Saalax Posted March 27, 2011 Madaxweynaha Somaliland Oo Ambassador Mahiga Ku Gacan Saydhay Qorshe Uu Ula Yimid. Waa Maxay Talow Akhri. (Hadhwanaagnews) Saturday, March 26, 2011 (HWN)- Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya Amgassador Augustine Philip Mahiga, ayaa ku guuldaraystay qorshe diblomaasiyadeed oo uu ula yimid Xukuumadda Somaliland, kaas oo ku saabsan inay ka qayb gasho shir dib u heshiisiineed oo dawlad loogu dhisayo dalka Somaliya. Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ku saabsan oo arrintan lagaga (HWN)- Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya Amgassador Augustine Philip Mahiga, ayaa ku guuldaraystay qorshe diblomaasiyadeed oo uu ula yimid Xukuumadda Somaliland, kaas oo ku saabsan inay ka qayb gasho shir dib u heshiisiineed oo dawlad loogu dhisayo dalka Somaliya. Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ku saabsan oo arrintan lagaga hadlay, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in Ambassador Mahiga, uu arrintan ku soo bandhigay kulan uu khamiistii la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud iyo xubno wasiiro ah, ka dib markii uu booqasho laba maalmood qaadatay ku yimid magaalada Hargeysa. Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay xaqiijiyeen in ergaygu uu xukuumadda Somaliland ka codsaday inay ka qayb gasho shir horaanta bisha April ee soo socota lagu qabanayo magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kaas oo ah shir dib u heshiisiineed oo lagu qorshaynayo in dawlad loogu dhiso Somaliya, maadaama oo uu xilli dhammaadka dawladda Sheekh Shariif ku eegyahay bisha August ee sannadkan. Madaxweynaha Somaliland Oo Ambassador Mahiga Ku Gacan Saydhay Qorshe Uu Ula Yimid Waxaanu sheegay in shirkaas ay ka goob joog ka noqonayaan dalal badan oo ay ka mid yihiin Djibouti iyo Itoobiya, isagoo xusay inay ka qayb geli doonaan dhammaan kooxaha Somaliya ku hirdamaya. Hase yeeshe Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ergayga ku gacan saydhay qorshaha uu watay, isagoo si cad ugu sheegay inaanay Somaliland marnaba ka qayb gelayn shirkaas Nayrobi iyo mid kalen toona oo dawlad loogu dhisayo Somaliya. Sida uu Geeska Afrika xogtan ku helay madaxweynuhu wuxuu sheegay inay umadda Somaliland go’aansatay inay noqoto dal ka madaxbanaan wixii la isku odhan jiray Somaliya, sidaas daraadeedna aanay suurtogal ahayn inay shirar dib u heshiisiineed oo Somaliya ah ka qayb gasho. Waxase uu Madaxweynuhu ergayga u sheegay inay Somaliland taageersantahay in xal loo helo mushkiladda Somaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin inay tallo iyo tusaale ku biiriyaan. Sida uu warku sheegay waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ergayga u sheegay inay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay labaatan sannadood ka hor, mudadaasna aanay ka qayb gelin shirarka Somaliya loo qabto, imikana aanay sinaba uga qayb geli doonin, waxaanu sida warku sheegay uu ergaygu qaatay go’aankii xukuumadda Somaliland ee la xidhiidhay shirka uu abaabulayo, lamana sheegin wax dood ah oo uu ka galay jawaabta ay xukuumadda ka bixisay qorshihiisa. Ambassador Augustine Mahiga, ayaa dedaal ugu jira inuu ka dhabeeyo hirgelinta shirka uu u qabanayo kooxaha Somaliya, waxaanu guclo iyo orod ugu jiraa inuu shirkaasi guulaysto, maadaama oo uu shirkaasi yahay kii u horeeyay ee intii uu xilkan hayay uu qabto, waxase dhirbaaxadii u horaysay uu kala kulmay Somaliland, isagoo hore dhawr meelood uga sheegay inay Somaliland ka qayb geli doonto shirarka kooxaha Somaliya. Hase yeeshe, warar kale ayaa sheegay inay shirkaas ka qayb geli doonaan maamulada Puntland, Dawladda Sheekh Shariif, Ehlu Sunna Waljamaaca, Galmudug State. Xigasho Wargayska Caalamiga Ah Ee Geeska Afrika Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 27, 2011 http://www.hadhwanaagnews.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted March 27, 2011 The only thing that needs to be slammed is the clan tendencies. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 27, 2011 Good on the President ................. the UN should learn a lesson or two from Somaliland ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 27, 2011 This is the bottom line. "isagoo si cad ugu sheegay inaanay Somaliland marnaba ka qayb gelayn shirkaas Nayrobi iyo mid kalen toona oo dawlad loogu dhisayo Somaliya. Sida uu Geeska Afrika xogtan ku helay madaxweynuhu wuxuu sheegay inay umadda Somaliland go’aansatay inay noqoto dal ka madaxbanaan wixii la isku odhan jiray Somaliya, sidaas daraadeedna aanay suurtogal ahayn inay shirar dib u heshiisiineed oo Somaliya ah ka qayb gasho. Waxase uu Madaxweynuhu ergayga u sheegay inay Somaliland taageersantahay in xal loo helo mushkiladda Somaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin inay tallo iyo tusaale ku biiriyaan." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 27, 2011 Well done Mr president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 27, 2011 Jacaylbaro;705811 wrote: Good on the President ................. the UN should learn a lesson or two from Somaliland ..... Hahahaha Quote Share this post Link to post Share on other sites