Liqaye Posted March 26, 2011 Waxaa maal mahaan dadaal siyaasadeed ay wadaan beesha caalamka si Soomaaliya loogu dhiso Barlamaan taya leh aadna uga yar kan hada jiro iyadoona ay howshaasi durbaba uu bilaabay wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaliya danjire Augustine Phillip Mahiga Danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa safaro ku kala bixiyey Soomaaliland iyo Puntland si uu uga gado fikirka beesha caalamka ee lagu doonaayo in Soomaaliya loo dhiso Barlamaan cusub iyo Dowlada leh madaxweyne wax ka badalo siyaasada is diidan ee Soomaliya Shirkaan ayaa lagu qabanayaa dalka Kenya magalada Nairobi kaa oo bilaaban doono bisha Juun bartankeeda sida uu noogu sheegay masuul sare oo ka tirsan Qaramada midoobay kana gaabsaday in la xuso magaciisa Soomaliland wali ma cado in ay ka qeyb galeyso lakiin madaxweynaha Punland Cabdiraxmaan faroole ayaa ka dhawaajiyey shirka dub u heshisiinta Soomalida loogu qabanaayo dalka Kenya uu ka qeyb galaayo isagoona sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay har iyo habeen u taagan yahay sidoow Soomaaliya looga hirgalin lahaa dowlad a xalaal ah Shirkaan loo qabnayo Soomaaliya ayaa lagu dhisayaa Barlabaan ka kooban 185 xildhibaan iyadoona sida la xasuusta xiligaan uu jiro Barlamaan ka kooban 550 xildhibana oo taya laheen waxa ay qabtaana ay tahay mooshina is bar bar socdo Beesha caalamka ayaa xiligaan la dhacsaneen Barlamaanka jira madaama ay ku yar yihiin dadka aqoonta leh oo dalka wax ka badbaadin karo iyadoona la xusi karo baralamanka hada jira in ay yihiin kooxahii dagaal oogayasha soo xuleen iyo wadaado si sahal ku helay kadib markii xoog ay isku muujiyeen Si kasatba ha ahtee shirkaan ayaa noqonayo kii 13 ee dalka dibadiisa lagu qabtya iyadoona la ogyahay dalka Soomaaliya ay xiligaan ka jiraan wadaado awood leh oo diyaar u aheen in Soomaaliya loo dhiso dowlada aan kitaabka alle lagu dhaqin Quote Share this post Link to post Share on other sites