Sign in to follow this  
General Duke

Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..

Recommended Posts

Saalax;707351 wrote:
Poor Duke.
;)
This shall be a lesson to you and Faroole's likses never get involved between long arch foes who are (Neighbours) or you will get hurt in the middle.

lol@brave Salah, I am not interested in losing a single person over other peoples land. you lost over 70 men and was humiliated.. By all means continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ Well good from now you should stay from SSC affairs. Unless you want another humiliation like your elder Garaase. ;)

 

 

 

Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay

 

 

Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}.

 

 

Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC.

Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah.

 

Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle.

Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay.

 

 

Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood.

Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku.

Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu.

Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay.

 

 

http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;707355 wrote:
^^^ Well good from now you should stay from SSC affairs. Unless you want another humiliation like your elder Garaase.
;)

 

 

 

If there were any, it was not done by you..I love how you are making this into a big deal. I forgot this was a Suldan from Puntland of course its a big deal.:D

 

Maybe the Sultan was treatd badly. Shame. However 75 iof your kinsmen died for nothing trying to get to Buhudle, now that should have been a big deal. But now this old man is more valuable I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodle, Mar 30 - Wafti dhaqameed isugu jira Isimo, cuqaal, nabadoono, iyo madax-dhaqameed kala duwan oo kasoo kicitimay gobolka Nugaal, uuna hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta soo gaadhey magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 

Wafti-dhaqameedkan ayaa waxaa magaaladda Buuhoodle ku soo dhaweeyey Isimo, cuqaal, aqoon yahan, siyaasiyiin, maamulka gobolka Cayn, xildhibaano iyo wasiiro ku sugan magaaladda Buuhoodle.

 

Waftiga ayaa waxaa meel 50km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Buuhoodle kaga hortagey Isimo, cuqaal iyo madax-dhaqameed kale oo ka socdey gobolka Cayn, waxayna usoo gelbiyeen huteel loo sii diyaariyey.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo wafti hogaaminayey ayaa markii uu magaalda soo gaadhey kadib waxaa uu shir saxaafadeed ku qabtay huteelka uu degan yahay, waxaana uu ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda, isagoo tilmaamay inay u socdeen booqasho iyo sidoo kale in ay dadka la wadaagaan dhibaatada haysata xiligan ee isugu jirta colaadda iyo abaarta.

 

Suldaan Garaase ayaa sheegay in magaalada si weyn logu soo dhoweeyey, loogana hor yimid meel ku dhow deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug; waxaana sidoo kale uu tilmaamay in socdaalkoodu ku salaysan yahay ardin dhaqan, uusan marna ku lug lahayn arimo la xidhiidha siyaasad.

 

Ugu danbayntii, Suldaan Garaase ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Cayn in ay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aysan iyagu cid ku xadgudbin.

 

Garaad Saleebaan Buraale Adam oo isna ka hadlay shirka jaraa'id ayaa ka warbixiyey safarka waftiga ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweeyeen waftiga, kulamo la qaadan doonaan madax dhaqameedka gobolka Cayn.

 

Ma aha markii ugu horaysey ee wafti Ismo ah oo ka socda gobollada Bariga Puntland uu soo gaadho magaalada Buuhoodle; socdaalka waftiga ayaa ku soo beegmayaa xili ay gobolka Cayn ka taagan yihiin colaado, iyo abaaro

Radio Daljir- Suldan Garrase trip to Buhudle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ceebtii Kaga Dhacday Buuhoodle Duqaydii Faroole U Adeegayay ( Halkan KA Dhagayso). From allssc.

 

Garoowe: Warrarka isa soo taraya ee ka imanaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa sheegaya in ay odayaal dhowaan ka baqoolay Magaalada Garoowe ay kala kulmeen wajigabax iyo Fadeexad tii ugu darayd ee Isim Soomaaliyeed soo Foodsaarta waligeed.

Isimadan oo ay horkacayeen Suldaan Garaase oo beesha Abokor Ciise ay ku caana shubteen 1992 iyo Cabdilahi Cali Ciid oo uu ku caana shubay Cabdilahi Yusuf aanse wali beeshiisu si buuxda isugu raacin ay doolaal ku tageen magaalda Buuhoodle.

Odayaashan ayaa hore u galay Gar ay isugu yimaadeen Odayaasha Gobolka Cayn iyo Qolyo Dhulboob aha oo kasoo duulay Bariga Burco, Isimadan ayaa la saftay Beesha Bariga Burco iyaga oo durba isaga laabtay Magaalada Garoowe dhagna jalaq u siinwaayay Dalabkii Shacabka Gobolka Cayn.

Odayashan oo aan marnaba filayn Guushii ay gaadheen Shacabka iyo Maamulka SSC ayaa dib ugu soo rogaal celiyay Magaalada Buuhoodle iyaga oo doonaya Dalab raqiisa iyo inay dib u helaan Kalsoonidii Faroole hore u luntay ee aan dib loo helayn.

Odayasha hada u soo cumaamatay Magaalada Buuhoodle ayaan cag soo dhigin intii ay dhibaatada Colaada iyo Abaartu ka taagnayd se maanta uyimi kala furfurka Bulsha weynta iyo Maamulka SSC, Odayaashan ayaa Mowqifka u weyn aha inay ka saxeexdaan waraaqo cad cad oo lagu diidan yahay Shirka Aqoonyahanka *********** oo Jamhada SNM iyo SSDF ba u arkaan in dad hore ugu cuna duubnaa ay bananaka ka maridoonaan.

