Ilaha Dhaqaale Iyo Khayraadka S/land”

Wasiirka Khaarajiga Dr. Max’ed C/laahi

 

Hargeysa, March 30, 2011 (Haatuf) – Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka hadlay shir uu ay isaga iyo wasiirada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi, macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale ay kaga qayb galayaa dalka Britain, kaas oo uu sheegay inay kooxo maalgashadayaal Ingiriis ah ugu soo bandhigi doonaan ilaha dhaqaale iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

 

Maxamed C/laahi ayaa waxa kale oo uu ka hadlay socdaalkii uu dhawaan dalka ku yimid ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Mihaga, kaas oo uu sheegay inuu xukuumadda kala hadlay arimaha amniga, waxa kale oo uu soo qaaday dhibaatooyinka ka taagan dalka Somalia.

 

Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale waxa uu soo qaaday oo uu ka hadlay kacdoonada ka socda dalka Yemen, kuwaas oo uu sheegay inay saamayn ku yeelan karaan Somaliland, waxaanu ugu baaqay dhinacyada isku haya Yemen inay wada hadal arintooda ku dhamaystaan.

 

Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab u waramayey idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ku hadasha, ugu horayna isaga oo ka hadlaya ujeedada safarkaas waxa uu yidhi “Safarkan aanu aniga iyo labada wasiir ee kale ugu kicitimayno Ingiriiska waxa uu ku yimid marti qaad rasmiya oo aanu ka halnay dawlada Britain, waxaananu ka qayb galaynaa shirar lagaga hadlayo dhinacyada kobcin dhaqaalaha iyo maalgashiga, kaas oo xukuumada Ingiriisku soo abaabushay, lana kaashanayso dawlada Somaliland”.

 

Waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya dhinacyada ay kula kulmi doonaan Ingiriiska “Shirkanina waa shir laba geesood ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Britain, kaas oo ay ka soo qayb gali doonaan dad faro badan Ingiriis iyo wadamo kaleba ka socda oo danaynaya inay maalgashadaan Somaliland. Shirkan waxa aanu ku soo bandhigi doonaa ilahaa dhaqaale iyo khayraadka dabiiciga ah Alle dalkeena ku manaystay, kaas oo aanu u soo bandhigi doono maalgashadayaashaas, arimaha aanu aadka u danaynayno ee aanu shirkaas ku soo qaadi doono waxa ka mid ah, wax soo saarka khayraadka dalka haday tahay beeraha, macdanta, xoolahaba iyo khayraadka badda ee Somaliland leedahay”.

 

Mar wax laga waydiiyey wararka sheegaya in Mihaga uu Somaliland u yimid sidii uu ugu marti qaadi lahaa shir kooxaha Somalida uga furmaya Nairobi, waxa uu yidhi “Ambassador Mihaga oo ah wakiilka xogyaha guud ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somalia booqashadii uu dalka dhawaan ku yimid waxay salka ku haysay socdaaladiisii caadiga ahaa ee hawlihiisa la xidhiidhayey, marka arintaasi waxay salka ku haysay wada shaqayntii Somaliland iyo qaramada midoobay ka dhaxeeyey”.

 

Mar uu ka hadlaya aniga mandaqada, waxa uu yidhi “Arinta ku saabsan amniga mandaqada iyo sidii dawlad loogu samayn lahaa Somalia, Somaliland waxay taas ka leedahay mawqif dunidu taqaano oo macruuf ah, Somaliland waxay inta badan ka qayb gashaa shirar wada tashi ee dunidu kaga hadlayso amniga mandaqada iyo caalamkaba, hase hada waxa dhamaada wakhtigii sharciga ahaa dawladda Somaliland, Ambassador Mihagana waxa uu ka shaqaynayaa wixii badali lahaa ee lagu badali lahaa dawladaas, arintaasina waa arin siyaasiyiinta iyo odayaasha Somalia u gaar ah, maaha arin Somaliland khusaysa”.

 

Wasiirka khaarajiga mar wax laga waydiiyey kacaanada ka socda dalka Yemem iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan,waxa uu yidhi “Kacdoonka Yemen ka socdaa waxa uu la mid yahay kacdoonada ka socda wadamada carabta, laakiin maadaama oo uu dalka Yemen yahay dal aanu jaar nahay oo dano badani naga dhaxeeyeen dabcan warar wayn ayey nagu hayaan arimaha halkaas ka socdaa, Xukuumadda iyo shacbiga Yemen waxa aanu ugu baaqaynaa inay si taxadir leh ay u maamulaan oo ay arimahooda dhamaystaan, arintaasina waa arin saamayn ku yeelan karta dalal ay Somaliland ka mid tahay, markaa xukuumad ahaan waxaanu rajaynaynaa inay arintaasi si nabad galyo ah u dhamaato”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirweynihii Ugu Caalamisanaa Ee Maalgashi Loogu Samaynaayo Somaliland Oo Ka Dhacay London+Sawiro (London-HNW)

 

Waxaa maanta ka dhacay caasimadda waddanka Ingiriiska ee London kulan taariikhi ah oo aan hore u dhex marin xukuumadda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska. Kulankan ayaa wuxuu dhexmaray Waftigii seddexda wasiir ee ka socday xukuumadda Somaliland iyo laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agasimayaal, sherkado ganacsi, maal qabeeno iyo dadkaloo caan ah. Shirkan ayaa ka dhacay Huteelka wayn ee Marriot oo ku dhaw xarunta looga arrimoyo barlamaanka dawladda Ingiriiska ee magaalada London.

 

Shir waynahan oo ay soo qaban qabaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda boqortooyada Ingiriisku waxaa ka soo qaybgalay xagga dawladda Britain laba wasiir oo ka tirsan xukkuamdda dawladda Ingiriiska iyo waftigii seddex wasiir ahaa ee ka socday dawladda Somaliland ku waas oo u hogaaminayay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland. Shirkan oo si ballaadhan ay dawladda Ingiriisku ammaankiisa u ilaalinaysay una agaasintay, waxay ahayeen masuuliyiinta dawladda Ingiriiska ka socday ee shirka u matalaayay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, Iyo Wasiir ka socday wasaardda arrimaha mucaawinada dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID), Mr. Stephen O´Brien, Agaasinaka Wasarradda Arrimaga Dibadda ee Ingiriiska ee Afrika, Jonathan Allen, Agaasinaka Bariga iyo Badhtamaha Afriak ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Marwo Sarah Tiffin, safiirro, maalqabeenno, iyo masuuliyiin tiro badan oo ka socday xukuumadda Ingiriiska.

 

Dhinaca Somaliland waxay kala ahayeen masuuliyintii shirkan caalamiga ah uga qaybgalay waftigii seddexda wasiir ee Somaliland oo kala ah Wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo biyaha, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire. Waxaa kaloo goobta ku sugnaa Maxamed Yusuf oo ah ganacsade u dhashay Somaliland oo deggan Britain, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Axmed Cumar Sangoore iyo waskiilaka Rugta Ganacsiga ee Somaliland ee UK, Abdikarin Cabdi Aadan.

Parliamentary Under-Secretary of State for International Development - Stephen O'Brien MP

 

 

Waxaa ugu horayn kulanka khudbad dheer oo nuxurkeedu taabanaayay xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland shirka ka soo jeediyay wasiir khaarijiga Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, oo si qoto dheer uga waramay baahida Somaliland u qabto maalgashi dhaqaale oo wayn si loo sameeyo fursado shaqooyin loogu abuuri karo dhallinyaradda Somaliland, laguna adkeeyo guulaha shacabka Somaliland ka soo hooyeen dhinacyada nabadgalayadda iyo dimuqraadiyadaba. Wuxuu ku ammaanay dawladda Ingiriiska taagerada dhaqaale ee ay u kordhisay Somaliland iyo wadashaqaynta tooska ah ee ay Britain markasta la garab taagan tahay shacabka nabada jecel ee Somaliland. Waxaa kaloo isna madasha hadal dheer ka jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, oo isaguna faah-faahin ka bixiyay xaaladda horumarineed iyo baahida xagga gargaarka ee Somaliland ay u baahantahay. Wuxuu wasiirku aad uga hadlay saxadda maalgashiga ee Somaliland iyo shuruucda iyo siyaassadda xukuumadda ee ku wajahan sidii maalgashi dibadeed loogu heli lahaa Somaliland, isagoo tilmaamay in shirkadaha caalamku ay gacan fiican ka heli doonaan dawladda Somaliland.

Wasiirka Qoryashanta Qaranka. Dr. Sacad Cali Shire, Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Biyayaha Somaliland Eng: Xuseen Cabdi Ducaale Oo Sharxaaya Maalgashiga Somaliland

 

 

Waxaa isaguna ka hadlay shir waynaha wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale. Waxanu wasiirku si waafiya oo qoto dheer uga warbixiyay khayraadka dabiiciga ah ee illaahay ku manaystay Somaliland. Wuxuu wasiirku si ballaadhan uga hadlay khayraadka ay ka midka yihiin batroolka, gaaska iyo macadanaha laga helo dhulka hoostiisa oo u sheegay inay Somaliland ka buxaan. Waxaa kale oo u ka hadlay siyaasadda iyo sharciga ay Somaliland u marayso ka midhodhalinta soo saarka kharaadkaas iyo nidaamka dalku u marayo heshiisyada shirkada adduunka. Khudbadii wasiirada kadib waxaa isagu hadalka u baxay wasiirka wasaardda arimaha dibadda ee Ingiririska u qaabilsan Afrika, Mr. Henry Bellingham, wuxuuna sheegay siday dawladda Ingiriisku ula dhacsantahay horumarka iyo dimuquraadiyadda ka hanaqaaday Somaliland, yadoo ay wax kasta hoosta ka soo bilabeen, taas oo u ku tilmaamay mid tusaale u ah Somaalida kale iyo Afrikaba.

