Liqaye Posted March 26, 2011 Dadweynaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa dareenkooda ka muujiyey cunaqabateynta Al-Shabaab ku soo rogtay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo. Dad kala duwan oo ku nool dalkas iyo dibadiisa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada Al-Shabaab ku cunaqabateeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo. ” Waxay ku andacoonayaan waxaan cunaqabateyneynaa ciidanka dowladda laakiin meesha wax kalaa ku jira Luuq iyo B/xaawo iy Ceel waaq shacab ma joogaan miyaa? way joogaan weliba kuwa dhibaateysan ayaa jooga laakiin Al-Shabaab ma kala jecla ileen waa lagu shaqeystaaye” sidaas waxaa kuwaramay wiil muujinaya carada uu kaqabo cunaqabateynta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa degmooyinkii dhawaan laga qabsaday waxay u diideen inay wax gaadiid ah galaan, taasoo dad badan oo markii horeba dhibaatada abaaraha ay saameeyeen ay tan ugu ii darsantay, waxaana xarakada ay talaabadaasi ula jeedaan inay ku cunaqabateeyaan ciidamada ka soo horjeeda ee degmooyinka gobolka Gedo qaarkood ku sugan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 26, 2011 Quote Un-Quote ” Waxay ku andacoonayaan waxaan cunaqabateyneynaa ciidanka dowladda laakiin meesha wax kalaa ku jira Luuq iyo B/xaawo iy Ceel waaq shacab ma joogaan miyaa? way joogaan weliba kuwa dhibaateysan ayaa jooga laakiin Al-Shabaab ma kala jecla ileen waa lagu shaqeystaaye” Quote Share this post Link to post Share on other sites