Isku soowada duuboo Faroole ayaa ku hoos dhacay Garaase oo ay isku beelyihiin si uu cimaamadiisa maanta u huwiyo ceebtiisana u asturo , waxana uu ka dalbaday Garaase oo aan sharaf badan lahayn in uu *********** uga keeno Saxeexo farabadan oo ay ka mid yihiin Kan uu doonayo inuu kaga qayb galo Shirka Dhowaan Maamul Goboleedada Soomaaliyeed lagu qabanayo Dalka Kenya, Maamulka SSC ayaa Hore u helay Casumaada y Maamul Goboleedadu isugu imanayaan Dalka Kenya Bilahan fooda inagu soo haya.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Gaadhigii Garaase oo ay saarnayd Lacag Faalso ah uu hada ku sugan yahay Jiida hore Hagoogane , talada la rogrogayaana tahay in sida ugu dhakhsaha badan loosaaro qori looga hortago dhamaan cadowga SNM iyo SSDF ba.

 

 

 

http://allssc.com/?p=7892

Share this post


Link to post
Share on other sites

Your story is bogus, much like the water JB see's in those pics and the claim that Somaliland is a seperate country. However the implication and the propogating of this false news by some in the SSC quarter will have a lasting impact.

 

As you were secessionist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;707366 wrote:
^^^ That is from SSC websites not me. Cry me a river kid.
;)

 

Its wonderful that you recognise the varacity of SSC website reporting, will hold you to it dont worry..:D

Lets stickw ith facts, Puntland brought food relief for the drought as is the case of the topic to the people of Buhudle.

Secessionist brought deaths and killed Nomads and were killed. Is there anything to compare>?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mudaharaad Ka Dhan Ah Isimo Reer Puntland Ah Oo Ka Dhacay Buuhoodle-

Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaaladda Buuhoodle ayaa hadda degan, iyadoo duhurnimadii maanta uuka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen..

bulshadda reer buuhoodle qeybaheeda kala duwani.

Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeeday koox isimo ah oo ka socdatey maamulka Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil kale oo maamulka puntland ka socday.

Inta uusan bilaaban mudaharaadkan waxay shacabka reer buuhoodle ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo gelin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin.

Taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal kale ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo diray Isimaddan ayna ka kamid ahaayeen kuwa ka soo jeeda SSC, iyaga oo wadey qorshe aan la ogeyn uu soo dajiyay maamulka puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

General Duke;707153 wrote:
^^^lol@ Khadar, adeer trust me I will not waste my time on this issue ever again. The secessionist know you better than I ever imagined.

.

 

I though you knew them better did they turned out to be strangers lol?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Suldaan Garaase Oo Ceebi kaga Dhacday Buuhoodle ( Ha Aadin la haydaa)

Shacabweynaha Magaaladda Buuhoodle ayaa maanta mudahaarad weyn kaga hor yimi kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah oo uu horkacayo Suldaan Garaase iyo Garad Cabdilaahi Cali Ciid kuwaas oo olale ka dhan ah Shirweynaha Aqoonyahanadda *********** ee London wada isla markaasna Olale u ah Mr Faroole

Kumanaan shacabweynahana oo ka cadheysayn xiligan Abaaraha iyo Colaaduhu ka jiraan Buuhoodle, xubnahan wada Siyaasadda lagu kala qeybinayo shacabka SSC kuwaas oo xiligii Colaada aan wax taageero ah la soo gaadhin wixii magaca shacabkan lagu keeneyna ku reebta magaaladooda isla markaasna Gurmadadii shacabka ee kalshaale ku hor joogsadayGaroowe.

Ninkan Garaase iyo ina Cali ciid oo lagu xasuusto iney waagii garta kalshaale isaaqa u hodeen cuqaashii ka biyo diidey sida wax loo wadey iyagoo kaashanayey isimo reer buuhoodla aha ooy wax isla ogaayeen, ina cali ciid ayaa isna gartii ka dib qirtey intii gartu socotey in uu dhawrgoor ku booqdey madaxdii ******ka tuulada qorilugud oo markaa madaxda SNMta xarun u aheeyd.

Shacabku waxa ay ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo galin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin, taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal xalaala ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii.

waxaana uu ka codsaday nimankii Garoowe ka yimi in ay maqlaan dhawaaqa shacabka ee ah in aysan doonayn Maamulka Garoowe ayna ka tashadeen.

Waxaa la yaab ah in Suldaan Garaase uu maanta Buuhoodle ka wado olale ka dhan ah Midnimadda Beelaha *********** iyo shirweynaaha Aqoonyahanadda SSC isaga oo Olole u ah in *********** inuusan Gunimadda ka bixin una cuno duubnaado Maamulka Inaadeerkiis ee Garoowe waxase ka liita kuwa Dadnimadoodii siisanaya cad quudheedka.

Allssc.com Buuhoodle, Soomaaliya.

 

 

http://allssc.com/?p=7885

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;707332 wrote:
Why do you comment on TFG and Muqdisho threads? you need to think first before you start asking ignorant questions like that.

Why can't I not participate on this thread? Aren't I a Somali national?

 

Use your most important asset, your brain, me say.

Well TFG is supposed to be federal government and Mogadishu is the capital, perhaps ur not operating at full capacity yourself, lol. but seriously, its not your participation that bothers me but being on the side of puntlanders here... in such a case i am allowed to pull out my ur not from round here card...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Naxar Nugaaleed;707327 wrote:

Somalina, i thought u were a konfurian, shabaab iyo isqarxis noga sheeke waxa kalena iska daaf...

 

 

Ouch. I don't think it was really neccesary reminding her all those bombs and terror going down in South.

Share this post


Link to post
Share on other sites

but seriously, its not your participation that bothers me but being on the side of puntlanders here

... I know why but ma rabo inaan wax kashifo xilligan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this