Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Galgala Clan chief Axmed salax caynab assassinated in bosaaso

Recommended Posts

Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa Boosaaso lagu toogtay News/Articles

Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee

 

 

Boosaaso (SPR): Waxaa maanta toogasho gaadma ah lagu dilay Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Puntland gaar ahaana kasoo jeeda Degmada Galgala ee gobolka Bari Nabadoon Axmed Saalax Ceynab. Axmed Saalax Ayaa ahaa nabadoonkii ugu horeeyey oo ka hadla markii ay ciidamada Puntland galeen magaalada Galgala isla markaana taageera.

 

Waxaa todobaad ka hor miina lala beegsaday Nabadoon Xuseen Gurxan oo kasoo jeeda isna degmada Galgala isagoo dhaawac halkaasi kasoo gaarey, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku nafwaaye.

 

 

Nabadoon Axmed Saalax wiil uu dhalay ayaa ah saraakiisha sarsare ee ciidamada PIS'ta isla markaana qeyb kamid ah gobolka Bari heysta. Arintan ayaa waxaa ay dadka qaar ay u badinayaan in ay dilka ka dambeeyaan ciidamadii buurta ka dagaalamayay Galgala ee isla markaana la dagaalamayay Puntland.

 

Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga dadka kasoo jeeda Galbeedka Bari ayaa maalmahan ka bilowdey gobolka xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo mudadii labadii bilood lasoo dhaafey dhowr qof lagu toogtey. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi oo aan wali cid loo heyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mid kamid ah Nabadoonada Gobolka Bari oo Boosaaso lagu Dilay

By Cali on Mar 29, 2011

 

koox hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dishay eebe ha u raxmadee Nabdoon Axmed Saalax Ceynab oo kamid ahaa nabadoonada gobolka Bari ee Puntland kana mid ahaa isimada taladu ka go’do ee gobolkaas………………….. gaar ahaana degmada Galgala ee gobolka Bari oo sanadkii hore ay dagaalo ba’ani ku dhexmareen ciidamada Puntland & malayshiyaadkii daacada u ahaa Maxamed Siciid Atam.

 

Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Marxuumkan geeryooday wuxuu kamid ahaa isimo ku mashquulsanaa mudooyinkii lasoo dhaafay dib u magaaleynta magaalada Galgala oo uu qax badani ka dhacay waqtigii uu dagaalku ka dhacay,isagoo sidoo kalena maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Boosaaso,waxaana dilkiisu uu kamid noqonayaa ugaarsi joogto ka noqday gobolkaas oo si gaar ah mudooyinkii lasoo dhaafay loo beegsanayey isimada reer Galgala ee aan fikir ahaan taageersanayn kooxdii Atam ee awooda lagu muquuniyey.

 

Nabadoonku wuxuu dhalay sarkaal sare oo katirsanaan jiray ciidamadii taabacsanaan Atam kaas oo lagu magacaabo Cali-daahir Axmed Saalax kaas oo ay saaxiibo dhow ahaan jireen hogaamiye Atam walow uu markii danbena isku soo dhiibay ciidamada Puntland isagoona kamid ah saraakiisha ka shaqaysay howlgalada culus ee Boosaaso ka socda,waxaana isa soo taraya warar kaladuwan oo kasoo baxaya dilka Nabdoonkan oo loo aaneynayo taageeristiisa dawlada Puntland & wiilka uu dhalay oo ciidamada Puntland sir badan siiyey kana saaciday in ay waxbadan amaanka ka qabsoomaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah Oday Reer GalGal ah ayaa la dilay

Posted by Boosaaso on March 28, 2011

 

Wararka aanu Helayno ayaa sheegaya in Bosaaso Caawa lagu dilay Nabadoon Axmed Saalax Caynab oo ka mid ah Odayaasha degmada GalGala, dilka Caynab ayaan la Xaqiijin ilaa haatan Cid sita Toos ah uga danbaysa waxana ay wararku sheegayaan inay Baxsadeen Kuwii Falkaasi Foosha Xun Maleegay.

 

Axmed Saalax Caynab waxay Walaalo ahaayeen Siciid Saalax Caynab oo ku Dhintay dagaalkii PL Maxamed Siciid Atam waxana uu Taageersanaan Garabka Hubaysan ee Maxamed Atam.

 

Sidoo kale Marxuunka La dilay Caawa waxa uu dhalay Sarkaal Sare oo Iska soo dhiibay Xoogaga Atam isla markaana Lagu Magcaabo Cali Daahir Axmed Saalax Caynab kaasi oo Daacad u ah Maamulka Puntland waana Shakhsi ay aad Saxiib u Yihiin Madaxwayne Faroole

 

Alla Naxariistii ha geeyee Nabadoon Axmed Saalax Caynab wuxuu ahaa Odayaashii Reer Hayland ee aadka uga soo Horjeeda Siyaasada Maxamed Siciid Atam oo Mudo PL ay ku Dagaalamayeen Buuraha GalGala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;706639 wrote:
Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa Boosaaso lagu toogtay News/Articles

Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee

 

 

Boosaaso (SPR): Waxaa maanta toogasho gaadma ah lagu dilay Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Puntland gaar ahaana kasoo jeeda Degmada Galgala ee gobolka Bari Nabadoon Axmed Saalax Ceynab. Axmed Saalax Ayaa ahaa nabadoonkii ugu horeeyey oo ka hadla markii ay ciidamada Puntland galeen magaalada Galgala isla markaana taageera.

 

Waxaa todobaad ka hor miina lala beegsaday Nabadoon Xuseen Gurxan oo kasoo jeeda isna degmada Galgala isagoo dhaawac halkaasi kasoo gaarey, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku nafwaaye.

 

 

Nabadoon Axmed Saalax wiil uu dhalay ayaa ah saraakiisha sarsare ee ciidamada PIS'ta isla markaana qeyb kamid ah gobolka Bari heysta. Arintan ayaa waxaa ay dadka qaar ay u badinayaan in ay dilka ka dambeeyaan ciidamadii buurta ka dagaalamayay Galgala ee isla markaana la dagaalamayay Puntland.

 

Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga dadka kasoo jeeda Galbeedka Bari ayaa maalmahan ka bilowdey gobolka xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo mudadii labadii bilood lasoo dhaafey dhowr qof lagu toogtey. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi oo aan wali cid loo heyn.

 

 

AUN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this