Liqaye Posted March 27, 2011 C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta sida uu sheegay kormeer ku tagay xarunta Jasiira oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa waxa uu ciidamada dowladda uga digay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, isagoo shaaca ka qaaday in looga baahanyahay ciidamada in ay dadka wax u qabtaan oo aysan dhibaateyn. Mr Fiqi waxa uu ugu baaqay ciidamada dowladda ee hubka ku dhex sita wadooyinka Magaalada Muqdisho in ay tagaan furumaha dagaalka oo aysan hub ku dhex qaadan degmooyinka ay dowladu gacanta ku heyso. C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ah Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxa uu sidoo kale ugu baaqay ciidamado in ay sii wadaan dagaalada dowladdu ay kula jirto xarakada Al Shabaab. Si kastaba ha haatee baaqaani ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga ee ku aadan in ciidamada dowladdu dadka aysan dhibaateyn ayaa ku soo beegamaya xili dowladda oo dagaal ku jirta ciidamadeeda lagu eedeeyo in dhibaatooyin kala duwan ay u geystaan dadka shacabka ah. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites