Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Deg deg: Maxamed Dheere oo lagu waayay wax dembi ah iyo isaga oo la-hadlay warbaahinta

Recommended Posts

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah, kadib markii ay sheegtay inay sameysay baaritaano dheer, deetana ay ku weyday wax dembi ah.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qareenada Maxamed Dheere ay maxkamadda u muujiyeen inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah, iyadoo ay markii dambe ay maxkamaddu xaqiiqsatay in halyeey Maxamed Dheere uusan laheyn wax dembi ah.

 

Maxamed Dheere oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inuu si’aad ah ugu faraxsan yahay, bacdamaa uu dib u hellay xuriyadiisa, isagoo uga mahad-celiyay intii u istaagtay badbaadintiisa.

 

Maanta ayay ahayd kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir la-horkeenay eedeymo ka dhan ah Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere, hase ahaatee Maxkamadda ayaa shaacisay inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamada gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta sii deysay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir kadib markii sida ay sheegtay lagu waayay dambigii loo heystay.

 

 

 

Maanta barqadii ayaa waxaa xoriyadiisa dib loo siiyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere, kadib markii Maxkamada gobolka banaadir ay ku weysay wax dambi ah.

 

 

 

Max’ed Dheere oo saxaafada hadal kooban siiyay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib u helida xoriyadiisa islamarkaana arintaani uu si aad ah u soo dhaweynayo.

 

 

 

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Max’ed dheere uusan wax dambi ah laheyn islamarkaana uu si sharci daro ah ugu jiray gacanta dowladda, waxaana uu go’aamiyay in la sii daayo.

 

 

 

Xarunta lagu soo taagay maxkamada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal qof oo ka mid ah ehaladiisa, waxaana maxkamadu ay sheegtay in kadib markii baaritaano dheer lagu sameeyay lagu waayay wax dambi ah.

 

 

 

Max’ed Dheere ayaa gacanta ugu jiray dowladda KMG Soomaaliya in ka badan 50 maalin, waxaana qareenadii u doodayay Maxkamada ay ka dalbadeen in ay magdhow ahaan u siiso 10 milyan oo doolar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta la sii daayay hoggaamiyaha siyaasadeed ee Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo isagu u xirnaa muddo ka badan bil, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isagu abaabulay fal lagu rasaaseeyay dadweyne dibadbaxayaal ahaa.Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, hoggaamiye Maxamed Dheere oo saakay loo gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir ayaa xukuntay in la sii daayo, kaddib markii lagu waayay eedeymihii loo jeediyay.

 

 

Hoggaamiyaha siyaasadeed ee Maxamed Dheere oo daqiiqado kahor gaaray gurigiisa ayaa waxaan idiin soo gudbin doonaa shir jaraa'id oo uu halkaasi ku qabanayo iyo warar dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeysay dacwadii loo heystay oo noqotay mid lagu waayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday inay sii deysay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo muddo bil iyo 10-cisho ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar.

 

Sii deynta Maxamed Dheere ayaa ka dambeysay kadib markii dambi ku weysay, waxaana cadeymo ku soo bandhigay Maxkamada qareenada Maxamed Dheere iyo marqataaiyaal, iyadoo kadib xeer ilaalinta cadeysay in wax dambe ah aanu laheyn.

 

Maxamed Dheere ayaa markii la soo deyay Maxkamada iyo Ciidamo ay u galbiyeen Hoygiisa, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen boqolaal ruux oo taageerayaashiisa ah oo watay caleemo qoyan iyo sawirkiisa, iyagoo ku qeylinayay hadalo taageero ah.

 

Hadal kooban oo uu ka jeediyay goobta ayuu Maxamed Dheere waxaa uu u mahadceliyay guud ahaan dadkii ka dhiidhiyay gudaha iyo dibada xarigiisa, isagoo si gaar ah saxaafada ugu mahad celiyay.

 

"Guud ahaan dadka soomaalida ee ka dhiidhiyay dadka gudaha iyo dibada aad baan ugu mahad celinayaa iyo saxaafada iyo sida ay u gaarsiisay caalamka, cid aan xoriyad jecleyn ma jirto"ayuu si kooban u yiri Maxamed Dheere.

 

Bishii Febraayo 15-keeda ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay dad rayid ah oo ku banaan baxayay nawaaxiga Ex Fiyoore ay rasaaseeyeen ciidamo xirnaa dareyska Dowladda, iyadoo rasaastaas ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Xukuumada Ra'iisul wasaare Farmaajo ay ku dhawaaqday in la xiray ilaa shan ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falkaas, oo uu ku jiray Maxamed Dheere.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this