Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Has Sharif Sakiin lost already: Sharif/Farmaajo 1:0 Sakin team

Recommended Posts

Muqdisho(Allpuntland) Baarlmaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka soo baxeen natiijo ka duwan kuwii laga filayey.

 

Kulanka maanta Baarlmaanka ayaa waxaa soo xaadiray 305 mudane, waxaana shirgudoominayey gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Ajandaha kulanka baarlmaanka ayaa lagu soo koobay in warbixin laga dhageeysto wafdi uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlmaanka oo safar maalmahii ugu dambeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.

 

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada misana ahaa kuwa safar dalka dibadiisa uga yimid ayaa madasha ka hadlay, waxa ayna qaarkood sheegeen in beesha caalamka ay ka dalbatay in kuraasta baarlmaanka ee haweenka la kordhiyo.

 

Gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ka hadlay , waxa ayna hadaladiisa ahaayeen kuwa jilisan marka loo fiiro hadalo laga filayey.

 

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlmaanka in uu madax kale duwan oo beesha caalamka ah la soo kulmay islamarkaana aysan jirin cid si toos ah uga hor timid go'aankii baarlmaanka ee waqti kordhisashada iyo cid si toos ah u taageertay.

 

Waxa uu sheegay in beesha caalamka ay u soo jeedisay in ay habooneeyd in mudo kordhinta Baarlmaanka laga dhigo wax ka yar Seddexda Sano.

 

Shariif Xasan ayaa sheegay in baarlmaanka haddii uu doono uu dib uga laaban karo go'aankii haddii kale uu ku sii adkeeysan karo , waxa uuna hadalkaan meesha ka saarayaa hadalo horay uu u jeediyey oo ahaa in marnaba aan laga laaban doonin go'aankii Baarlmaanka.

 

Sidoo kale hadalada jilicsan ee uu Gudoomiyaha Baarlmaanka maanta ku hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in uusan xiligaan khilaaf wanaagsaneeyn loona baahanyahay in xaalada qatarta ah laga samato baxo.

 

 

Sidoo kale Shariif Xasan ma uusan magacaabin gudiga doorashooyinka ee uu horay u sheegay in kulanka maanta uu ku magacaabi doono, Sidoo kale kulanka laguma soo qaadin go'aankii Golaha wasiirada ee ahaa in dhamaan hey'adaha Dowladda loo kordhinayo mudo halsano ah, waxa uuna go'aankii Golaha Wasiirada ka hor imaanayaa go'aankii Baarlmaanka ee Seddexda Sano.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlmaanka oo saaka warbaahinta la hadlay ka hor inta uu kulanka furmin ayaa sheegay in ajandayaasha kulanka ay ka mid yihiin magacaabista gudiga doorashooyinka, Go'aankii golaha Wasiirada, Shirka lagu wado in uu Kenya ka furmo iyo in warbixin laga dhageeysto Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo wafdiga la socday hasayeeshee dhamaan Ajandayaasi ayaaba lagu soo qaadi marka mid kaliyah laga reebo.

 

Kulanka maanta ee Baarlamaanka uu yeeshay ayaa jawi wanaagsan ku soo idlaaday, waxa uuna gudoomiyaha Baarlmaanka u sheegay xildhibaanada in 3 maalmood ka dib kulan kale ay isugu yimaadaan.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ka hadlay ,
waxa ayna hadaladiisa ahaayeen kuwa jilisan marka loo fiiro hadalo laga filayey.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlmaanka in uu madax kale duwan oo beesha caalamka ah la soo kulmay islamarkaana aysan jirin cid si toos ah uga hor timid go'aankii baarlmaanka ee waqti kordhisashada iyo cid si toos ah u taageertay.

Waxa uu sheegay in beesha caalamka ay u soo jeedisay in ay habooneeyd in mudo kordhinta Baarlmaanka laga dhigo wax ka yar Seddexda Sano.

Shariif Xasan ayaa sheegay
in baarlmaanka haddii uu doono uu dib uga laaban karo go'aankii
haddii kale uu ku sii adkeeysan karo , waxa uuna hadalkaan meesha ka saarayaa hadalo horay uu u jeediyey oo ahaa in marnaba aan laga laaban doonin go'aankii Baarlmaanka.

Sidoo kale hadalada jilicsan ee uu Gudoomiyaha Baarlmaanka maanta ku hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in uusan xiligaan khilaaf wanaagsaneeyn loona baahanyahay in xaalada qatarta ah laga samato baxo.

Sakiin is not looking sharp at all..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Give sh dalxiis and mr cheese another year in office they are making some progress eventhough sharif sakin is right only the parliament can extend the mandate of the president and the Prime minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this