Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda Somaliya oo goobo hor leh ku qabsaday waqooyiga Muqdisho

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa AMISOM ayaa dagaal ay qaadeen barqadii hore ee saaka ku qabsaday fariisimo hor leh, oo ka tirsan deegaanada waqooyi, iyagoo ka saaray Shabaab dhufeysyadii adkaa ee ay ku lahaayeen aagagaas.

 

Wariyeyaal tagay goobaha dagaalka iyo meelaha laga qabsaday Shabaab ayaa soo sheegaya in meelaha qaar ay noqdeen kuwo howd ah oo ay ka soo baxeen dhir aad u fara badan, isla markaana godod iyo boholo ay ka qodeen xaafadaha.

 

Ibraahim ***** Yarow oo ah Wasiir Kuxigeenka wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Shabaab ay ka qodeen guryaha godod, si ay ugu negaadaan, oo ay dhufeysyo ka dagaalamaan uga dhigtaan.

 

"Nimankaan waa kuwo u nool sidii bahalkii, Guryo dad leeyahay ayay sidaan u galeen, way bur buriyeen, wixii hanti tiil ayay la wareegeen oo ay boobeen, waxaa ku mahadsan ciidamada xooga dalka inay ka saaraan"ayuu yiri Mr Yarow.

 

G/sare Maxamed Sheekh C/llaahi oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee aaga Juba ayaa sheegay in dhufeysyada ay qoteen Shabaab ugu tala galeen in labaatan sano ku dagaalamaan, hase ahaatee saacado gudahood looga bixiyay.

 

Mid ka mid ah dadkii deegaanka ee xaafadahaas ka barakacay oo soo arkay gurigiisa ayaa sheegay in gurigiisa wixii alaab yaalay la qaatay, waxaana uu xusay in muddo sanad ka badan uu gurigiisa ka maqnaa, markii uu maanta arkay uu gebi ahaan yahay mid bur bursan oo godod dhufeysyo laga sameystay.

 

Guryaha degmada Boondheere oo marka loo eego ahaa kuwo dagaalada ku bur buriyay ayaa hadana waxaa Wariyeyaasha soo arkeen godod waa weyn iyo guryaha oo la isaga dhex duleeliyay, oo la isaga dhex baxay oo Shabaabka ay dagaalada marka ay qaadaan geli jireen.

 

Meelaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen ayaa waxaa ka mid ah Dugsigii Wiil-Waal, Hotelkii Caalimow iyo Wasaaradii Arrimaha Gudaha sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda KMG.

 

Dagaalada ayaa wali waxay yihiin kuwo haatan si goos goos ku socda, iyadoo suura gal tahay in dagaalada ay sii xoogeystaan, hadii Shabaabka soo qaadaan weerar rogaal celin ay isugu dayaan inay dib u qabsadaan goobaha lagala wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo ay weli dagaalo ka soconayaan waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxaa booqasho ku tagay goobaha ay dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab Wasiir ku xigeen iyo qeybaha warbaahinta.

 

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Ibraahim ***** Yarow ayaa wuxuu maanta uu booqasho uu ku tagay deegaanada ay maanta dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab, wuxuuna kusoo dul wareegay Busleey, Isgoyska Boondheere, Wasaaradii Arrimaha Gudaha, Wiil Waal Iskuul, Hotel Caalimow iyo goobo kaloo fara-badan.

 

Wasiir ku xigeenka oo warbaahinta sharaxaad uga bixiyay goobaha ay dowladdu la-wareegtay ayaa si weyn ugu argagaxay, kadib markii uu arkay burbuka baahsan ee ku yimid guud ahaan guryihii ay aagaga uga jireen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab.

 

Wuxuu eedeyn oo dhan dusha uu uga tuuray Xarakada Al Shabaab, isagoo sheegay in Shabaabku uu yahay bahal, waayo buu yiri sida ay guryaha u burburiyeen ayaa waxay muujineysaa buu yiri inay u dhaqmayaan sida bahaladii oo kale.

 

Sidoo kale goobtaasi ayaa waxaa tagay bahda warbaahinta oo iskugu jira kuwa dalka u soo tabiya warar iyo kuwa dibada u soo tabiya, waxayna muuqaalo iskugu jira Sawiro iyo Video-ba ay kasoo qaadayeen goobaha ay dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab.

 

Dhanka kale Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay u geysteen jab xoogan, isla-markaana wuxuu qeexay inay sii wadi doonaan dagaalada, ilaa buu yiri aanu dalka ka saarno Shabaab.

