Bashiir Posted March 27, 2011 Waxaa habeenimadii Jimcaha soo geleysey lagu qabtay magaalada Qaahira munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Nuurddiin Faarax. Kulankan oo aan si aan loo kala harin ay u soo agaasimeen Soomaalida wadanka Masar ayaa waxaa Abaal Marin qaddarin ah lagu guddoon siiyey qoraaga Soomaaliyeed. Waxa xusid mudan in uu qoraagu asal marti uu u ahaa Jaamacadda "American Univeristy" ee Qaahira, isagoo muxaadarooyin ka soo jeediayay 2 jeer isla jaamacaddaas. Nuruddin oo khudbadihiisa uga hadlay hanaanka wax qoridda iyo hor'umarka Afrika ayaa khudbaddiisa hore ugu magac daray "Awoodda wax Qoridda” ka jeediyay hoolka Suzanne Mubarak Conference Hall habeenkii Isniinta ahaa ee la soo dhaafay ee 21-a Maarso, halka muxaadardiisa labaad oo cinwaankeedu ahaa “Xuduudaha Qaaradda Afrika oo Caqabad ku ah Hor'umarka dalalka Qaaradda,” uu ka jeediyay hoolka Oriental Hall ee jaamacadda AUC oo ku yaalla fagaaraha caanka ah ee Tahrir Square habeenkii arbacada 23 Maarso. Dhanka kale Somaalida dalka Masar aya si weyn uga muuqday dadweynaha ka soo qeyb galay. Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa Safiirka Soomaaliya ee wadanka Masar C/llaahi Xasan iyo Dajirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dhowr wadan oo aduunka ah isla markaana ah qoraa Soomaaliyeed oo isna luqada ka la duwan wax ku qoro Mudane Dr. Shariif Saalax. Wada akhri.... http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3938:soomaalida-qaahira-iyo-habeenkii-nuuradiin-faarax&catid=51:suugaanta-guud&Itemid=132 Quote Share this post Link to post Share on other sites