Liqaye Posted March 26, 2011 March 25, 2011 - QOL - Ceelbuur(Keydmedia) - Wararka Keydmedia ay kaheleyso degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud, Bartamaha dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka kooxda Shabaab ee degmadaasi ay dheceen Galeey ku jirtay bakhaarro afar gaarayaa oo ay lahaayeen rag ganacsato ah. Waxa ay intaa ku darayaan ila wareedyada ku sugan degmada in Shabaabka boobka iyo bililiqada kula kacay xoolaha shacabka in ay ku andacoodeen in Galeydaasi ay tahay mid dalka ay soo gelisay WFP xaqna ay u leyihiin in ay lawaregaan maadaama ay horay u mamnuuceen, arntaas oo ganacsatadii ladhacay ay ku macneeyeen mid lagu baneysanayo boobka hantidooda. Raga Galeyda sida qasabka ah loogala wareegay oo lagukala magacaabo Cabdi Cadde, Maxamed Cismaan, Cabdulaahi Dirir iyo Xasan Xaashi oo lagu naaneyso Ceel Qooxle ayaa waxaa loogu hanjabay hadii ay markale degmadaasi geeyaan Galeeydaas oo kale in tilaaba adag laga qaadi doono. Al-shabaab, oo inta badan lagu eedeeyo in ay dhaqan gelinayaan waxyaabaha dhibka ku ah shacabka Soomaaliyeed ee kasoo horjeda horumarka dalka iyo dadka, ayaa waxa ay horay u mamnuuceen hey’ado badan oo kashaqeeya dhanka samafalka oo ay kamid tahay WFP iyaga oo ku hanjabay cidii lashaqeysa in iyana il gaar ah kooxdu ay ku eegi doono. Keydmedia.net Quote Share this post Link to post Share on other sites