Maalqabeenada Iyo Wasiirada Ka Socda Dawladda Ingiriiska ee Shirka Ka Qaybgalaayay Oo Si Muqaala Au U Tusayaan Wasiirada Somaliland Qaabka Sahlan Ee Loo Maalgashan Karo Somaliland

 

 

Waxaa kaloo ka hadlay shirka Wasiir ka tirsana Wasaaradda Mucaawinada Dibadda iyo Iskaashiga ee Ingiriiska, Mudane Stephen O´Brien, wuxuuna ka waramay siday u laban laabeen deeqda ay siiso dawladda Ingiriisku Somaliland, taas oo ay uga danlahayeen in la dhiiri galiyo wax qabsiga iyo dawlad wanaaga ka hirgalay Somaliland, isla markaana ay Somaliland awoodo inay maal gashadaan sherkadaha iyo maal qabeenada waddanka Britain. Inta ka dib waxaa madasha ka dhacay doodo iyo iswaydaarsi wadatashiyo wasiiradda labada dawladood ee Somaliland iyo Ingirriska dhexmaray, waxayna ka hadleen sida ugu haboon ee Somaliland loo maal galin karo, iyo shuruucda loo maraayo. Arrintan ayaa ah talabadii ugu horeysay ee ay Somaliland u qaado xagga maalgashiga shisheeye, waxayse waxkasta ku xidhnaan donaan siday uga faa´ideysato dawladda Somaliland ee u hoggaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

 

 

Waftiga wasirada ee ka socday Xukuumadda Somaliland ayaa lagu wadaa inay bari sii wadaan kulamada ay la leyihiin dawladda Ingiriiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SL community in the UK is very active in putting pressure on MP's to support SL and it's representatives. We the next generation should inshallah take the dream to the finishing line and bring to an end what our fathers started.

Share this post


Link to post
Share on other sites

London: Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Oo Ka Waramay Shir Lagaga Hadlay Sidii Dalka Loo Maal-gashan Lahaa, Sheegayna Inay Xabsiyadda Dhigeen Dad Si Sharci Daro Macdan U Guranayey.

 

London (Ramaas) Apr.03, 2011 - Wasiirka Wasaaradda Macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka waramay ujeedada shir-balaadhan oo lagu falanqeeyay sidii maal-gashadayaasha caalamiga ah iyo kuwo Soomalida ahi u maal-gashan lahaayeen Somaliland, kaas dhawaan lagu qabtay Magaaladda Lodon.

 

Md.Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu sheegay in shirkaasi si wayn looga lafa-guray sida ugu haboon ee Somaliland loo maal-gashan karo, maadaama oo ay wakhtigan ka jirto nabadgalyo iyo xasilooni taam ah oo suurto-galinaysa in cid kastaa maalkeeda ku aaminto.

 

Wasirka macdanta iyo biyaha Somaliland oo maanta u waramay laanta afka Soomaliga ee Idaacadda BBC, isaga oo ku sugan Magaaladda Lodon, ayaa sidoo kale sheegay inay xidh-xidheen shakhsiyaad si sharci daro ah isugu dayey inay gurtaan macdanta ku jirta buuraha Somaliland.

 

Md Xuseen Cali Ducaale oo ugu horeyn sharaxaya cida shirka soo qabanqaabisay iyo nuxurkiisa ayaa yidhi “Marti qaadka waxa lahaa urur la yidhaahdo (Angalo Somaliland chamber Of Commerce) oo urur ganacsi iyo maal-galin ah oo halkan (Ingiriiska) ka samaysmay ayaa shirkan soo qaban qaabiyey, shirkan waxa lagu falanqaynayay sidii loo maal-galin lahaa ama loo maal-gashan lahaa fursadaha ka soo baxay Somaliland maanta. Shirkani waxa uu socday maalin dhan, waxaana lagu marti qaaday dad danaynaya inay wax maalgashadaan lagana dhaadhicinayay, waxayna isugu jireen shirkaddo reer Somaliland ah, kuwo shirkado Ingiriis ah iyo shirkado kale oo ajaanib ah, markaa aad iyo aad ayaa looga soo qayb-galin, waxaana shirka furay wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, waxa kale oo halkaa khudbad ka jeediyay ninka baarlamaanka Ingiriiska u qaabilsan mucaawinada dibada, markaa shirka waxaanu kula kulanay shirkado nooc walba leh oo doonaya inay wax ka ogaadaan sidii ay Somaliland u maalgashan lahaayeen.”

