money Posted March 26, 2011 Faafinta Rasmiga – Oraahdii Bilowga INAGOO AH, kooxo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku kulantay kacdoonka bulshadda iyo baraaruga nabadda , waxaan idin ku eedeeyneeynaa: in aad, idinkoo ah dad iyo duul ka been sheegaya diinta Islaamka ee naxariista iyo nabadda leh iyo dhalinyaradaad duufsateenba, magac urur ahaan la baxay xarakadda Shabaab, ama dhaqdhqaaqa dhalinta, inaad ku kacdeen gaf iyo godob la galo tii ugu guracsaneeyd. Waxaad sheegateen inaad ku dagaaleeysaan magaca diinta islaamka iyo inaad dooneeysaan in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka, balse waxaad ku dhaqantiin wax diinta iyo shareecadda ka duwan kuna ah xadgudub iyo xaqiraad. Waxaad geeysateen danbiyo kuwii ugu waaweeynaa oo hadii shareecada lagu xukmiyo aad ku mudan laheeydeen ciqaab tii ugu cusleeyd. Waxaad baneeysateen waxaan Alle idiin baneeyn, waxaad baabi’iseen dad, duunyo, daaq, dalag, dugaag iyo dal. Waxaad dooxateen dad aan wax galabsan. Waxaad diideen nabad iyo wadahadal kuwo idin ka da’, caqli iyo cilmiba badan idiin soo jeediyeen. Waxaan idinku eedeeyneeynaa inaad sheegateen waxeeydan aheeyn. Runtii waxaad tihiin wax magarato dhiigyacab ah oo u soo baxay ineey wax burburiyaan, naf bireeyaan, iyo ineey is biimeeyaan oo bam qarxiyaan. Waxaad tihiin belaayo Soomaali loo soo diray. Ilaaha weyn ee abuuray cirarka iyo dhulka iyo intii u dhaxeeysa ayaan waxaan ka barinaa inuu inagga kiin qabto.Waxaad geeysateen halaag badan laakiin waqtigiinii waa gabo gabo. Waxaad ku danbeeyn doontii halaagaad geeysaneeysiin mid ka daran. Waxba idin kama hari doonaan oo waad ku hooban doontiin dagaalkaad holciseen. Waxaad ogaatiin in wax kasta oo kor aado hoos u soo laabtaan. Waxaad ogaataan in kibirka iyo laab la kaca xilkas darada ah lagu jabo. Jabkiinu waa dhow yahay oo ma dheera, waana la idinka jaaseeyn doonaa jariimadaad gasheeyn. Dhalinyaradda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka gudaha iyo dibadda ayaa ku dhawaaqaya kacdoon bulsho weyn oo ku beegsan nabad iyo colaad joojin. Dhalinyaradan ayaa hadda ku howl jira baraarujinta iyo is-abaabulka kacaanka bilowga nabad ka dhalata dhamaan dhulka soomaaliyeed. Soomaali waa dad wada muslim ah, isku diin ah, isku isir iyo fir ah, isku af ah, isku dhaqan ah, isku dhiig ah, isku deegaan ah, is dhalay, isu dhaxay, wada dhashay, wada dhaqma, wada hadla, isku tura, is taakuleeya, hadba kooda tag daran taageera. Toosoo u tooso nabad oo doona nabad. Daayo iska daaya dagaalka, diida oo diida kuwa idin duleeystee idin diliya. Al-Shabaab, qabqable, siyaasi musuqmaasuq ah, oday qabyaaladeed iyo tubteey dalka iyo dadka ku wadaan waa waxan na baday in Soomaaliya loo qiray dal iyo dad fashilmay oo dunida ilbaxa ah ka haray. Dhalinta kacdoonka nabadda waa ka dhiidhiyeen duliga waxeeyna ku dhaarteen ineey soo celiyaan nabad, kala danbeeyn, qaranimo iyo cisigii iyo karaamaddii dadka Soomaaliyeed. Kacdoonku waa hadda, hayaanku waa aragti horumarsan, hiigsigu waa nabad. Xaafiiska dhalinta kacdoonka bulshadda iyo baraaruga nabadda (office of People’s Revolution and Re- Awakining for Peace) Mogadishu. Nairobi. London. Minneapolis Quote Share this post Link to post Share on other sites