Sign in to follow this  
General Duke

Buuhoodlle: Puntland admin delivers food for drought relief..

Recommended Posts

zCamey2.jpg

 

Buuhoodlle, Mar 27 - Wafdi sare oo ka socda dawladda Puntland ayaa maanta (Axad) waxa ay gaareen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaas oo ay gaarsiiyeen gargaar cunno ah oo gaaraya 70 tan, taasoo lagula tacaalayo abaaraha kulul ee ka taagan guud ahaan degaannada Puntland.

 

Wafdigan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ayaa waxa hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye, deeqdan ay wadeenna waxa ay qayb ka tahay deeq raashin ah oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu soo gaarsiiyay Puntland. Deeqdani oo isugujirtey, bur bariis, saliid, sonkor iyo timir ayaa waxaa ay ka koobnayd lix gaari oo nooca xamuulka ah, waxaana raashinkaasi lagu rogey bakhaaro loogu tala bgalay in loogu qaybiyey dadka tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen.

 

Mas'uuliyiinta ayaa waxa ay gargaarka ay wadeen ku wareejiyeen odayaasha buuhoodle, waxaana odayaashu ay halkaasi ka sheegeen inay sida ugu haboon u gaarsiinayaan dadkii loogu tala galay. Suldaan Siciid Cismaan ayaa sheegay in deeqdan ayan waxba ka tari karin baahida taagan waxase uu sheegay in illaa iyo xad lagu nafiso doono. Suldaanku waxa uu odayaasha kula dardaarmay in ay deeqdan gaarsiiyaan dadka intooda ugu jilicsan.

 

Degaannada Puntland ayaa guud ahaan waxa ka jira abaaro aad u daran, kuwaas oo ay dawladdu u magacoowday guddi qaran iyo guddiyo kale oo ka sii hooseeya. Dhawaan ayay dawladda Imaaraadka Carabtu soo gaarsiisay shacabka Puntland deeq gargaar taasoo haatan qaybinteedii ay ka socoto meelo badan oo Puntland ah. Sidoo kale dawladda, ganacsatada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa iyaguna dhinacoodi iska kaashanahay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo dadka ay sida daran u saameeyeen.

 

Malyuun Axmed Xasan,

Daljir Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Between aggressions from Successionist and drought, people of Cayn need help more than ever. Allow u sahal umadaas iyo inta kalee dhibaataysan.

 

Job well done by P/L admin. More help is needed from anyone, NGOs diaspora, and local admins. S/L militia needs to move out of the areas they are occupying so nomads can graze for their livestocks in these areas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga abaaraha ee Puntland oo sheegay in saamaynta abaaruhu ay gaartay heer khatar ah, loona baahan yahay gurmad joogta ah.

 

Mon, 28 Mar 2011 11:23:55 -0400 am -04:00 -14400

 

Garowe, Mar 27 - Wasiirka warfaafinta ee Puntland Axmed Cali Askar ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay magaalada Garowe ku soo bandhigay warbixin uu soo saaray guddiga abaaraha ee Puntland.

 

Warbixinta ayaa nuxurkeedu ahaa in saamaynta abaaraha ee gobollada Puntland ay gaartay heer aad khatar u ah, una baahan gar gaar deg deg ah oo joogta ah.

 

Md. Askar ayaa sheegay in guddiga abaaruhu ay yaqiinsadeen in abaaruhu ay saameeyeen dhammaan gobollada Puntland, haba sii kala daraadeene.

 

Dhulka ay abaaruhu sida ba'an u saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah dhulka ku teedsan xeebaha Puntland, dhulka ayxda iyo soolka ee Toga-fuliye illaa Beyla, dhulka hawdka loo yaqaan ee Buuhoodle illaa Eyl, iyo dooxada Nugaal.

 

Waxaa ay warbixintu xustay in reer miyigu ay u soo haajirayaan meelaha ay bidayaan in ay ka heli karaan biyo iyo baad, gaar ahaan tuulooyinka iyo magaalooyinka.

 

Waxaa uu sheegay in xoolo badani ay u le'edeen biya la'aan, ayna u weheliyaan cuduro ka dhasha nafaqo darro, biyo iyo baad la'aan.

 

Md. Askar waxaa uu tasaafiil ka bixiyey hawlaha biya-dhaamiska iyo qaybinta mucaawino raashin ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee dhulka miyiga ah.

 

Dhinaca gargaarka, waxaa uu sheegay in dawlada Puntland ay ugu deeqday 250,000 (laaba boqol iyo konton kun) oo doolar hawlaha biya-dhaamiska iyo dayac-tirka ceelasha ee dhulka iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Dawlada ayaa sidoo kale qaybisay 800 oo ton oo raashin kala nooc ah oo ay ku deeqday dawlada Imaraadka Carabta.

 

Cullimada, sharikaadka, ganacsatada iyo bulshada ayaa sidoo kale la abaabulay si ay kaalin uga qaataan gargaarka deg deg ah ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Hay'ada UNICEF, ICRC, VSF Germany, ADRA, WFP, Safe Corn, Horn Relief & Tadaamun ayaa uu sheegay wasiirku in ay kaalin ka qaateen gargaarka deg deg ah.

 

Dawladaha Kuwait iyo Imaaraadka Carbeed ayaa uu sidoo kale uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen gargaarka deg deg ah iyo gurmadka abaaraha.

 

Ammaan gaar ah ayaa loo jeediyey hay'adda UNICEF oo si weyn uga qayb qaadatay gurmadka abaaraha.

 

Md. Askar waxaa uu sheegay in biya-dhaamisku aanu kow joogin, ayna ka dhigan tahay dhibic biya ah oo bed weyn ku dhacday. Sicir-barar ayaa uu sheegay in uu jiro.

 

Md. Askar waxaa uu ku baaqay gurmad deg deg ah oo joogta ah.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zAskar.jpg

Puntland Information Minister Axmed Cali Askar, giving a press conference in Garowe with detailed illustrations and reports about the famine situation presented by the Puntland Drought Committee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaheeeeyyyyyyyyyyyyyyyyy ,, :D

 

 

Shacabka Magaalada ayaa kala hortagay ragga laga soo abaabulay Garoowe kacdoon iyaga oo sheegay in shacabku ka war hayo arrimaha ay usocdaan oo salka ku haysay sidii ay odayaal deegaanka uga hayaamin lahaayeen una geyn lahaayeen dhinaca Tukaraq iyo Garoowe si ay ugu saxeexaan C/raxmaan Faroole in uu isagu yahay madaxweynahooda arrintaas oo shacabka Gobolka Cayn diidmo ka muujiyeen.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodlle, Mar 27 - Wafdi sare oo ka socda dawladda Puntland ayaa maanta (Axad) waxa ay gaareen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaas oo ay gaarsiiyeen gargaar cunno ah oo gaaraya 70 tan, taasoo lagula tacaalayo abaaraha kulul ee ka taagan guud ahaan degaannada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. poor JB, you lost over 75 SNM militiamen fighting in CAYN, Puntland Somalia has brought food and relief to their population.

There is no comparison, but you can alwyas try...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Read More .........

 

Buuhoodle:{Jidbaale.com}:Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC.

 

Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah.

 

 

 

Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle.

 

Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay.

 

Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this