 

Eng Xuseen Cali Ducaale, oo ka hadlaya shirkadaha ay la kulmeen iyo waxyaabaha ay kala hadleen ayaa yidhi “Runtii saddexdayada wasiirba waxaanu shirka u nimid inaanu shirkadaha ajaanibka ah ku dhiirigalino inay fursad fiican oo maalgashi Somaliland ka banaantahay oo amni ka jiro, soona dhaafay xiligii dagaalada, kana midho dhaliyey nidaamka dimuqraadiyadda imikana dalku diyaar u yahay in la maalgashado, waxaanuna uga waranay in qofku aanu ka baqayn in lacagtiisu ka lunto, waxa kale oo aanu tusnay in dalka ay ku jiraan waxyaabo badan haddii ay noqoto macdanta iyo in aad iyo aad loogu tuhmayo in shidaal ku jiro.”

 

Md Ducaale waxa uu tilmaamay in la hayo macluumaad badan oo ku saabsan macdanaha Somaliland ku jira “Dalka macluumaad badan ayaa laga hayaa haddii ay tahay macdanta iyo haddii ay tahay shidaalkaba, inkasta oo macluumaadka badankiisu dagaaladii ku lumen, shirkadaha wax daneeyaana way ka warqabaan oo macluumaadkan iyagga ayaa sidooda u helaya, shirkaduhuna kamay soo qayb-galeen haddii aanay ogeyn oo aanay tuhunsanayn, qaarbaana noola yimid iyagga oo macluumaad badan sita, markaa waa dal la ogyahay inay wax ku jiraan.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlay in ictiraaf la’aan dal horumari karo “Dalal badan ayaa horumar gaadhay iyagga aan aqoonsan haysan sida dalka Taywaan, dalal badana way soo mareen wakhti aan la qoonsanayn, markaa horumarku kuma xidhna aqoonsi ee waxa uu ku xidhan yahay inaad la xidhiidho adduun-waynaha oo aad tusto dan labada dal ka dhaxeeya.”

 

Wasiirka macdantu waxa uu soo jeediyay inaan horumarka ictiraaf lagu xidhin “Aniguna waxaan qabaa inaynaan sugin aqoonsi ee aynu dalkeena horumarkiisa ka shaqayno, marka aynu dalkeena horumarinana aqoonsigu wuu imanayaa.”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo tilmaamaya baaqa ay sideen inaanu ku waajahnayn oo kaliya shirkadaha ajaanibka ah “Baaqan uma jeedinayno oo kaliya shirkadaha ajaanibka oo kaliya, wayna jiraan shirkadu Soomali leedahay, shirkadaha gudaha (dalka) ku jiraana dadaalkoodu aad ayuu u badan oo ay u danaynayaan (Maalgashiga dalka).”

 

Wasiir Xuseen Cali Ducaale oo ka jawaabayey inay jiraan dad si qarsoodi ah macdanta uga gurta ayaa yidhi “Waxyaabaha aanu wasaarad ahaan ku hawlanahay waxa weeyaan in inta qof diyaarad ka soo dego buuraha gallo, qaar sidaas sameeyey oo buuraha galeyna inta aanu ka daba galnay aanu booliska u dhiibnay oo aanu doonaynay inaanu dadka tusaale uga dhigno oo tusno in dalkani dawlad ilaashanaya leeyahay, qofku haddii aanu fasax ka haysan wasaaradda inta uu duurta iska xullo wax iska guran Karin, waxyaabaha yar yar ee la xadxadayaana wax wayn maaha, haddii si wayn hawshan loo galana wax la qarin karo way ka waynaanaysaa, imikana waxaanu ku hawlanahay shuruuc cusub oo dhiirigalinaysa xagga maal-gashiga macdanta iyo baatroolka si ay u soo jiidato shirkadaha.”

 

‘Ugu dambayn, wasiirka wasaaradda Macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland waxa uu tilmaamay “Waxaanu jecelahay in shirkadi maalgashato warshada sibidhka ee Magaaladda Berbera.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo xidhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abokor Omar;707990 wrote:
The SL community in the UK is very active in putting pressure on MP's to support SL and it's representatives. We the next generation should inshallah take the dream to the finishing line and bring to an end what our fathers started.

There is no such thing as SL community in the UK as far as the UK is concerned, there is Somali community naga kala yaree bahasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this