Sign in to follow this  
General Duke

What's the greatest Somali love story ever told?

Recommended Posts

Som@li   

Congrats GD,

 

I wonder ,with the collapse of Somali system,if young generation can still enjoy these books?

 

VAA3391-0017-screen.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Duke, You'r welcome

 

Somalina;707300 wrote:
Can someone translate the following? Showqi adiga soo dhejisey, fadlan get to work.
:)

Somalina, I am sorry:o I can't translate the poem in English. That is too big for me. May be someone els can?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Waraaqdii jacaylka ee Cawrali u qortay Calimaax

 

 

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,

Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,

Dabadeed aan kala Jiidanne?e, mar ila soo joogso.

 

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,

Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

 

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,

Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

 

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,

Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

 

Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale?e,

Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,

Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,

Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

 

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,

Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,

Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,

 

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,

Cishihii haddaan sarar cusbale, kugu cashaysiiyo,

Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duugo,<O:p</O:p

Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.

 

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

 

Ogoobey haddaan dayaxu jirin, dirir ma nuureene,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,

Ogoobey haadd diido, waan degel baxaayaaye,

Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,

War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,

Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.

 

Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggan

 

Magaalada Xiis Xarrago<O:p</O:p

<O:p</O:p

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Wakhti dheer ayay Cali ku qaadatay inuu wax barto. Isagoo danaynaya inuu uga jawaabo gacaladiisa waraaqdii ay u soo dirtay. Balse intii Calimaax uu waxbarashada ku mashquulsanaa ayaa Cawrala waxaa Aabbeheed ugu bishaareeyey in uu siiyey nin xoolo iyo maal badan leh………………<O:p</O:p

Cawrala iyada oo aan doonaynin ninkii uu Aabeheed siiyey waxay tidhi:<O:p</O:p

 

 

Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,

Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,

Nin micnaha dumar yaqaan, yey maskaba dhaama,

 

Magalooti jaahila, oo haddana madaxa taagaaya,

Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya,

Ninki biri magaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,

 

Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,

Oo mugdi habeen gudahayoo, marin habaabaaya,

Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynin,

 

Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,

Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin,

Inaan meel cidla ah weey tamaa, yey maskabi dhaanta,

 

Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,

Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,

Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede,

 

Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,

Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo,

Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,

 

Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera,

Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo,

Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante,

 

Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,

Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,

Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,<O:p</O:p

<O:p</O:p

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Cawrala muddo labbo sano ah wax war iyo wacaal ah kamay helin Calimaax! waxaana ku sii badatay walwalkii iyo kal gacalkii ay u haysay Cali maax, Balse masaafada iyo fogaanta ay isu jiraan degaamada XIIS oo ay Cawrala ku noolayd iyo BADHAN oo uu Calimaax deganaa, iyo waliba dagaaladii Daraawiishtu ay kula dagaalamayeen Ingiriiska oo markaa gobolka Sanaag ka socday ayaa keentay in xaalada war is gaarsiintu noqoto mit liidata. Waxaa kale oo wakhtigaas gobolka Sanaag soo galay cudurkii Daacuunka oo ay dad baddani u dhinteen, Cawrala oo aan Aabbaheed ninkii uu siiyey wali ku wareejin, ayaa ku geeriyootay magaalada xeebta ah ee XIIS. Taariikhdu may kala saarin ilaa hadda cudurkii Cawrali u dhimatay inuu ahaa Jacayl iyo Boholyowgii ay u qabtay Calimaax iyo inay u geeryootay cudurkii waqtigaa tarab tarabka ka dhigay dadkii ku noolaa magaalada Xiis ee xeebta gobolka Sanaag oo ahaa Daacuun.<O:p</O:p

Si kastaba ha ahaatee Calimaax wuxuu maqlay geeridii Cawrala isagoo bartay markaa Luuqadii Carabiga ahayd kana soo baxay daraasadii iskuul Xerayska ahaa ee uu wax ka baran jiray, gabayga hoos ku qoran ayuu tiriyey isaga oo aad iyo aad uga xun geerida gacaladiisii.

 

 

Calimaax oo la hadlaya Faraskiisii wuxuu yidhi:<O:p</O:p

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,

Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,

Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaa ye,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,

Xamarow xakama diidow, xan far duulay la moodyow,

Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee,

W/aan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go?dee,

Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,

Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,

Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

 

In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey,

In kas too xoola badnaa iyo, xariir loogu hagoogey,

Xirrib tii indhaygiyo, xubnahaygay ahayde,

War xiskii i dhinaayo, Xadeed weyn ku habaabee,

Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yaw,

Xawaaree orordkaagoo, Ximan jee fag ku dhaafoo,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa I gee,

Waan xawaal dhigayaaye. caawa Xiisa i gee,<O:p</O:p

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Gabaygani waa kii Calmaax tiriyey Markii maalin ka dib soo gaadhay geeridii Cowrala oo lagu Aasay Xabaalo ku Yaala Magaalada XIIS, wuxuna gabayga u balaabmay sidan.<O:p</O:p

<O:p</O:p

 

Calimaax wuxuu yidhi:<O:p</O:p

 

 

Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu,

Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye,

Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,

Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay,

Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey,

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,

Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,

Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane,

Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,

Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibtaye,

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye,

Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne,

Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin,

In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe,

Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele,

Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye,

Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin,

Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye,

War qaaddii *****llayd, markii daaha laga qaaday,

Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayee1ka,

Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere,

Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey,

Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin,

Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar,

In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,

Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,

Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,

U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,

Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,

Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,

Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey,

Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,

Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,

Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey,

Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye,

Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,

Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode,

Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey,

Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay,

Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego,

Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda,

Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya,

Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin,

Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo,

Raqiibna ku da’yey oo ku daa, dun markuu waayo,

Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey,

Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye,

Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye,

Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh,

Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya,

Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan,

Ku diihaal bax mira diir la’ood, debinta leefaysid,

Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya,

Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade,

Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye,

Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye,

Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,

Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe,

Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye.

Diyaafadaha kuu dhige malaa’ig, daacad ah oo joogta,

Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye,

Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye,

Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,

Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh,

Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye,

Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene,

Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde,

Qabriyahow *****lani adaan, cidi ku deynayne,

Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye,

yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,

yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,

yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,

Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye,

waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne,

Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode.<O:p</O:p

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Waw, Thanks Showqi, weliba fasirka na ku dar, elayn dad baan oqool luuqada eh. :D

 

Ma haysaa Gabayadii hore, Sheekadii meeshay ku dhamaatey baad geeysay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Som@li;707424 wrote:
Waw, Thanks Showqi, weliba fasirka na ku dar, elayn dad baan oqool luuqada eh.
:D

 

Ma haysaa Gabayadii hore, Sheekadii meeshay ku dhamaatey baad geeysay

Som@li, maya ma hayo gabayo kale. sheekada Cawrala iyo Calimaax waa sheeko qadiimi ah ma ogtahay in is barashadoodii ay 100 sano ka soo wareegtay 1911-2011

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Ogoobay aqoondaridu waa dulliyo leele.......

 

Halkan wuxuu caashaq qabe, Cali Maax, muujinayaa inay aqoon dariyi, iftiin la'aan tahay........War hoy dhalinyaroy aqoon dalabkeed ha mooganaanina....

 

Bare sare.... Showqi mahadsanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this