Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Delegation of Somaliland elders visit Djibouti

Recommended Posts

Wafti Balaadhan oo ay horkacayaan Salaadiin, Cuqaal iyo Culmawadiin ayaa maanta ka Ambabaxay Magaalada Borama una anbabaxay wadanka Jabuuti +Arimaha Safarkooda ku xeeran

 

27/03/11-Borama-(Bnn) Sida aan la wada soconay waxaa dhawaanahanba Socday u diyaar galaw xoogan oo ay ugu jireen Salaadiinta, Cuqaasha iyo Culumawada Gobolada Awdal/Salal, Safar ay qorshaysanayeen in ay ugu anbabaxaan Dalka jabuuti oo ah dal ay jaar dhaw ay yihiin Goboladan Awdal/Salal.

 

Waftigan ayaa hadaba Maanta galinkii danbe ka anbabaxay Magaalada Borama isaga oo ku sii jeedo dalka jabuuti, Mar aan hadaba khadka telephonka kula hadalnay mid ka mid ah waftiga oo ah Suldaan Ibraahim Jaamac samatar , ayaa waxaa uu nooga warbixiyay waftigan cida hogaaminaysa , taas oo uu noo sheegay in ay hogaaminayaan, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, Sheekhul Baladka Gobolada Aweal/Salal/ Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar iyo Isaga oo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

 

Mar aan hadaba wax ka waydiinay safarkooda ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu tafaasiil dheer ka bixiyo Safarkooda waxa uuna ku gaabsaday , waxa aanu nahay dal xidhiidh dheer oo sokeeyo naga dhexeeyo, Dadkiisa, kaas oo uu sheegay in ay labada dhinacba degan yihiin, waa Jabuuti iyo Awdal/Salal, Booqasho joogta ah oo labada dhinacna ayaan leenahay ayuu yidhi.

 

Si kastaba ha ahaatee Safarkan ay maanta ugu anbabaxeen Waftigan balaadhani ayaa illo xogagaal ah oo ku dhawdhaw waxa ay sheegayaan in ay Marti qaad ka heleen dadka ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal ee Degan Jabuuti, kaas oo inta badan ay kaga hadlaan Danaha Goboladan Awdal/Salal, Xaga Horumarka, waxa kale oo ay xogtu intaas ku darayaan in ay Maamulka Jabuuti u muujiyaan in ay taageersan yihiin Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele in uu mar Saddexaad ku guulaysto Kursiga,dadka ka soo jeeda Goboladan ee ku nool dalka jabuuti in ay siinayaan Codka Mudane Ismaaciil Cumar Geele

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this