 

Si kastaba ha-ahaatee dagaalo ayaa waxay weli ka soconayaan aagaga waqooyi ee magaaladda Muqdisho, iyadoo ay xabadu iminka kasii dhaceyso dhabarka dembi ee degmada Boondheere, waxayna Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ay u muuqdaan kuwo dib u sii guranaaya, inkastoo ay dhici kareyso inay dib isu soo abaabulaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dagaalo culus ayaa Al Shabaab iyo ciidamada dowladda maanta ku dhexmaray Magaalada Muqdisho iyadoo dagaaladuna ay ku fideen xaafado horleh oo ay horay u heysteen xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Dagaaladaan oo ah ah kuwa aad u xoogan ayaa manta waxa ay ka dhaceen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Dagaalada ayaa bilowday kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga isgoyska Boondheere, agagaarka wasaaradii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta iyo iysgoyska Jubba halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, waxaana markii dambe dagaalku uu ku fiday xaafado ka mid ah degmada Shibis.

 

 

 

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi in ka badan 5 qof tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsanayay dagaalka ay haleeshay.

 

 

 

Afhayeenka ciidamada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaaladaasi, isagoo tilmaamay in saakay fariisimahooda ay weerar xoogan ku soo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, wuxuuna sheegay in dhankooda ay gubeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin AMISOM islamarkaana qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Dhinaca majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan dagaaladaasi, iyadoo xariiro kala duwan oo aan la sameyney saraakiisha ciidamada dowladda KMG ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalada.

 

 

 

Goobihii ay ku dagaalameen labada dhinac ayaa iminka waxaa laga maqlayaa rasaas kala duwan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliye ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay diirad ayaa sheegay in ay dagaalka haatan socda ay ku qabsadeen Wasaaradii Arimaha Gudaha ee Degmada Boondheere.

 

Abdi Risaaq oo ah Sarkaal katirsan Cidamada Xooga ayaa sheegay in ay haatan ku sii wajahanyihiin Degamda Shibis isla markaan ay shabab sii Eryanayaan .

 

Dagaalka waxaa haatan la riixay Kooxda Shabab kuwaasi oo haatan sii hoobanaya Isgooska Maanabooliya ee degmada Shibis .

 

Dagaalka ayaa haatan waxa uu xoogiisa ka socdaa degmada Shibis halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Xarakad Shabab oo u muuqata mid ka sii carareesa Goobo badan maanta .

 

Qasaaraha ayaa la sheegayaa in la arkau 3 Askari oo ka tirsan labada dhinac ee haatan uu dagaalka u dhaxeeya waa Dowlada iyo Shabab .

 

Waraka qaar ayaa sheegaya in ay haatan isa soo abaabulayaan Shabab si ay u soo ciliyaan Wasaarada Arimaha Gusdaha oo goordhow laga faramaroojiyay .

 

Dagaalkanai xoogan war wixii ku soo kordha kala soco Diirad.com Inshaa ALLAH .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saakay aroortii degaano ka tirsan xaafado kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ka dahacay dagaal aan waxba la isku reeban oo foolkafool ahaa kaasoo la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dhinacyadii dagaalamay ee Xarakada Al-shabaab iyo kua dawladda.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in saakay aroortii ay qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda kuwaasi oo ku kadiyay dagaalka maleeshiyada Shabaab ee ku sugnaa wasaaradii arimiha gudaha oo ay is laheysiiyeen milkiyadeeda.

 

Ciidamada dawladda ayaa la sheegay in ay si fudud ula wareegeen fadhiisimo iyio dhufeesyo ay Shabaabku ku lhaayeen degmooyinka Boondheere iyo Shibbis iyadoo rasaasta wiiftada ah la sheegay inay gaareysay xaafado ka baxsan goobaha ay dirirtu ka socotay.

 

Cutubyadii dawladda ee saakay weerarka qaaday ayaa lagu waramayaa in ay xiligan kaabiga ku hayaan meelo ku dhowdhow degaanbka Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo weli uu socdo dagaalka.

 

Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan qasaarooyin gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii dagaalamayay iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda qasaarahaasi inta uu gaarsiisanyahay balse wxii ku soo kordha dagaaldaasi iyo qasaaraha ka dhashay aan dib idinkugu soo gudbin doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliya ayaa saaka guulo wax ku ool ah ka gaaray Dagaallo ka dhacay degmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Dagaalka oo bilowday waaberigii saaka ayaa ahaa mid aad u culus isla markaana la isu adeegsanayay hubka calculus, iyadoo ciidamada Dowladdu kula wareegeen xaafado hor leh oo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Boondheere.

 

Saraakiisha Dowladda ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo bandhigaan qasaaraha ay u geeysteen Maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horumarka ay ka gaareen dagaalkaasi, in kastoo dagaalku uu socdo saacado badan.

 

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay ciidamada Dowladdu dalka kaga xoreeynayaan Maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab ee dhibaatada ka wada dalkeenna Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this