Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xassan Ibliis '' Shacabka waxey rabaan in nalaga guuleeysto''

Recommended Posts

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa hadal uu ka jeediyay shalay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa muujiyay dareenka dadka ee ku aadan niyadooda, isagoo qiray in dadka ay rabaan inay Nabad ku wada noolaadaan, lagana guuleysto Xarakadooda.

 

Hadalka Sheekh Xasan Dahir oo dadka qaar ay ku jahwareerayeen, ayaa marba dhinac u boodayay, waxaana weerro uu adeegsanayay ahaa mid uu ku muujinayay in hiilka qofka ama sida niyadiisa jeceshahay loo raacayo, isagoo qiray in dadka ku barakacay deegaanada duleedyada Muqdisho in niyadooda ay jecel yihiin in laga guuleysto.

 

"Niyada qofka ama qalbigooda waxaan ogsoonaha inay jecel yihiin in kuwaan naga guuleystaan, marka hiilka qofka waxay tahay mid sida uu jecel yahay loo raacayo"ayuu si layaab leh u yiri Xasan Dahir oo soo qaatay kalmada dadka ay cuskadaan ee ah aan ku wada noolaano Nabada, oo uu xusay in Xidigta, iyo bisha dhexdeeda la geliyo Saliibka oo ugala jeeday calaamada Kirishtaanka, taasoo uu ku qeexay inay tahay wax qatar ah.

 

Macnaha hadalkaas ayaa ahaa mid dadka ay si aad ah uga jahwareereen, waxaana marka dhinac loo dhigo uu ku sheegay in islaanimada qatar ku tahay, isla wada noolaanshaha dhanka nabada ee Gaalada iyo Muslimiinta.

 

"Dadka mu'miniinta waa walaalo, laakiin qofka muslimka munaafaq waa ku jiri karaa"ayuu sii raaciyay Xasan Dahir oo hadaladiisa u muuqdeen kuwo ku lahjad ah Saraakiisha sar sare ee Alshabaab.

 

Hadalka Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa xambaarsanaa ujeedooyin kala duwan, iyadoo tan koowaad noqon karto dhacdadii habeen hore ka dhacday deegaanada loo barakacay, kaas oo markii u horeysay Shabaab weerar bambaano ku qaadeen kooxo aan la aqoon, taasna uu ku muujinayay inay jiraan dad afkaartooda aad u neceb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir: "Niyadda ayaad ka taagersan tihiin Dowladda"

 

Horjooge Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Khwaarijta Al shabaab ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaannada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho ay ka soo horjeedaan dagaallada ay wadaan Khawaarijta Al shabaab isagoo ku eedeeyay inay taagersan yihiin dowladda Soomaliya.

 

Xasan Daahir oo xalay deegaanka Ceelasha biyaha kula hadlayay dadka ku barakacay halkaasi, ayaa ku eedeeyay in ay taageersan yihiin Dowladda isla mrkaana ay doonayaan in meesha laga saaro Khawaarijta.

 

Sidoo kale Xasan Daahir waxa uu dadkaasi u sheegay inaaney maslaxad ku jirin Nabadda, taas oo ka yaabisay dadkii uu la hadlayay, waxa uuna ku celceliyay in dadka aaneey Nabad heli doonin tan iyo inta ay ka soo horjeedaan Khawaarijta.

 

Maalmo ka hor ayaa horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta waxa ay dadka ku dhaqan deegannada loo barakacay u sheegeen in aaneey nabad heli doonin, hadalka Xasan Daahirna waxa uu u muuqdaa mid uu ku raali gelinayo horjoogayaasha Khawaarijta isagoo ka baqaya in seefta Khawaarijtu ay boobto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this